Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee Caasimada Hargeysa Oo Isku Soo Bax Balaadhan Ku Moojiyey Cududooda Taageero Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Eedo U Jeediyey Kulmiye

Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee Caasimada Hargeysa Oo Isku Soo Bax Balaadhan Ku Moojiyey Cududooda Taageero Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Eedo U Jeediyey Kulmiye

Hargeysa, (  SLL.-) – Taageerayaasha xisbiga Waddani oo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa taageerada ay u hayaan xisbiga Waddani ay ku soo bandhigeen fagaaraha Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa iyagoo sita calanka astaanta u ah xisbiga Waddani.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani, Xuseen Aadan Cade, gudoomiyaha ololaha ee gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani Cabdi Ismaaciil Kildhi, Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga Waddani, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Uurcade, Xoghayaha Arimaha Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Fadal iyo Gudoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Ugu horayn Cabdiqaadir Jirde oo khudbad u jeediyey taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Halkan waxaanu hambalyo uga diraynaa Wasiirkii gartay doonidii dalooshantay inuu ka dago ee Kulmiye aad iyo aad ayaanu usoo dhaweynaynaa ninkaa garashadiisa isticmaalay ee u dulqaadan waayey xumaantii uu arkay ee shacabka lagu hayey iyo wuxuu la maaganaaba.

Waxaanu idiin sheegaynaa arintaa kaadhadhku waa arin muhiim ah, kaadhadhkiina ilaashada, kaadhkaaga qofna ha ku aaminin, wax yar ayaa inoo hadhay qof walowba xejiso. Ummadd waxa ku dhaca, Illaahay qaar Abaarbuu ku salidaa, Qaar duufaan ayuu ku salidaa, Qaarna dawladd xumo ayuu ku salidaa, waxa ugu liita kuwa dawladd xumada lagu salido, dawladda xun lagama soo kabto maanta fursad ayaynu haynaa in dawladaa xun aynu sagootino oo aynu iska dulqaadno.

Abaarta Illaahay ayaa la baryaa, diintaa loo noqdaa, cudurka aan laga bogsan karin ee ummaddaha ragaadiya ee toobada seejiya ee isku dilaa ee dagaalka ka dhex ridaa waa dawladd xumo, dawlad xumadaasi sidaynu iskaga qaadi lahayn waa 13-ka November, usoo diyaargarooba u adkaysta.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde, Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Waddani.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade waxaanu yidhi “Maanta waxa aynu joognaa gabagabadii, waa Cadceed dhacday Kulmiye wax u hadhay ma jirto waxa uu doonayaa inuu dalkan sii walaqo, waynu ka ilaalinaynaa waxaanaynu ilaalinaynaa nabadgalyada qarankeena. Xisbiga Waddani waxa kala wayn wax walba nabadgalyada, waxa kala weyn jiritaanka Somaliland.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Mr Uurcade.

Leave a Reply

*