Taageeradii Xisbiga KULMIYE Ee magaalada Hargeysa Oo Iskugu Soo Ururtay Xaafad Qudha Iyo Weji Gabaxii Maanta

Taageeradii Xisbiga KULMIYE Ee magaalada Hargeysa Oo Iskugu Soo Ururtay Xaafad Qudha Iyo Weji Gabaxii Maanta

Hargeysa (SLL)- Xisbiga KULMIYE oo maanta ay ahayd maalintiisii koobaad ee kaanbaynka Ololaha doorashada Madaxtooyada, ayaa waxa gacmaha ka laabtey in ay usoo baxaan shacabka ku dhaqan degmooyinka Axmed dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax iyo Maxamed Mooge iyo kuwa kale, kuwaas oo gebi ahaanba ka muquurta bandhiga ololihii Xisbiga KULMIYE ee manta.

Xisbiga KULMIYE oo basas geeyey taageerayaasha ku dhaqan xaafadaasi, ayaa kala kulmey weji gabax aad u balaadhan,iyadoo ay basaskii kasoo laabteen iyagoo madhan xaafadahaasi, taasi oo niyada jab ku keentey masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE.

Dhanka kalene isku soo bixii maante ee magaalada Hargeysa ee Xisbiga WADDANI, ayaa waxa ku geliyeystey taageerayaasha degmooyinka 26 june iyo Kood buur,kuwaas oo ku keliyeystey bandhigii ololaha Xisbiga KULMIYE ee uu maanta kusoo bandhigey magaalada Hargeysa, iyadoo ay niyad jab weyni ka muuqatey masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaasha yare ee soo baxay.

Geesta kalene khayriyadii weyneyd ee magaalada Hargeysa, ayaa haawenaysa maanta, taas oo niyad jab weyn ku keentey masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo maroora dilaac la huleeley.

Leave a Reply

*