Hoggaamiyaha WADDANI oo ku Awood Sheegtay Deegaamada, Xayira, Ilka-Cadays, Xood, Bali-Rooble, Warta-Bayle, Ceel-Dheere Ee Gobolka Togdheer

Hoggaamiyaha WADDANI oo ku Awood Sheegtay Deegaamada, Xayira, Ilka-Cadays, Xood, Bali-Rooble, Warta-Bayle, Ceel-Dheere Ee Gobolka Togdheer

Burco( SLL/.-Yool)-Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo mudooyinkii u dambeeyey safar ay ku dardar galinayaan ololaha Xisbiga Waddani oo safar ku marayey deegaamada Xood, Xayira, Ilka-Cadays, Bali-Rooble, Warta-Bayle, Ceel-dheere iyo degmada Gabogabo oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa Weftigu soo dhaweyn diiran kala kulmeen shacabkii ku dhaqanaa deegaamadii ay mareen. Odayaasha, waxgaradka iyo haweenka deegaamadii ay weftigu mareen ayaa balan qaaday inay codkooda siin doonaan xisbiga Waddani, halka Hoggaamiye Xirsina uu u sheegay inay wax ka qaban doonaan marka ay talada dalka ku guulaystaan dhamaanba baahiyaha bulsho ee ka jira deegaamada.

Ugu horayn mid ka mid ah odayaasha deegaanka Ilka-cadays ee gobolka Togdheer oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ku hadlaya afka deegaanka Ilka-cadays hoggaamiye ku soo dhawaada deegaanka Ilka Cadays, waxaanu balanqaadaynaa inaanu codka idin siin doono, horena waanu u balanqaadnay” ayuu yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka Ilka-Cadays oo halkaasi ka hadlay. Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah cuqaasha deegaamadani oo qayb ka ahaa weftiga hoggaamiyaha xisbiga Waddani.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhinciisa ku booriyey in bulshada deegaamadani ay codkooda siiyaan 13-ka bishan xisbiga Waddani, waxaanu sheegay inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka bulsho ee ka taagan deegaamadani “Waxaanu halkan u maraynaa insha allaahu tacaalaa inaanu dadkana ogaano xaalkiisa codkana waydiisano, waxaanu u qabanaynana u sheegno mustaqbalka. Markay dawladnimadii timaado waxaanu ku talagalaynaa oo aanu halkaa ka sheegaynaa inaanu wixii waxqabad ahaa ee Biyuhu ka midka yihiin insha Allaahu tacaalaa waxaanu ku kordhinayno aanu ka shaqayno. Dhamaan adeegyada bulshada wixii aanu ka qaban karayno waanu ka qabanaynaa isbadalka noocaas ah ayuu Waddani u taagan yahay. Waakuwaa xarumihii dawladu xidhan, saddexdaa meelood ee ka dhisan degmadan qofkii saxeexay iyadoo aan degmaba laga dhigin baan ahaa, qaarbaa halkan dhus-dhusleeya baa yidhaa degmada Xirsibaa diidanaa ha yimaado oo ha-i-horyimaado ninka yidhaahda Xirsi ma dhisin.

Waxa aanu wax ka qabanaynaa dadkaa Barakacayaasha ah Xoolahoodii ka baxeen ee kaamamka ku xaraysan ee halkan Gabogabona jooga inaanu wax ka qabano. Masaajidkaa ay noola yimaadeen dadka deegaanku ee guudka qaawan Illaaha guusha bixiya ee Madaxtinimada bixiya ayaa iska leh baydkaa waanu dhisaynaa isagana insha Allaahu tacaalaa” Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

Sidoo waxa isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Hadaad tihiin Deegaanka Gabagabona aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida wanaagsan ee xisbiga Waddani aad u taageerteen, noola qaadateen inaad codka siisaan Waddani, ee aad noo soo dhaweyseen hadaad odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyaradaba tihiin. Waxay cadaynaysaa in dadka deegaankani isbadal doonayaan, Waddani waa xisbigii shacabka oo wuxuu ku dedaalayaa in cid waliba ay xaqeeda hesho.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa Xisbiga Waddani.

Leave a Reply

*