Maxamed Kaahin oo Faggaare ka Jeediyey Hadallo uu ku kala Fogeynaayo Midnimada reer Burco

Maxamed Kaahin oo Faggaare ka Jeediyey Hadallo uu ku kala Fogeynaayo Midnimada reer Burco

Maxamed Kaahin oo Faggaare ka Jeediyey Hadallo uu ku kala Fogeynaayo Midnimada reer Burco

 

Burco(SLL)-Gudoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Cabdi, ayaa markii ay ka rajo-beeleen rabitaanka shacabka Somaliland, sidii kolkii hore ay ka filayeen, waxay hadda u baydheen rajo la’aanta lasoo deristay bedelkeeda inay qalaalaso iyo khalkhal ka abuuran dalka. Sidaas darteed, Muj. Maxamed Kaahin Cabdi, waxa faggaaraha Khayriyadda Magaaladda Burco ka jeediyey khudbad u muuqatay mid tumaysaa Dur-baan Colaadeed, oo laga dhex hurinayo Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Sidoo kale, Gudoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Cabdi, waxa uu ka dhawaajiyey weedho iyo ereyo xajiimeysan, kuwaasoo nuxur odhaaheedkooda uu ka dhaadhamaayey in looga gol-leeyahay cid gaar ah in lagu kiciyo, hadallada khudbada Muj. Maxamed Kaahin xambaarsanayd, oo marka si loo eeggo ah weedhihii ugu adkaa ee Siyaasi Somaliland u dhashay ka jeediyo Magaaladda Burco 23-kii sanno ee u dambeeyey, waxa u kaga hadlay saddex xaaladood, oo marka la qiimeeyo duruufaha Somaliland midkoodna aanu ka jirin dalka Maanta, hase-ahaatee isaggu jiray kuwo ka turjumaayey dhacdooyinkii been abuurka ahaa ee Xisbiga Kulmiye uu kolba kasoo malleegayey Muqdisho, sidoo kale, halku dhig cusub oo Xisbiga Kulmiye mudooyinkan u dambeeyeyba Boro-bagaandaha uu ka dhigtay, balse ah kuwo meel lagaga dhacaayo xaqa muwaadinnimo ee Musharraxiinta Waddani dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland siiyey, kuwasoo ah Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi iyo Prof. Maxamed midkoodna in aanu ga’yin, laguna aamini karin inay hoggaamiyayaal ka noqdan tallada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo. Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Cabdi, ku celiyey markale, eedaha hogaanka

Xisbigoodu cadada ka dhigtay, ee ku saabsanaa Madaxweynaha dawladda federaalka Somaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo, inuu dabada ka wado musharraxiinta Xisbiga Waddani, isla markaana dawladda Somaliya lug weyn ku leedahay Siyaasadda Xisbiga Waddani. Teeda kale Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Cabdi, waxa uu taxay dagaaladdii sokeeyaha ee ka dhacay Somaliland sannadihii 1991-kii ilaa 1994-kii, kuwasoo aanay jirin sabab loogu xusaa aanay jirin Maanta. Isaggo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi;“..Waxa innagu meeraysanaya, oo arrinkaa marba meel kasoo gelaya waa Farmaajo (Madaxweynaha Somaliya) iyo dawladda Muqdisho, sababta ay inoo doca-docaynayaan ee marba u leeyihiin Xisbiga Waddani-baanu taageersanahay, waxay og-yihiin haddaynu marxaladan Maanta ka gudubno inaynu kala madax-banaan doono. Halkee ayey mushkiiladdu Maanta taagan tahay, waxay taagan tahay, maxaan ku kala duwanahay Xisbiga Waddani?. Waxanu ku kala duwanahay anagga Xisbiga Kulmiye, kuma jirto cid u beer dhigaaleynaysaa Muqdisho, Xisbiga Kulmiye kuma jiro qof doonaya xoriyadda Somaliland inay wiiqanto, midnimadii Somaliyana dib usoo noqoto.

Qalaalasaha la abuurayo, durbaanada Xamar laga tumayo ragga ku talo-galay markaas ayey doonayaan inay Xamar idin geeyan. Kuwaasi anagga maha. Walaalahayo (Xisbiga Waddani) waxanu leenahay Xamar ayaan la idinka taageerin, ee Laascaanood, Ceerigaabo, Boorama iyo laasqoray hala idinka taageero. Maanta halkan-baynu joognaa, Nin walbana hortiisaa caano loogu biyeynayaa, nin walbana indhihiisa oo shan ah, ayaa loo sheegaya Qarankan Somaliland, dheecanka uu ku taagan yahay waa geesiyaashii la garanayey. Raggaa Maanta hadallada shubaya 1991-kii shirkii Burco may joogin, 1991-kii Berbera may joogin, kii Oog may joogin, kii Shimbiraale, kii Gar-adag, kii Ceerigaabo, kii laascaanood, kii Badweyn may joogin, xaggaay joogeen?. Dadka noocaas ah, miyaa lagu aaminaya Xoriyadda Somaliland ?. xoriyad ummadeed cidna waa loo dhiibi karaa, cidna looma dhiibi karo”.

Inkastoo bulshada Somaliland, ka kortay dhaga-nugaylka durbaanada colaadda, isla markaana ka bogsatay nabaradii hadallada noocan oo kale ah u damqan jiray, balse haddana waxaad moodaa Xisbiga tallada haya ee Kulmiye maalmihii u dambeeyey inuu oloollihiisii dhaafi waayey inuu bulshada Somaliland dib ugu celiyo xusuusta dagaaladdii Sokeeye ee laga bogsaday iyo boro-bagaando aan jirin, oo Xisbiga la tartamaya ee Waddani ku xidhiidhinayo in laga taageero Xamar, iyo sidoo kale, gefef iyo meelka dhacyo uu si shaqsi ah ugu durayo xuquuqda muwaadin-nimo ee musharraxiinta Xisbiga Waddani ee loollanku ka dhexeeyo. halkii taa bedelkeeda Xisbiga tallada haya ee Kulmiye laga filayey inuu bulshada Somaliland usoo bandhigo Barnaamij Siyaasadeedka uu doonayo mar labaad bulshaddu inay dib ugu soo doorato hoggaaminta tallada dalka.

Hase-yeeshee Bulshada Somaliland, waxay iswaydiinayaan sababta Musharraxiinta iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ku door-bideen inay xoqaan nabarada colaadihii sokeeye ee laga soo gudbay iyo inay maalin walbaa la shir-yimaadan boro-bagaandada ay sammeeyan ee aan jirin, sidoo kale, maxay tahay faa’iidada ugu jirtaa inay ku celiceliyan arrimo bulshada kala kaxaynaya?. Maxa’se u diiday inay bulshada ka iibiyan Siyaasadda hufan oo bila turxaan ah?.

Leave a Reply

*