“Waxaad Arki Doontaan Musharaxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Oo Taleefoonada Qof-Qof Usoo Garaaca Somaliland Isagoo Codkooda Waydiisanaya” Xirsi Cali Xaaji Xasan

“Waxaad Arki Doontaan Musharaxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Oo Taleefoonada Qof-Qof Usoo Garaaca Somaliland Isagoo Codkooda Waydiisanaya” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Ceerigaabo( SLL Media) Iyadoo lagu guda jiro Ololaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaaa maanta u lahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaasi oo isu soo baxyo balaadhan  ka muujiyey Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag halkaasi oo uu kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani kala qeyb galay kheyriyada Ceerigaabo.

 

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ayaa ugu horaynba hadalkiisa ku bilaabay “Shalayto  intii markii abaartu taagnayd waxaan halkan ka idhi Markii dhibtu taagnayd ee dadku abaaraysnaa ee Kulmiye kaanbayn garaynayey ee doorasho in la qabto dadkoo dayacan , waar maalinta barwaaqadaynu tartamaynaa maanta dadkaa la badbaadinayaa, waxaa muuqanasay inaanay dadka danaynayn, Maanta Fagaaraa la joogaa ninkii faro haya iyo ninkii Xiniinyo hayaa, Dadka reer Somaliland waa loo tartamayaa ninkii Laba beelood ku tartamaya iyo ninkii Laba qof ku tartamaya iyo ninkii Tuulo ku tartamaya waa inoo Fagaaraha Somaliland iyo Tartan Xalaal ah “

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu sheegay inay soo celiyaan rajadii shacabka ee kulmiye godka madow ku riday  islamarkaana ay ka waddani ahaan u wadaan horumar waxaana uu yidhi “Waxaan leeyahay reer Sanaag waa la tartamayaa insha allaah tacaalaa waanaynu guulaysanaynaa Tartanka waxaynu ku wadnaa reer Waddani inaynu soo celino Rajada Shacabka, Oo sidaynu usoo celinaynaa ? Waad ogaydeen Waddadii Ceerigaabo ee aynu beertan shalay isugu iman jirnay dumarku dahabkooda u bixin jireen, ee Xoolaha halkan lagaga yaboohayey Geel iyo Adhiba leh Maanta waa taasoo ma dhammaan Waddadii, Waxaan ka tegay Dawladda anigu 2015-kii 2015,2016,2017 haddda u fiirsada waa taasoo ma dhammaan mana dhawa, waxaan leenahay waa Xisbigii idiin dhamaystiri lahaa miyaan iska leenahay iskama lihin waxaanu hore ugu marnay, ninkii iska hadlayaa hayska hadlo Halkan baan u imi Somaliland oo dhan baan  u maray Maraykan baan u tegay, Yurub baan u tegay, Carab baan u tegay, African u maray  maxaan doonayey maalintaa ? Waxaan doonayey dadka reer Sanaag inay Waddo helaan, in Laamigu soo gaadho in Magaalo walba Laamigu gaadho, keliya may ahayn hadii xitaa dhamaystirmo laamiga inta isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo, miyuu dhamays tiran yahay ? qorshuhu wuxuu ahaa inuu Halkaa Badhan ka galo Geel Doora ka dhaca oo halkaa ku dhaadhaco meesha la yidhaahdo Badda iyo Laasqoray, halkan inuu ka dhaadhaco oo Xiis iyo Maydh ku dhaadhaco, waxaanu doonaynay in dhammaan Sanaag iyo Somaliland isku xidhmaan, Maantana waxaan doonaynaa rajada shacabka inaynu soo celino ee Kulmiye joojiyey, Dadka reer Somaliland oo mida oo meel u wada jeeda, dadka reer Somaliland oo horumarsan baynu doonaynaa, Dadka reer Somaliland oo dhibtii gaadhay kasoo kabtay baynu doonaynaa, dadka reer Somaliland oo dunida Ictiraaf ka hela baynu doonaynaa, Taa maxaa lagu helayaa ? Xisbiga wata Hogaamiye fiican Aqoon leh Khibrad leh oo daacada oo dalka u daacada ayeynu ku helaynaa waa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waa nin 40-sannadood soo shaqaynayey haday tahay Diblumaasiyad haday tahay Baarlamaan haday tahay Xidhiidh Caalam waa nin garanaya oo shaqaynayey oo intaaba dhex joogay”

Hogaamiye Xirsi ayaa shacabka waydiiyey halka ay martay Lacagtii loogu talo galay dadkii abaaraha ku wax yeeloobay isagoo tibaaxay in Muuse loogu ololaynaayo  “ Waxaan leeyahay Rajada noocaas sidee baynu kusoo celinaynaa ? Kulmiye wuxuu leeyahay laba laba baynu u heshiinaynaa, waar dalkoo dhan oo isku xidhan baynu doonaynaa, hadda u fiirsada Dadkii reer Ceerigaabo reer Sanaag reer Somaliland ee Xoolaha xoolaha qaniga ku ahaa ee Halkan 35-ka neef lagaga yaboohayey maanta maxaa ka nool? Miyey u gurmadeen? Miyey badbaadiyeen?  Wax idiin yimaada miyaad haysaan? Intaa iyaga oo aan samayn ayey baaqigii soo hadhay duninada ku baadheen oo dadka ku baadheen oo lacag lagaga uruuriyey, Meeday 10-kii Milyan ee lagaga yaboohay Madaxtooyadu? Meeday 4-tii Milyan ee habeenkii lagu yaboohay? Meeday Lacagtii Carabta laga keenay ? Dadka reer Somaliland wixii la yidhi abaartaa lagaga soo kabanayaa maxaa loo siin waayey? Waa ta Muuse loogu kaanbayn garaynayo insha allaah way isla dhici doonaan, Guushana Waddani baa leh Somaliland oo dhan baa leh”

Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha la loodin kari la’ayahay ee Xisbiga Waddani ayaa  sheegay in Kulmiye ku Asqoobay tijnoolojiyada taasi oo uu sheegay inay Dadka reer Somalialnd waydiisan doonaan Codkooda “ Nimankii lahaa shalayto dadka Abaaraa kasoo kabtaan wax u uurinaynaa miyaad shilin ka haysaan? Waxaan hore u idhi riyey maalintaa moodayeen Guri Guri baanu u kaanbayn garaynaynaa Albaab walba waanu garaacaynaa, Guriga Muuse Biixi ayaanu garaacaynaa ayaan shalay hore u idhi, Waxaan maanta ku celinayaa iyadoo dhaba Taleefoonada idinku soo dhacaya ee reer Kulmiye ka qeylinayaan waa kuwaan kuu sheegayey Inamada Albaabka garaacayaana wiigan bay kuu imanayaan, waxaanu ugu talo galnay oo qorshaha yagu yahay qof walba oo reer Somaliland oo taleefoon haysta waxaanu samaynay Siistamkii lagula hadlayey, waxaanu diyaarinay kumanaan iyo kumanaan dhalinyaro ah oo guri walba garaaca, oo taleefoon walba garaaca,Taleefoonada laydiin soo diraa maaha qaar kaftana ee leh Waddani u codeeya waa kuwaanu qorshaynay waa kuwaanu diyaarinay, qof walba oo reer Somaliland codkiisaanu waydiisanaynaa Taleefoon taleefoon baanu u garaacaynaa, waxaa waliba ku xiga Musharaxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa arki doontaan oo taleefoonada soo garaaca oo qof qof usoo garaaca Somaliland isagoo codkiisa waydiisanaya, maxay taasi ku timi ? waa rabitaanka shacabka inaanu ka jawaabno waa inaanu waydiisano waa inaanu muujino inaanu dadka wax ka doonayno, dadku nooma qasbana iyaguna waxay leeyihiin dadku meel buu noogu xidhan yahay, waxay ka xanaaqaan dadku waa xor waxay ka xanaaqaan Ceerigaabo way midowday Burco way midowday, waar Somaliland waa midowday dadkuna codkooda waa u xor”

Waxaana uu sheegay Hogaamiye Xirsi inay Kulmiye kaga horeeyaan adeegsiga Tijnoolojiyada iyo dhanka farsamada islamarkaana ay jaanis siyeen dhalinyarada iyo aqooon yahanka “ Farsamada Tejnoolojiyada ayaa Kulmiye ku asqoobay waxay garan la’ayihiin shalayto inaan ahaa Gudoomiyaha Taleefoonada mid kamida ahaa aanu farsamadeedii garanayno, waxay garan la’ayihiin inaanu Aqoonyahankii jaanis siinay, waxay garan la’ayihiin inaanu dhalinyaradii jaanis siinay, oo aanu Farsada iyo Tijnoolajiga u siinay jaanis ay dadkooda kula hadlaan taasay garan la’ayihiin, Kulmiye ayaa Asqoobay oo marba geed isku qaadaya sidii Lax gowracan waar dadka reer Somaliland ma khasbana ee cod waydiiso, Afarta (4-ta) Milyan ee qof ee Somaliland jooga inta talefoon sidata taleefoonkaanu kala hadlaynaa, inta guri lehna gurigaanu isku dayeynaa inaanu garaacno, wixii suurta gal noqda insha allaah tacaalaa, taasay ka asqoobeen maxay arkeen?  Dabayshii guusha oo dhacaysa oo Waddani ku socota ayey arkeen waxay arkeen Jawaabtii dadka, muuqaalkii dadkay arkeen insha allaah tacaalaa ma dhawa maantuu bilaabmay laysma gaadhin cagaha dhulka ku xejiya reer Kulmiyow, waa inoo tartan waa inoo fagaare waa waxaad la timaadaan, shalay halkan intii joogtay waa la arkayey saw maaha? Maantana waa la arkayaa, Bulshada reer Somaliland baa marag ah buslshada reer somaliland baa qaadiya oo ina kala xukumaysa, kay codkeedu raacdo weeye insha allaah Waddani buu raacayaa maantana way muuqataa”

Sidoo kale Waxa uu hogaamiyuhu sheegay inay ka jawaabi doonaan baahiyaha aasaasiga ah ee dadka reer Somaliland qabaan wuxuuna xusay inay abuuri doonaan 15000 oo shaqo “Waddani maalintaad codka nasiisaan waxaanu ka jawaabaynaa baahiyihiina, baahiyaha bulshadaanu ka jawaabaynaa Waddada ugu horeysa reer Sanaagow biyaha  iyo caafimaad kaanu ka jawaabaynaa, noloshiinaanu ka jawaabaynaa shaqadaanu ka jawaabaynaa, sidii gudoomiyuhu Fagaaraha ka sheegay Shan iyo Kun (15000) oo dhalinyaro ah amma Shan iyo toban kun (15000) oo qof , Shan iyo Toban kun (15000) oo shaqo ayaanu ugu talo galnay inaanu abuurno marka u horaysaba , Ciidamadaanu ku talo galnay inaanu mushaharka u kordhino oo guryaha u dhisno markii aanu taa soo saarnay maxay yidhaahdeen? Waa beentood iyo kuma dhacaan bal wax la kaalaya xagay ka keenayaan bay yidhaahdeen, waxaanu ka keenaynaa dhaqaalaanu abuuraynaa dalkaanu kasoo saaraynaa, wax soo saar samaynaynaa ta aad idinku qof qofka siisaan ee aad cuntaan ayaanu dalka iyo dadka gelinaynaa, markaanu nidhi ciidamadaanu wax gelinyanaa ayaa qeylo lagu dhuftay, Ciidamada waanu gelinaynaa waliba guryana waanu u dhisaynaa insha allaah tacaalaa, waxaanu ka jawaabaynaa baahidooda, dhalinyaradaanu ka jawaabaynaa, Waddani iska hadli maayo waddani qorshuu leeyahay barnaamijkiisa sanad iyo goo’go’o buu soo saaray  Barogaraam buu soo saaray siyaasadeed oo uu Bulshada ka iibinayo, kaasaanu dadka wax ugu qabanaynaa”

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani waxa uu shaaca ka qaaday inaan Muuse Biixi maalin qudha kelmad u odhan Wadada maantana uu ku ololaynayo waddo uu dhisaayo “ Kulmiyow hadaad jaaniskaagii waad heshaye hadaad  ka faaidaysan wayday  Kumliye ninkuu  wadaa waa Muuse shalayto Waddadan aynu sheegayno ee Ceerigaabo qaar baa idiin iman doona oo odhan doona wadadan baa la sameeyey Kulmiya sameeyey , Waar Kulmiye ma samayn Madaxweynaha ayey himiladiisii ahayd annagaana fulinay Kulmiye ma samayn Kulmiye Muuse gudoomiye ka ahaa Muuse miyaad ka haysaan hadal  maalin miyaad ka haysaan, maalin uu Waddada ka hadlayo hadaad soo heshaan intaan hadlayey, Cabdiraxmaan Cirro oo mucaarida oo naga soo horjeeday wuxuu ka hadlay Waddada oo wuu taageeray Faysal mucaarida oo naga soo horjeeday Waddada wuu ka hadlay wuu taageeray, Golaha guurtidu wuu taageeray Kulmiye Muuse gudoomiye ka ahaa maalin muu taageerin, maanu dadka kale dafirno oo nidhaahno Samaale muu taageerin bal aanu nidhaahdo Samsam may taageerin, bal aanu nidhaahno dadka kale may taageerin, dadkii dalka danaynayey qof waliba wuu taageerayey Muuse oo maanta idin leh Madaxweyne ayan idinka doonayaa oo siduu ku yimina aad ogtihiin ayaa leh waddan idiin samaynayaa oo shalay muu taageero? Waxaanu leenahay annagu Waddadii insha allaah tacaalaa waanu idiin samaynaynaa, dalkoo dhan waanu horumarinayaa codkiisa Waddani siiya codkiina dalka ku badbaadiya codkiina ugu hiiliya qaranimada, qabyaalad hawgu hiilinina qaranimada ugu hiiliiya,  aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”

Leave a Reply

*