War Culus:-Xisbiga KULMIYE Oo Ka iibsaday UCID Xulista Muraaqibiintoodii..

War Culus:-Xisbiga KULMIYE Oo Ka iibsaday UCID Xulista Muraaqibiintoodii..

Hargeysa ( SLL) Xisbiga talada haye ee KULMIYE ayaa wada haddal qaatay laba maal-mod kadib qalinka ku duugay heshiis lacageed oo dhan hal malyan oo doollarka oo ay wada galeen Xisbiga UCID, kaasoo ku aadan in Xisbiga talada haya ee KULMIYE uu soo xulo soona magacaabo muraaqibiinta goobaha doorashada ee uu xaqa u leeyahay Xisbiga UCID.

Heshiiskan labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay wada-galeen ayaa ku aadan in muraaqibiinta uu Xisbiga UCID uu xaqa u lahaa ee goobaha cod-bixinta goob-jooga uga noqanayaa uu dhammaaba la waraago Xisbiga KULMIYE oo uu maamulayo muraaqibiintaa.

Dhanka kale muruqiibintan Xisbiga KULMIYE uu iibsadey ee Xisbiga UCID, ayaa ujeedada uu ka leeyahay KULMIYE ay tahay in ay markhaati beenaale ay u furaan dhigooda KULMIYE goobaha uu Xisbiga WADDANI kaga codbadan-yahay xisbiga galbaday ee KULMIYE .

Wararka ayaa intaasi ku daray in Xisbiga KULMIYE uu xataa balan-qaaday inuu bixinayo qarashka ay ku hawgelayaan muraaqibiinta Xisbiga UCID , kuwaas oo tiradooda lagu sheegay in ay yihiin kun iyo lix boqol oo muraaqib, waxanay lamid yihiin kuwa Xisbiga KULMIYE uu dirsaday , balse waxay ku magacaaban Xisbiga UCID.

Leave a Reply

*