Qalalaasaha  Doorashada  Dhiigu kudaatay    waa lagu Shubtay  waxana  Khiyaamada  kadanbeeyay Wadamo shisheeye oo ay Baadhistii Lugta lagashay,.

Qalalaasaha  Doorashada  Dhiigu kudaatay    waa lagu Shubtay  waxana  Khiyaamada  kadanbeeyay Wadamo shisheeye oo ay Baadhistii Lugta lagashay,.

Doorashada  Dhiigu kudaatay  ee Somaliland kadhacday    waa lagu Shubtay  waxana  Khiyaamada  kadanbeeyay Wadamo shisheeye oo ay Baadhistii Lugta lagashay iyo shakhsiyaad Kooban

 

Waalagu  shubtay  Doorashadii  Somaliland!   Qofna  kama warqabin shirqoolo  mudo loomaleegayay  Dawlada Raadqaadka ah ee Somaliland,  waxa   utasahday Cadaawo   iyo Cadaw  kalkaal  dhamaantoodana  waxa  ay Lahaayeen  dano Mideeya,  Waana sababta   dhabta   ah ee  kadanbaysay in Doorashada Somaliland lagu shubto  iyada oo aan wax  dan ah laga lahayn Dhiiga  iyo Nololsha Shacabka Somaliland

wax yar kahor  waxa  dhacay  Amuurahan  laysku wada beegay si loofuliyo  Qorshe Sexdex Geesood ah oo  loogu tashaday Codbixinta Muwaadiniinta Somaliland.

  •  5 Bilood Kahor waxa Labadalay  Taliyaha Guud  ee Qiidanka Qaranka Somaliland  iyo 22 Hogaamiyaal  Hawl  Galineed oo Ciidamada Qaranka ah kuwaas oo Dhamaantood lagu Badalay  Rag Laahyn ah Musharaxa Kulmiye  iyo Madxwayne Siilaanyo.
  •  4 Bilood Kahor, Ciidmada  Sirdoonka   Somaliland waxa Loqaabeeyay  Qaab Beelaysan iyo Deegaamisay kudhisan.
  •  3Bilood Kahor  Waxa shir looguu Yeedhay 5Wasiir  iyo    Magaalada Dubaia waxana  Gacanta laga  Soogaliyay wixii Qarash  kuhadhsanaa  DpWorld,.
  •  2 Bilood Kahor Wakhtiga  Doorashada waxa Markale Berbera looga Yeedhay Musharaxiinta 3da Xisbi  Siloohubiyo Mawqufkooda  Saldhiga Milatari  ee Berbera Carabtu kadhisanaynayso Musharraxa Cirro ayaa  qaadacay  tagista Kulankaas, waxana  u Cadaatay Sida Xisbiga Waddani  uga  soo horjeedo Wareejinta Dekeda Berbera, iyo Madaarka Dalka  ugu Balaadhan,
  • 40 Cisho Kahor Doorashada waxa Laqorsheeyay Samayta Waraaqo Been Abuur ah oo  Codad  Dheriya loogu Raadiyo Xisbiga Kulmiye.

Intaas oo dhwan waxa   Loodiyaarsaday in Doorashada lagu Xado,

Dalalka  Jabuuti  iyo Isutaga Imaaraadka Carabto  waxa ay   Kumidaysnaayeen   Xoog iyo Xeeladba  in Xukunka Dalka lagu sii hayo Xukuumada kulmiye  Maamulo   si ay  ugu Fushadaan Danahooda gaarka ah, inkasta oo ay  kala ujeedo  yihiin hadana  waxa ay  kasinaayeen  in Dantooda  guud kujirto Xukuumada Kulmiye  kadhalata.

Labada  dalba waxa ay Dhaqaale  kubixiyeen Sidii looga dhabayn lahaa   Xatooyo  lagula kaco Doorashada  Somaliland taas oo sida  muuqata umeel martay.

 Si,aad  ufahanto  Bal dhugo  wixii dhacay Maalintii Doorashada!

  •  Waxa banaanka Magaalada Hargaysa looga Saaray Labadii Xubnood ee Komshanka ugu Jiray Mucaaridka Midba Gobol fog ayaa lagu tuuray  iyada oo Xaruntii  Codadka iyo Tiradu kasocotayna  Lagu Reebay  Laba Xunoon oo uu Midna Siiyaano Soomagacaabay Midna Saleebaan Gaal
  •  Waxa  wada shaqaynayay Shaqalaha Komishanka  Ciidamada  gaarka looxushay  ee Xarumaha Codbixinta lageeyay
  •    waxa Banaanka Looga Saaray Muraaaqibiintii Waddani   370 Goobood  Sidaas waxa   kamarkhaati  Furay ururadii Bulshada ee Sida Madaxa banaan    Doorsahada u  eegayay.
  •  Waxa  labakhtiiyay Intetnet Qaybo Gaara iyada intii Xukuumada lashaqaynaysa  gaar loogu furay
  •  Waxa Meel laysugu Keenay Taliyaasha  Milatariga, Asluubta  iyo Booliska  iyada  oo Bulshada lootusay in ay  kutaageerayaan  Xisbiga Kumiye  iyo Xukuumadiisa,
  • Isla Cabashadii Waddani  waxa Kajabaaway Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Afbeeleed ama Xisbi kuhadlaya  Waana Calaamada  Cadaan ah oo Muujinaysa  Sida loosii Rabaystay.

Doorashada waa lagu shubtay   waxana   Doorwayn kuleh dalal shisheeye ah  hadii aad  Rabto iyo hadii kalaba waxa  ay go,aansadeen in  Rabitaankoodu  meelmaro.

Codbixiyaasha Somaliland  waxa ay Ucodeeyeen  65% Isbadal iyo Xisbiga Waddani Balse  waxa  doorashadoodii  ishortaaagay Shaqsiyaad Kooban oo Xoogii Dalka Adeegsanay.

Waxa   kaliya  ee Isbadaldoonka Somaliland  u Furani waa in ay Qaranimadooda Difaacaan   waxkasta oo ay  ugu kacayso .

 

Leave a Reply

*