Somaliland:- Dufaanada Isbadel Doonka Dharka Cas-cas Ee Xisbiga WADDANI Oo Saaka U Dareeray  Kaltankii Labaad Ee Olollaha  Doorashada Iyo Shaxda Cusub Ee Duufaanta Dharka Cas-cas Ay Ku Dheelayaan

Somaliland:- Dufaanada Isbadel Doonka Dharka Cas-cas Ee Xisbiga WADDANI Oo Saaka U Dareeray  Kaltankii Labaad Ee Olollaha  Doorashada Iyo Shaxda Cusub Ee Duufaanta Dharka Cas-cas Ay Ku Dheelayaan

 

Somaliland (SLL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo taageerayaashiisa, ayaa saaka u dareeray kaltanoodii labaad ee olollaha doorashada, iyagoo tan iyo xalay ay taageerayaasha Xisbigu damaashaad-yo dhoola-tus kusoo bandhigayeen degmooyinka iyo magaalooy dalka.

Kaltanka labaad ee olollaha doorashada Xisbiga WADDANI, ayaa maanta gobolada iyo degmooyinka dalka uga socote si habsi ah, iyadoo Taageerayaasha xisbiga WADDANI ay soo bandhigayaan cududooda taageero ee Xisbiga WADDANI, kuwaas oo jidadka magaalooyinka iyo degmooyinka soo buux –dhaafiyey ku lebisan calanka muuqa dheer ee astaanta u ah Xisbiga , isla markaana ku luuqaynayaa heesah ay taageerada ugu muujinayaa Xisbiga WADDANI iyo Musharax Cirro.

Dhanka kalena masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa goobo loogu talo-galey oo fagaarayaal ah uga jeedinaya taageerayaashooda khudbado kala duwan oo ku taca-luqa olollahooda, iyagoo uga mahad-naqaya taageerayaashood sida ay u soo baxeen iyo cududa taageero ee ay soo bandhigeen.

Geesta kalena duufaanta dharka cas ee taageerta Xisbiga WADDANI , ayaa saaka magaalooyinka Somaliland wac-daro aan hore loo arag soo badndhigey.

Lasoco Faah-faahin dheeri ah Oo ku saabsan warkaasi Sawirro Iyo Muuqaalo

 

 

Leave a Reply

*