Rajaddii KULMIYE oo ku Ururtay Budhcad Kaadhadhka Iibsata   Reer Awdal oo ku Hanjabay inay Ciqaab Marin-doonaan Dadka Kaadhadhka Iibsanaya

Rajaddii KULMIYE oo ku Ururtay Budhcad Kaadhadhka Iibsata Reer Awdal oo ku Hanjabay inay Ciqaab Marin-doonaan Dadka Kaadhadhka Iibsanaya

Boorama( SLL-Yool)-Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, ayaa ka rajo-beelay inuu guul kasoo hoyn-karo tartanka Doorashadda aqalka Madaxtooyadda Somaliland, oo la filayo inay 13-ka bishan ka qabsoonto guud gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteed kaaderiinta Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxay go’aan-sadden inay ku dhaqaaqan tallaabo kasto ay kula tacaali lahaayeen guuldarada soo wajahday.

Xogo amuurtan la xidhiidha oo laga helay ilo ku dhow-dhow kaaderiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa daboolka ka qaaday  kulan arrimaha lagaga hadlaayey oo ay yeesheen sheeffeerada Kulmiye lagu go’aamiyey in lama waji lagaga hawgalo deegaanada iyo goobaha ay u arkaan inuu taageero xoogan ka haysto Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kuwasoo sida xoggaha lagu sheegay kala ah in gobolka Awdal gaar ahaan degmada Boorama oo cudud lexaadleh Xisbiga Waddani ku leeyahay ay ka hawgalaan Wakiiladaa Magaaladda Boorama u jooga ganacsato waaweyn oo ay isku beel yihiin Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana dadka dan-yarta ah ee deegaanadaas ku dhaqan Kaadhadhka Codbibinta laga Iibsado, iyadoo loogu bedelaayo Raashin iyo Lacag ah kolba kii ay dannaynayaan.

Waxa kaloo, ilahaasi tibaaxeen in talaabada laga barbar-bilaabo isku day kale, oo isna ah in Magaaladda Boorama iyo xaafado kamid ah Magaaladda Hargeysa loo diro shaqsiyaad isaggu jira dhalinyaro iyo waayeel, kuwasoo iyaggoo ku dhex-dhuumanaya deegaanada iyo xaafadaha laga taageersan yahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ay kaadhadhka Doorashada ka Iibsadaan dadka si qarsoodi ah, iyagoo kooxda Budh-cad kaadheedhka ah la faray sida la sheegay inay dadka ka siistan dhaqaale ku siman kolba inta dadka hankoodu yahay. Illaha xoggaha amuurtan laga helay, ayaa xusay in ganacsatada hirgelinta arrimahan qaybta ka qaatay ay kamid yihiin sida la sheeday Ganacsade Jaamac Oomar Siciid iyo Ganacsade

Maxamed Aw Siciid Geedi, oo isaggu kolkiisii horeba si qaawan ugu banbaxay taageerada Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale, Siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo aqoonyahan kasoo jeeda deegaanadan Xisbul-xaakimka Kulmiye u diray budh-cad Kadheedka, ayaa farriimo adag oo isaggu jira digniin iyo hanjabaad ka bixiyey talalabada ka dhalatay raj-beelista Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena waxay farrimo wacyi-gelin ah u direen dadweynaha ku dhaqan goobaha la bartilmaameedka Xisbiga Kulmiye ka dhigtay, waxana bulshada ku waaniyeen inay kaadhadhkooda ilaashadan, ismarkaana ka feejignaadan maafiyadda Kaadhadhkooda baadi-goobaya, oo ay oggaadan qiimaha Kaadhku u leeyahay in aanay ahayd Doorashadda Madaxtooyadda oo keliya, balse uu fursad u yahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka oo dagaal lagula jiro.

Sidoo kale, waxgaradkaasi waxay u digeen cidkastoo isku dayda inay deegaanadooda ka fuliyan tallaabooyinka kaadh Iibsadashada ah, isla markaana cidi arrimahaas lagu qabto, waxay sheegen inay la kulmi doonaan Ciqaab adag oo aanay kasoo waaqsan, waxa kaloo aqoonyahanku Xisbiga tallada haya ee Kulmiye ugu baaqeen inay rafadka joojiyan, kuna qancaan calaf wixii Ilahay ka siiyo Doorashada Madaxtooyadda.

Leave a Reply

*