Gabiley:-Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Aabihi Iyo Koox Dabley Ah Oo Uu Hoggaaminayo Oo Weerar Jidgooyo Ah Ku Qaadey Wefti Ka Tirsan Xisbiga WADDANI .

Gabiley:-Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Aabihi Iyo Koox Dabley Ah Oo Uu Hoggaaminayo Oo Weerar Jidgooyo Ah Ku Qaadey Wefti Ka Tirsan Xisbiga WADDANI .

Hargeysa (SLL)- Mareeyahay wakaalada Biyaha Magaalada Hargeysa Aabihii oo lagu magacaabo Cali Axmed Daarood iyo koox uu hoggaaminayo, ayaa maanta weerar ku qaadey wefti ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI xili ay marayeen degaanka Caro-yaambo ee gobolka Gabiley.

Weftiga Xisbiga WADDANI ee la weeraray, ayaa waxa kamid ahaa xoghaye ku-xigeenka gaashaan dhiga ee Xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo u socdey xiligaa ka qayb-galka dabaal-degyo ka dhacey magaalada Gabiley oo ay shacabka reer Gabiley ku muujinayeen taageeradooda ay u hayaan Xisbiga WADDANI, balse kooxdan dableyda ah oo uu hoggaaminayey ninka lagu magacaabo, Cali Axmed Darood ayaa jidgooye u galey weftiga deegaanadka Carro Yaambo, waxaaney khasaare soo gaadhsiiyey gaadiidkii weftiga,hase- yeeshee ma jiro wax aan khasaare ah oo soo gaadhey masuuliyiintii.

Kooxda jid-gooyada u gashay weftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayey maaareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Aabihii Cali Axmed Daarood, ayaa waxa la sheegay in ay ku hubeysnayeen hal qori oo nooca Ak47 iyo baaskoolado.
Dhanka kalene dad goob-joogayaal ah ayaa war-baahinta u sheegay in kooxdaasi ay ka carareen goobta, ay jidgooyada ugu galeen weftiga Xisbiga WADDANI ee Tuukada Carro Yaambo, waxaanu falkanu ahaa mid lagu cabsi-gelinayo Xisbiga WADDANI.

Falkan, ayaa noqo kii ugu horreeyey ee tan iyo intii uu kaanbeynu bilaabmey lagula kaco xisbi kamid saddex-da Xisbi Qaran ee ku loolamaysa saaxada siyaasada..

Leave a Reply

*