Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Xisbiga Waddani  Muj Xuseen Aaden Cade  iyo Xildhibaan  Nacnac oo Kahadlay  Dagaal   uu Maanta  Degmeda Axmed Dhagax kariday Muuse Biixi

 Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Xisbiga Waddani  Muj Xuseen Aaden Cade  iyo Xildhibaan  Nacnac oo Kahadlay  Dagaal   uu Maanta  Degmeda Axmed Dhagax kariday Muuse Biixi

 

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Xisbiga Waddani  Muj Xuseen Aaden Cade  iyo Xildhibaan  Nacnac oo Kahadlay  Dagaal   uu Maanta  Degmeda Axmed Dhagax kariday Muuse Biixi

 

Waa Wixiis Xilka Lahaa Muuse Biixi Iyo Shaanidiisii..Wii Doonayey Inuu Rabshado ….” Xildhibaan Nac-nac

Hargeysa ( SLL)-Musharax Xisbiga gabalkiisi dhacay ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta mudahaarad kala kulmey degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku qaabileen bulshada ku dhaqan degmadaadi, iyagoo ku muujinayay dareenkooda iyo sida ay u diidan-yihiin Xisbiga KULMIYE iyo musharaxiisa.

Mudaharaadka lagaga soo horjeedo Musharaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee ka dhacay degmada Axmed dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa ka dhashay kadib markii uu maanta socdaal bookhasho ah ku tegay degmadaasi Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, balse shacabka ku dhaqan degmadaasi ayaa kala horyimi weftigaa mudaharaad ballaadhan oo ay ku diidan-yihiin,iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ku diidan-yihiin Musharax Muuse Biixi Cabdi .

Dhanka kale Ciidankii la socdey weftiga uu hoggaaminayo musharax KULMIYE, ayaa tacshiirad rasaas ah ku furay dadkii mudaharaadka salmiga ah dhigayey ee dagmada Axmed dhagax, waxaana la sheegin in aan wax khasaare ahi ka dhalan rasaastaasi, balse ay anfariir iyo argagax ku riday bulshada ku dhaqan xafadaasi.

Docda Kale Xilhdibaan Nac-na oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, isla markaana kamid ah Xisbiga WADDANI, ayaa isagoo ku sugan goobtii rabshadu k dhacday war-baahinta la haddley “ Dadkii oo yaacaya ayaa iga hor yimi meeshii xabad ayaa ka dhacaysa ayaa la yidhi waan imi meeshii askartii oo inamo yar-yar qa-qabanaysa, lakiin waxaan dad weynaha ujeediyey in ay nabad-galyada ilaalinayo oo ay is dejiyaan..” Ayuu yidhi Mudane Nac-nac.

Maxamed Diiriye Nac-nac ayaa sheegay inuu Muuse Biixi doonayey inuu rabshado ka sameeyo degmada Axmed Dhagax, “ Waxaanu cadaynaynaa in ninkaasi Muuse Biixi uu doonayey inuu halkaa ka sameeyo qalaan-qal iyo in ay rabshada oka dhacaan xaafada, waa wixiisii xilka lahaa iyo shaanidiisi..” Ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac..

Leave a Reply

*