Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Isku Soo Baxa Taageerayaasha Waddani Ku Tilmaamay Kacdoon Shacbigu Ku Doonayo Isbadal Siyaasadeed Oo Dalka Ka Dhaca

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Isku Soo Baxa Taageerayaasha Waddani Ku Tilmaamay Kacdoon Shacbigu Ku Doonayo Isbadal Siyaasadeed Oo Dalka Ka Dhaca

“Fagaaraha Hargeysa Waxa Ka Socda, Ceerigaabo Ka Socda, Saaxil Waxa Ka Socota, Boorama Ka Socdaa Waa Isku Soo Bax Kacdoon Shacbi, Walaalayaal Waxaan Idin Leeyahay ‘Guushaada Waa Lala Jiraa Ee Geesna Ha Ka Ahaanin’” Ayuu Yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal 

Burco, ( SLL-Media) – Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa xisbiga Waddani ayaa kacdoon shacbi ku tilmaamay isku soo baxyada taageerayaasha xisbiga Waddani ay isugu soo baxeen magaalooyinka dalka, isla markaana ay ku doonayaan shacabku isbadal keena horumar.

Muniir Axmed Cigaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta la hadlayey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Jamaahiirta Kumaan kumka ah ee reer Burco ee saddex jeer ka badan intii soo baxday doraad, intaana waanu ogonahay oo Madaxweynaha ayay ixtiraameen, khudbadiisii ugu dambaysay ayuu idiin soo jeedinayaa ayay ku sheegeen, waanu sagootiyeynaa madaxweynaha laakiin Muuse waxaan leeyahay Muusow igu balamidii way dhamaatay, imisaa lagugu balaminayaa.

Walaalayaal waxaan idiin sheegayaa Burco maanta mudo 26 sanadood ah oo halkii Somaliland lagaga dhawaaqay ah wali halkii ayaad taagan tihiin, dhalinyarada Burco ma laha Xafiif ama meel ay waraaqaha shaqada ku xaraystaan, sayladii xoolaha ee aynu ku caanka ahayn way madhan tahay.

Miisaaniyada toba iyo lixdanka Wasiir waxa lagu isticmaalaa caasimada oo aanay dhinacna u dhaafin Caasimada, Caasimadu waa tii Somaliland laakiinse waa maamul xumada Kulmiye, walaalayaal hal fursad ayaa idin soo maraya, jaaniskaasi waa ka aad maanta haysataan, waa kaadhka codbixinta ee aad maanta haysataan, waxaad ku dooranaysaan nolol wacan, mustaqbal ifaya iyo Burco oo shaqo abuur yeelata oo dhalinyaradeedu aanay tahriibin.” Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, waxaanu intaasi ku daray “Maxamuud Xaashi todobadii sanadood ee u dambeeyey ayuu idin horjoogay meel uu lacagtii abaaraha loo ururiyey uu kaga waramo ayuu la’ yahay, tobankii malyan ee ka soo kabashada idiinmuu sheegin, taariikhda ayaa sheegi doonta, raga gaawaha soo culanayaa waa kaa, reer Burcow waxaad kala cadaysaan kuwii la idiin soo diray way iswada haystaan, kaambaynka Kulmiye loo soo diray way iswada haystaan hunguri ayay isku haystaan, lacag ayay isku dilayaan. Waxaan idin leeyahay dhalinyarooy fartiina ku ciil baxa, Xisbigayaga waxa hogaaminaya astaantii dimuqraadiyada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waa Madaxweynihii uu seegay Kulmiye, hadii Kulmiye uu dooran lahaa Maxamed Biixi Yoonis halka uu maanta fadhiyo muu fadhiyeen, Muuse walaalayaal intii ku xeernayd ayaa ka carartay, dadkii ugu dhawaa ayaa ka cararay.

Fariintayda ugu dambaysaa waxa weeyi waxaan idiin sheegayaa isbadalku gacantiina ayuu ku jiraa, waxa weeyi dadkaa aad arkaysaan Waddani muu shaqaysan balse niyadooda ayuu illaahay usoo jeediyey, meelkasta waxa ka socda oo fagaaraha Hargeysa ka socda, Ceerigaabo ka scoota, Saaxil ka socota, Boorama ka socota isku soo bax kacdoon shacbi ah, walaalayaal waxaan idin leeyahay kacdoonka ha ka hadhina.

Waxaan ku soo gabogabaynayaa ‘Guushaada waa lala jiraa ee geesna ha ka ahaanin’, waar inta hadhayna ha soo raacdo.” Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal

Leave a Reply

*