Hargaysay, Borama, Berbera , Burco,  Ceerigaabo, Laascaanood  oo Isadaldoonku Ruxay (Videos

Hargaysay, Borama, Berbera , Burco, Ceerigaabo, Laascaanood oo Isadaldoonku Ruxay (Videos

Hordha Cududa Mucjisada ahayd ee Waddani Soobandhigay

 

Xisbiga Waddani Oo Soobandhigay  Gadiid Ololaha Borama Lagaga shaqaynayo

Tageerayaasha Cududa Balaadhan Ee Xisbiga Waddani Oo Dhoolatus Weyn Ka Dhigay Magaalada Borama

Somaliland (SLL)- Tageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Oo habeenkii xalay ahaa kow sadey kaltankoodii ololaha Xisbigooda WADDANI, aya bandhigyo la yaab leh iyo damaashaadyo ay kusoo bandhigayaan cududa taareero ee Xisbiga WADDANI ka dhigey magalooyinka waa weyn ee Somaliland iyo degmooyinka dalka.

Jamaahiirta Xisbiga WADDANI, ayaa bandhigyo la yaable ka dhigay magaalo madax-da Hargeysa habeenkii xalay ahaa, iyagoo ku lebisan calanka astaanta u ah Xisbiga WADDANI , kuwaas oo socod lug iyo gadiid-ba ku maraayey jidadka waa weyn ee Hargeysa, saarnayeen sameecado waa weyn, oo ay ka baxayaan heesa Xisbiga WADDANI.

Taageerayashaa Xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal, ayaa iyana habeenkii xalay ahaa ka sameeyey gudaha madaalada Boorama dhoolatus baaxad leh gudaha iyo degmooyinka gobolka Awdal, iyagoo saakana soo bandhigaya dhoolatsu dhul-gariir ah.

Geesta kalena Jamaahiirta Gobolada Saaxil iyoTogdheer, ayaa caasimadaha Berbera iyo Burco iyo deegaanada hoos yimaada ka sameeyey wacdaro iyo dabaal-degyo waa weyn oo ay kusoo bandhigayaa cududa tageero ee Xisbiga WADDANI, iyagoo saaka u dareerau fagaarayaasha waa weyn ee magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxaynu dhawrnaa waa cududa Burco iyo Berbera oo ciidu dhaqaaqi doonto saaka.

Docda kalena Jamaahiirta iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gobodlada Sanaag iyo Sool, ayaa iyana soo bandhigey dhoolatuskii ugu la yaabka badnaa ee ay ku muujinayaan cududa taageero ee uu Xisbiga ku leeyahay goboladaasi, iyagoo habeenkii xalay ahaa aan seexan, bulshada reer Ceerigaabo iyo Laas-canood,waxaase xusid mudan in ay subaxan saaka ah uu dareereen fagaarayaasha magaalooyinkaa oo ay ku soo bandhigayaan wacdaro culus

Lasoco Wacdaraha Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Ee Saaka Iyo Cudada Taageero ee Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay gobolada Dalka Somaliland

 

 

Leave a Reply

*