War Deg Deg Ah:-Maleeshiyo Hubaysan Oo Uu Hoggaaminayo Qaswade Ina Aw Siciid Oo Jidgooyo U Galay Suxufiin Ka Yimi Xaflad Uu Xisbiga WADDANI Boorama Ku Qabsadey + Khasaaraha

War Deg Deg Ah:-Maleeshiyo Hubaysan Oo Uu Hoggaaminayo Qaswade Ina Aw Siciid Oo Jidgooyo U Galay Suxufiin Ka Yimi Xaflad Uu Xisbiga WADDANI Boorama Ku Qabsadey + Khasaaraha

Xaalada Magaalada Boorama Oo Kacsan Iyo Ciidanka Aamaanka Oo Ku Raad Jooga Maleeshiyadaas

Boorama ( SLL-) Magaalada Borama ayaa caawa waxa dhexda loogalay suxufiyiin kasoo baxay xaflad lagu taageerayay xisbiga wadani.

Lix dhalinyaro ah oo afka soo duubtay ayaa gaadhi ku horgooyay suxufiyiin kasoo baxay xaflad,Ragaasi afka soo dabooshay oo gaadhi yar watay ayaa isla markiiba qaatay kamarad wax lagu soo duubay oo saarnayd gaadhiga ay suxufiyiintaasi wateen.

Suxufiyiinta ayaa isla markiiba Booliiska Borama ka wargaliyay dhacdadani,waxaana Booliiska loodhiibay nambarka gaadhiga ay isticmaaleen kooxdani abaabulan ee weerarka ka gaysatay Borama.

Booliiska Borama ayaa imika Boramanews u xaqiijiyay inay soo xidheen ninkii waday gaadhigaasi iyo mid ka mida ragii weerarkaasi gaystay,Magacyada labada hayo ayaa lagu sheegay labaduba isku hayb ah.Booliiska ayaa raadinaya rag lagu sheegay magacyadooda cabdishakur iyo cabdiraxman.
Labadani lahayo ayaa durbaba cadeeyay in uu nin Suldaan ahi soo diray oo qorashahani usoo dhiibay.Suxufiyiinta ayaa BNN u sheegay in muuqaaladii ay soo qaadeen u badbaadeen.
Dhanka kale magaalada Borama waxaa habeenkii labaad ku hoyday ganacsadaha Maxamad Aw Siciid oo la sheegay inuu wado qorshe ay beeshiisu soo maleegtay oo lacag codadka dadka kaga iibsanayaan,Qorashahaasi oo hortiiba shacabku isgaadhsiiyeen oo looga digay in Shacabku kaadhadhkooga ka iibiyaan Ganacsade Maxamad Aw Siciid oo u ololaynay Muuse Biixi.

Ganacsadahani oo la sheegay in uu degan yahay Rays Hotel ayaa shacabku ilgaara kuhayaan dhaqdhaqaaqiisa iyo kooxo ku xidhanba.

Xigasho:Booramanews

Leave a Reply

*