Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Samaroon oo Digniin Culus u kala Diray Xukuumadda iyo Koomishanka

Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Samaroon oo Digniin Culus u kala Diray Xukuumadda iyo Koomishanka

“..Qolada la Leeyahay waa Koomishan ee Cadaaladda ku Dhaaratay een Maqlaynay, Sanaaduuqda Gacanku Rimiska ah, ee ay Dhulka ka Badisay, Hadday ka Saari Waydo, wixii ka Dhaca Geestayada Iyagaa ka Masuul ah..”

Suldaanka Guud ee Samaroon Saleeban Cali Ismaaciil

“..Dawladdu waa Xisbiye hala inoo doono Maxkamad dhex-dhexaad ah, oo dhex-dhexaadisa KULMIYE iyo WADDANI..”

Suldaan Baade

Boorama( SLL.-Yool)-Suldaanka Guud ee Beel-weynta Samaroon iyo madax-dhaqameedka reer Awdal, ayaa markii u horraysay ka darreen celiyey muranka iyo mutux-naanta soo dhex-galay Doorashadii 13-kii Novomber ka dhacay Somaliland, isla markaana ka digay in cid gaar ah loo af duubo natiijadda Doorashada, sidoo kalena ku goodiyey inaanay sinnaba u aqbali doonin natiijo xaaran ah, hadii ay dhacdo-na wixii ka yimmaada arrinkaa masuuliyadiisu dusha ka saran tahay Koomishanka Doorashooyinka.

Hoggaanka dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal, oo Shir-jaraa’id shalay ku qabtay Magaaladda Boorama, waxa kamid ah xubnihii sida adag uga hadlay Suldaanka Guud ee Beelaha Guda-biirsi Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil, oo isaggu mahad-naq uu u jeediyey bulshada reer Awdal kaddib, qodob-qodob isu dul-taagay xaaladdaha Siyaasadeed ee dalka lasoo dersay, iyo sidoo kale muranka iyo mulaaqa hadheeyey Guddida Doorashooyinka Somaliland ee gacanta ku haya tirinta Codadkii doorashadda Madaxtooyadda, isla markaana laga sugayo natiijadda doorashadda inay ku dhawaaqan.

Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil, oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi; “.. Arrinka Dawladda ayaa qasaysaa, Xukuumad iyaddii Codeynaysaa, oo cid la safan, markaa Ciddii wax dhex-dhexaadin lahayd anaggu garan mayno, taa waxaan leeyahay Xukuumadda. Qoladda la leeyahay waa Koomishan ee cadaaladda ku dhaaratay een maqlaynay, Sanaaduuqda gacanku rimiska ah, ee ay dhulka ka badisay, hadday ka saari waydo, wixii ka dhaca geestayada iyaga ka masuul ah, haka digtoonaadan nabad-gelyo xumada halkaa ka dhalan-doontaa, horena waxaan u idhi oo aan maantana ku celinayaa, hadii Kulmiye soo noqdo waanu ka tashan doonaa”.

Sidoo kale, Suldaan Baade, ayaa isna fariin adag u diray xubnaha Koomishanka Doorashooyinka iyo xukuumadda, oo u sheegay inaanay dhex ka ahayn arrimaha socda ee ka dhashay Doorashadda, waxanu yidhi; :..Waxaan leenahay Koomishanka iyo Dawladda, ileyn dawladdu waa Xisbiye hala inoo doono Maxkamad dhex-dhexaad ah, oo dhex-dhexaadisa KULMIYE iyo WADDANI, waa laba xisbiye cid dhex-dhexaadisa haloo doono. Koomishanka waxan leeyahay waa la idin dhaariyey, hadday dhaartii fulinayaana waxan leenahay kalsooni ayaa la idinku qabi lahaa, laakin Maanta mad-madow badan ayaa la sheegay oo saxaafadda laga sheegay, oo waxba ma qarsoona, markaa waxan leeyahay Ilahay Qiyaamaha wuu idin-diinayaayee Cadaaladda suga, cida arrinka loo daba-fadhiyaana waa idinka, hadii ilahay ka dhigo..”.

Waxa kaloo hadalka iskaga dambeeyey xubno kaloo, aad u tiro badan, kuwasoo dhamaantood is-dul taagay muranka iyo madmadowga hadheeyey Guddida Doorashooyinka, sidoo kalena farrimo adag u kala diray Xukuumadda tallada haysa iyo xubnaha Koomishanka, iyaggoo sidoo kalena ugu baaqay dhinacyada hadalkoodani khuseeyo inay kusoo laabtan sharci si xor ah oo xalaal ahna u kala saran labada Musharraxiint ee Waddani iyo Kulmiye, si dalka iyo dadkuba uga badbaadan colaado ehli oo ka dhex-qarxa.

Leave a Reply

*