Yaa Guuleystay, Kuwee’se Guuldareystay Doodii Musharaxiinta Saddexda Xisbi?

Yaa Guuleystay, Kuwee’se Guuldareystay Doodii Musharaxiinta Saddexda Xisbi?

Qodobadii Saddexda Mushaarrax ku kala wanaagsanaayeen + Qaabkii ay Su’aalaha uga Jawaabayeen + Shucuurta Wajiyadooda Iyo Fahamkii Su’aalaha

Hargeysa( SLL-Media-Yool)-Dood fool-ka-fool ah, oo lagu kulansiiyey ama loo qabtay Musharaxiinta Saddexda Xisbi ee UCID, KULMIYE Iyo WADDANI ugu tartamaya jagadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland habeenimadii Jimcaha ee Todobaadka, ayaa siyaabo kala duwan oo mug leh loogu faa’qiday Warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga iyo barraha Bulshaddu ku xidhiidho, kuwaasoo qof waliba kusoo bandhigaayey aragtidiisa doodda, iyo sidoo kale, waxyaalihii uga baxay dhaliil iyo amaan midkuu doona ha noqdee.

Dooda oo ka dhacday ama lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa marka laga soo tago god-daaloolooyinkii ka muuqday agaasinka hanaankii qabashada dooda, iyo sidoo kale su’aalihii Kootadda ahaa ee hadal-raaca danbe aan lahayn, waxa fikradaha aqoonyahanku ka bixiyey intooda badan qiimeyntooda isku dul-taageen arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin qaabkii Musharaxiintu su’aallaha uga jawaabayeen muuqaalkii uga baxay shucuurta saddexda Musharrax, iyo sidoo kale fahanka ka muuqday jawaabtooda marka su’aalaha la waydiiyo.

Tusaale ahaan, aqoonyahanka qiimeyntooda u dhigay qaabka jaran-jarada ah ee kor ku xusen, waxay tilmaameen saddexda Musharax inay ku kala wanaagsanaayeen qaabkii ay su’aalaha uga jawaabayeen, metelan murashaxa UCID Eng. Faysal Cali Waraabe markay ka hadlayaan, waxay xuseen marka su’aal la waydiiyo intuu ka boodo uu weerarayey Musharaxiinta kele si toos ah, markuu kusoo laabtana waydiinta uu isba-dhigayey hadal badan oo u muuqday Faan oo kale, maxaa yeelay Musharraxu marna masoo bandhigin tix-raac waxyaabaha uu sheegayo la xidhiidha.

Sidoo kale, Musharraxa Xisbiga tallada ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, inkastoo faraq weyni uu u dhexeeyey isagga iyo dhigiisa Ucid Faysal Cali Waraabe, balse laftigiisu marka su’aal la waydiiyo markiiba waxa uu lasoo boodayey waxyaabaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qabatay ee su’aasha la waydiyey la xiddhiidha, halkii ay ahayd inuu soo bandhigo aragti cusub, oo u arrinkaa ka leeyahay, maadaama uu yahay Musharax cusub oo doonaya Kursiga Madaxweynaha, sidaas darteed ma ahayn inuu Barnaamij Siyaasadeedkiisa ka dhigto waxqabadkii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, sababtoo ah dadka aqoonyahanka ah, waxay arrintaa u arkaayeen Musharraxa Xisbiga KULMIYE inaanu faham-sanayn inuu yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweynaha, waxqabadkii Xukuumadda tallada haysanaa uu yahay mid u gaar ah Madaxweyne Siilaanyo, oo isaggu uu ku faani karo.

Aqoonyahanku waxa kaloo, faaqidadooda isla arrinkan ku xuseen qaabkuu u jawaabeyey Musharraxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi “Cirro”, kaasoo ay ku tilmaameen jawaabihiisu inay ahaayeen kuwo kooban, isla markaana tiir la cuskado. Metelan Musharrax Cirro, markii uu ka hadlaayey qaabka hadii uu tallada dalka qabto uu maalgashi shisheeye dalka ugu soo jiidi karo, waxa maalgashiga uu ka horaysiiyey marka hore in la sammeeyo Sharcigii qeyexi lahaa heshiisyada dibeda, isla markaana kala saaraayey xuquuqda iyo xaqa ay kala leeyihiin maalgashadayaasha shisheeye iyo qaranka Somaliland, sidaas darteed Musharraxa Xisbiga WADDANI Cirro, waxa uu muuqday inuu fahamsanaa su’aalihii la waydiinayey iyo waxa uu doonaayo labada.

Geesta kale, su’aalihii la xidhiidhay Siyaasadda arrimaha dibeda iyo dhaqaalaha ee la waydiiyey saddexda Musharrax, iyagga laftooda aqoonyahanku markii ay qiimeeyeen, waxay si gaar ah isu dul-taageen jawaabihii ay ka bixiyeen Musharraxiinta labada Xisbi ee KULMIYE iyo Waddani, waxay xuseen Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, sida ka muuqatay jawaabihiisa haba-yaraatee inaanu fahamka haysan arrimaha ku saabsan Siyaasadda arrimaha dibeda, tusaale ahaan, wadahadalladii Somaliland iyo Somaliya markuu ka hadlaayey, waxa uu ku dhaliilay wixii ka khaldamay geedigii wadahadaladda Siyaasiyiin hadda ka ku jira Xisbiga WADDANI, oo hore uga tirsanaa Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, balse waxay haboonayd jawaabta uu bixinayo inuu kaga hadlo waxyalaaha hadda u qorshaysan isagga, illeen isagga Musharaxi ah, oo Madaxweyne Siilaanyo isaggu ma sharaxnaa, hadii u odhan lahaa shalay waxaanbaan qabtay berina waxaasan qaban doonaa.

Halka Musharraxa dhigiisa ah ee Xisbiga WADDANI Md. Cirro arrimaha dibeda markuu ka hadlaayey waxa u qorshaysan ee Xisbigiisu ka qaban doono Siyaasadda arrimaha dibeda haddii ay guuleystaan, sidoo kale, Musharraxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, waxa tusaale uu usoo qaatay booshadii 2005-tii Somaliland ay ku yimaaddeen wafti ballaadhan oo ka socday Koomishanka Midowga Africa, kuwasoo Somaliland ka qoray Warbixin la horgeeyey guddida joogtada ah ee Midowga Africa, arrintaasoo ahayd tallaabadii ugu wanaagsanayd intii Somaliland jirtay ee la xidhiidhay dhinaca aqoonsi raadinta, taasoo ahayd mid markhaati u ah sida Musharraxa WADDANI  Cirro uga wanaagsanaa Siyaasadda iyo xidhiidhka arrimaha dibeda dhigiisa labada Xisbi ee kaleba. La soco Cadadka dambe.

Leave a Reply

*