Ilaahoow HAA Iyo MAYA Ha-naga Wada-yeedhsiin…   Koomishanka Doorashooyinka oo Qirtay Buugaagtii Codbixintu Inay Gacantooda ka Baxday

Ilaahoow HAA Iyo MAYA Ha-naga Wada-yeedhsiin… Koomishanka Doorashooyinka oo Qirtay Buugaagtii Codbixintu Inay Gacantooda ka Baxday

“..Nooc kasta hanoqotee (Buugaagta) lama arki karayn, lamana daabacan karayn, lamana Foojeri-garayn karayn, Taa waxanu ka qabnaa Dacwad adag, Sharcigaanu ka qabnaa, hadday anagga na fuusho-na in Sharciga nala mariyo..”

“…Buuggii Degmada Berbera oo ahaa Codaynta, waanu ka shaafinay, wanaanu isla qaadanay…”

Gud. Koomishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman

“..Buuggu wuxuu ahaa mid soo galay Gacanta Xisbiga, shacabkana aanu usoo bandhignay. Komishanku waxay cadeeyeen in Buugaasi kamid ahaa Bugaagtii ay iyaggu lahayeen ee ay ugu talo-galeen doorashadda..”

Musharraxa WADDANI Cirro

 

Hargeysa( SLL.-Yool)-Koomishanka Doorashooyinka qaranka, ayaa dusha u ritay lahaan-shaha iyo masuuliyadda faddeexaddii ka dhalatay Bugaagtii Codbixinta Doorashada loogu talo-galay ee dibeda u baxay, gacantoodana ka far-baxay, isla markaana aqbalay cabashada Xisbiga Wadani eek u aadanayd in dib loogu noqdo tirinta goobo Xisbigu ka shakiyey in Xisbiga tallada haya camaaluqay.

Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iiman, oo warbaahinta horteeda ka qirtay lahaanshaha Bugaagta Codbixinta ee gacantooda ka baxay, kaddib shir-jaraaid oo ay wada-jir shalay u qabteen Musharraxa ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, waxa kaloo uu sheegay in Koomishanka Doorashooyinku aqbalay cabashooyinkii Xisbiga Waddani usoo gudbiyey, lana xidhiidhay in dib tiradooda loo hubiyo oo Xisbiga Waddani uga shakiyey wax is damarin inay ka dhacday.

Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame, oo hore isagga foggeeyey masuuliyadda eeddo uga yimi Xisbiga Waddani, kuwasoo la xidhiidhay qaybo kamid ah Bugaagta Codbixintii Doorashada Madaxtooyadda oo ka baxay gacantooda, lana tuhun-san yahay si dad-ban Bugaagtaasi inay gacanta u galeen Xisbiga Kulmiye, kaddib markii masuuliyiinta Waddani warbaahinta usoo bandhigeen Bugaagta Codbixintii Doorashadda Madaxtooyadda oo Xisbigoodu qabtay. Hase-yeeshee Gudoomiyiha Koomishanka Doorashooyinka arrintaa waxa uu ku tilmaamay dambi cad oo mudan in ciqaabtiisa la mariyo cidi ay ku cadaato lahaan-shaha masuuliyadda eedda Buugta codbixinta ee Xisbiga Waddani soo bandhigey, isaggo arrinkaa ka hadlaya-na waxa uu Saxaafadd u sheegay;

“..Waxanu maqlaynaa ama laga soo daayey Tv-yada qaarkood in la leeyahay Waraaqo ku shubasho ah ama waraaqo saayid ah ayaa meel laga helay oo Tv-yada lasoo dhigay, taas waxba kama jiraan, nooc kastaa hanoqoto waxba kama jiran, lama arki karayn, lamina daabacan karayn, lamina Foojeri-garayn karayn, taa waxanu ka qabnaa Dacwad adag, Sharcigaanu ka qabnaa, hadday anagga na fuushona in Sharciga nala mariyo, qofkii keenayna ka hadhi-mayno oo sharcigaanu la mari-doonaa, qofka soo dhigay ee yidhi Waraaq Codbixineed ayaan helay oo lasoo been abuuray, waxa u ku gefay Qaran, wuxuuna ku gefay caqliyadda dadka iyo Koomishanka, sidaas awgeed taa waxanu ka qabnaa dacwad weyn oo sharcigaanu la tiigsan doonaa..”. Hadalkaas oo gudoomiyuhuu shaaciyey goor-habeenimo ah, isla markaana muuqaalka laga duubay aanay ka muuqan calaamadaha fikirofoonada Warbaahintu, waxa wajigiisu u ekaa mid darreen leh.

Haddaba, iyadoo halkaa arrin taagan yahay, dadkuna badi isweydiinayo sida wax yihiin iyo hal waxka qaldameen, ayaa subaxnimadii hore ee Sabtidii shalay, waxa bulshada reer Somaliland markale horyimi Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iiman Warsame, isaggoo qiraal ka ah eeddii uu hore u dedefeeyey ee Xisbiga Waddani usoo jeediyey, kuna saab-sanayd in Bugaagtii Codbixinta Doorashaddu ka baxeen gacanta Koomishanka Doorashooyinka. Mar labaad Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo arrinkaa ka hadlaya, waxa uu yidhi; “..Buuggii Degmada Berbera oo ahaa Codaynta, wanu ka sheefinay, wanaanu isla qaadanay, wanu ka heshiinay, wanaanu u sharaxnay, wanay nala-qaateen Gudoomiyaha iyo madaxdii qiimaha lahayd ee la socotaybaa”.

Intaa kaddib Musharraxa ahna Gudoomiyaha waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, ayaa geestiisa si cad u saafay masuuliyadda eedda Buugaas cidda ay dusha ka saran tahay, isaggoo arrinkaa ka hadlaya Gudoomiye Cirro, waxa uu yidhi; “.. Buuggu wuxuu ahaa mid soo galay Gacanta Xisbiga, shacabkana aanu usoo bandhignay. Komishanku maalintii hore jawaabtii ay bixiyeen waad oggaydeen, laakin waxay cadeeyeen in Buugaasi kamid ahaa Bugaagtii ay iyaggu lahayeen ee ay ugu talo-galeen doorashadda..”.

Inkastoo indhaha iyo dheggaha bulshada Somaliland aanu ku cusbayn masuul intuu War sheego, haddana ka dambaysiiya Warkaloo ka duwan kii hore, balse haddana dhacdadani way ka duwan tahay xaaladihii hore ee masuul waliba wixii afkiisa kusoo dhaca ku hadli jiray, maxaa yeelay 13-kii Novomber waxa dalka ka dhacay Codbixinta doorashada Madaxtooyadda Somaliland, oo ay ku tartamayeen saddex Musharrax oo ka kala socday Xisbiyadda Kulmiye, Ucid iyo Waddani, taasoo bulshada Somaliland daraf ilaa daraf si nabad-gelyo ah uga qaybgaleen Codbixinta, haatan iyo dana maxsuulkii doorashadda Koomishanku gacanta ku hayo oo laga sugayo inuu xor ah oo xalaal ah ugu dhawaaqo natiijadii kasoo baxday Codbixintii dadweynaha Somaliland dhibteen, waxana hubaal ah bulshada Somaliland wadaad iyo Waranle inay indhaha ku hayaan natiijadda iyo dhawaaqa Koomishanka inuu noqdo mid cadaalad u dhaca iyo in kale labada.

Leave a Reply

*