War Xasaasi Ah:- Musharaxa KULMIYE Oo Ku Dul Muusanaabey Min-yaradiisa Iyo Maroora-dilaacey  Ay  Min-yaradiisu Kula Dhex-dhacdey Beesha Ay Ka Dhalatey Ee Bah-gobo

War Xasaasi Ah:- Musharaxa KULMIYE Oo Ku Dul Muusanaabey Min-yaradiisa Iyo Maroora-dilaacey Ay Min-yaradiisu Kula Dhex-dhacdey Beesha Ay Ka Dhalatey Ee Bah-gobo

 

Min-yarada Muuse Biixi Ayaa Abaabuleysa Xaflad Xumad-jebin Ay Uga Dhigeyso Musharaxeeda.

 

Hargeysa (SLL)- Musharax Xisbiga gabalkiisu dhacay ee KULMIYE ayaa jaro oodan ay siyaasadii ka gashay iyadoo ay ka dareereen siyaasiyiin magac iyo miisaan ku lahaa Xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo isku shubay kuna biirey Xisbiga uu loolalanka adiga ka dhaxeeyo ee WADDANI, iyadoo ay maalin kasta iska casilaan Xisbiga KULMIYE masuuliyiin miisaan ku leh saaxada siyaasada Somaliland.

Musharax Xisbiga KULMIYE oo ka wer-wersanaa maal mihii u danbeeyey xaalada Siyaasadeed ee soo waajahdey Xisbiga uu hoggaamiyo ee KULMIYE, iyadoo ay ka dareereen Xisbiga uu KULMIYE siyaasiyiin miisaan kulahaa Xisbiga iyo aqoon-yahan ay xidi iyo xigeel dhaw-yihiin Musharax Muuse Biixi kuwaas oo ku biirey Xisbiga WADDANI.

Hase-yeeshaa Muuse Biixi ayaa waxa si gaar ah u damaqdey, kadib markii ay hal-doorka Beesha bah-gobo oo ay ka dhaletey Min-yarada u dhax-dey ay ku biireen Xisbiga WADDANI dhawaan, waxaan kamid ahaa hal-doorka Beesha Bah-gobe eek u biirey WADDANI nin ay walaalo yihiin min-yarada Muuse Biixi.

Docda kalene Muuse Biixi oo ku biiritaanka Beesha Bah-gobo ee Xisbiga WADDANI si weyn uga dam-qadey, ayaa miciin bidey min-yaradisii oo uu ku dul muusanaabey, iyadoo labadii cano maal ee ina soo dhaafey ay min-yarada Muuse Biixii jiif iyo joogba diidey, waxaana la sheegay in ay shirar doceed-yo la yeelatey Beesha ay ka dhalatey ee Bah-gobo, kuwaasi oo ay kaga dalbaneysay in ay taageeraan Muuse Biixi , waxa kale oo xusid mudan in ay maalintii shalay ahayd ay socdaal la xidhiidhi amuurtani ay ku tagtey Degmada Daarosalaam.

 

Gunaanadkii Min-yarada Muuse Biixi ayaa muusanow kula dhex-dhacdey Beesha ay ka dhalatey ee Bah-gobo oo dhawaan ku biirey Xisbiga WADDANI, waxaanay hadda abaabuleysaa xaflad gacan ku rimis ah oo ay oo jawaab looga dhigayo tii uu Xisbiga WADDANI dhawaan magaalada Hargeysa ugu qabtey hal-doorka , haweenka dhalinyarta iyo aqoon-yahanka Beel-weynta Bah-gobo.

Leave a Reply

*