Wararkii   ugu Danbeeyay Doorashada  Somaliland  Maxaa    soo kordhay?

 Wararkii   ugu Danbeeyay Doorashada  Somaliland  Maxaa    soo kordhay?

Wararkii   ugu Danbeeyay Doorashada  Somaliland  Maxaa    soo kordhay?

 

Maanta:  Waxa   saaka Aroorti hore Biloowday Tirinta Codadka  Gobolka Maroodi Jeex  iyada oo ay Hareero Socdaaan Cabashooyin Tirobeelay     iyo MusuqmaasuQ Meelo badan  laga soosheegayo  Xisbiga  Kulmiye waxa  uu kumurmay Codadkii uu Degmeda Gabilay  kahelay Waddani,  waxana  ay Xabsiga  dhigeen  Hamse Khayre  oo Sarkaal Sare oo Waddaniya ah   una Qaabilsanaa  Olala  iyo Deegaanka Gabilay.

 

 

Gudidada Doorashada  NEC Waxa    kamuuqada  Cago  jiid  iyo Dhan  uxaglin Banaanka Taala waxana  ay Afka  kaxidheen Xadhiga   Tacadiga  iyo  Hanjabaada lagu hayo Muraaqibiinta  Waddani  waxa  Jira  Warar Badan oo kusaabsan  sida  ay  faraha  uga laabteen wax  kaqabshada   Boobka  Gabilay  kadhacay  iyo Codad Been Abuur ah oo Berbera Lageeyay.

 

Maayirka Hargaysa  Waxa uu Koox Budhacad ah kuxareeyay  Goob Codeed Kutaala Xaafada Jigjiga Yar  Halkaas    Wararku sheegayaan  in 25,000  Codad been abuur ah lagu  Guray Sanaaduuqdii Taalay  waxa     Mucaaridku Codsaday in Maayirka Xabsiga  ladhigo  balse Madaxtooyad ayaa is  Hortaagtay.

 

Natiijyada  Codadka    lakala Haysto , Dhamaan Codadka Suuqa lasoo galiyay Waa  Malo awaal  iyo Been Cad  sida ay NEC Sheegtay   Balse Waxa   kale  ee Wararka   Laga Qabaa  waa Dhexdhexaadnimada   G.Doorashada  NEC

 

  Guusha Kulmiye Sheegtay  !Kumiye  waxa  uu Sheegtay in uu 80,000  oo Cod Kuguulaystay   Warkaas oo ah Been Abuur Cad  waxa hadana  Garab  socda Shirar       Kulmiye  kaga  tashayno  Sidii uu Dalka u khalkhal galin lahaa Hadii Laga Guulaysto  Shirkii  ugu Danbeeyay Xalay Waxa uu  kadhacay Madaxtooyada    waxa   lagu    kala dareeray 2:00 Habeenimo Go,aano  aan lashaacin ayaa  laysla  Qaatay

 

Qaswade Ina Awsiciid   Magaalad Gabiilay  waxa  jooga   Mudo 10 Cisho  ah Ganacsato uu   Maxamed Awsiciid Geedi Hogaaminayo Kuwaas oo Lacago Geeyay  Gobolka Awdal  si ay Codaynta Waddani u  Horjoogsdaan,  Taas  kumay Guulaysan waxa  uu  Xisbiga Waddani Helay 68%    Hada   waxa uu Bilaabay Qorshe   kale oo Codaka Wadani    helay Muran kugalinayo isaga oo dhaqaale  kubixiyay in 27 Sanduuq Awdal ah Muran Lagaliyo   dacwad   Ujeedkiisu  waa in uu Muuse Biixi Guulaysto  Gar  iyo Gardaraba

 

  Live Apdate Isha Kuhay Somalilandlive Media, Xayiraad  iyo Hanjabaado Ciidan  oo  Saaran Awgeed Kolba Wararkii   ugu Danbeeyay Live Apdate Kusoo ururinaysa

Hargaysa  Somaliland

Leave a Reply

*