“Inaan wadanka gaadhsiiyo meel ay majiirtaan cadawgiisu, kuwa horumarkiisa jecelina ay u soo hiloobaan” Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Hargeysa

“Inaan wadanka gaadhsiiyo meel ay majiirtaan cadawgiisu, kuwa horumarkiisa jecelina ay u soo hiloobaan” Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Hargeysa

“Inaan wadanka gaadhsiiyo meel ay majiirtaan cadawgiisu, kuwa horumarkiisa jecelina ay u soo hiloobaan” Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Hargeysa

-Murashaxa madaxwaynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa farriin muhiim ah u diray shacbiga Somaliland, waxa uu ka hadlay xaaladda xisbiga KULMIYE ee hadda, aragtidiisa ku aadan dhallinyaradii gurigiisa weerartay, qorshihiisa horumarinta dalka iyo rajadiisa uu doorashada ka qabo.

Ugu Horayn waxa uu Murshax Cirro ka hadlay xaaladda KULMIYE oo uu ku tilmaamay mid quus ah, oo aanay nafi ka sarrayni “Xisbiga KULMIYE wuxu lumiyey taageerada shacbiga, waxa uu qoomay hankii iyo himiladii shacbiga waxa uu quus kaga jiraa guul uu ku gaadho doorasho xalaal ah, hadda waxa uu marayaa neef la gawracay geedo kama waabto, waa naf la caari aan rejo qabin, waxa marwalba wel-wel sii galinaya mawjadaha isbedel doonka ee isugu soo baxaaya fagaarayaasha xisbiga WADDANI ku ololaynayo, waxaan leeyahay KULMIYE dhagaxu madaxnimo ma keeno”.

Murashax Cirro waxa uu ka hadlay dhallinyarada xisbiga KULMIYE soo abaabulay ee gurigiisa weerartay oo uu tilmaamay in la marin habaabiyey, waxa uu isla jeerkaas ka hadlay dareenkiisa ku aadan qaska iyo fawdada waxaana uu shacbiga ku dhiirrigaliyey inaanu fidno waydiisan ee uu fartooda waydiistay “Dhallinyarada xisbiga KULMIYE soo abaabulayo ee wax shiidaya iyaga ayaa dulman oo u baahan in la bad-baadiyo markaa haku dayanina ee u caqli celiya, una arka inay yihiin ubixii dalka oo la khaldayo, ciidanka booliska waxaan ka codsanaya haddii ay jiraan qaar xidhan oo gurigayga shiiday in baadhista kadib la sii daayo. Haddii dalkan daaqad la jebiyo waxaan qabaa inay tahay khasaare aan loo baahnayn oo ka go’an dhaqaalaha dalka, haddii nabar ku dhaco qof reer Somaliland ah waan ka damqanayaa shacbiga reer Somaliland fartiina ayaan idin waydiistey ee fidmo idinmaan waydiisan”.


Sidoo kale waxa uu Murashaxa xisbiga WADDANI ballanqaaday inuu dalka gaadhsiin doono meel sare oo cadawgiisu majiirtaan, nasteexiisuna ay u hilooban waxaanu yidhi “Waxaad ogtihiin baahiyaha dalka ka jira, inaan wadanka gaadhsiiyo meel ay majiirtaan cadawgiisu, kuwa horumarkiisa jecelina ay u soo hiloobaan, waxaad ogtihiin baahiyaha dalka ka jira haddii ay tahay waxbarasho, caafimaad , shaqo la’aan, sicir-barar iyo isku xidhnaan la’aanta dalka ee waddooyinka, waxaa ii qorshaysan oon mad-madaw igaga jirin dhabaha aan u marayo horumarka dalka”.

Ugu dambayn Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxa uu umadda Somaliland ka codsaday inay ugu duceeyeen haddii uu kheyr u leeyahay dalka inuu ku guulaysto “Madaxwayne kasta waxaa la raaciyey umadda uu u taliyo waana la waydiin doonaa, mar walba waxaan alle ka baryayaa idinkana aan idin waydiisanayaa inaad ii baridaan haddii aan dalkan iyo dadka khayr u leeyahay inuu igu guuleeyo madaxwaynaha dalka doorashada 13-ka November 2017” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Leave a Reply

*