Magacaabista Muuse Biixi oo dhiig loogu wanqalay Bandoo Ceerigaabo lagu soo rogay Burco oo mudharaad ka dhacay Laascanood oo…

Magacaabista Muuse Biixi oo dhiig loogu wanqalay Bandoo Ceerigaabo lagu soo rogay Burco oo mudharaad ka dhacay Laascanood oo…

Waxa galabta ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo mudharaadyo balaadhan oo lagaga soo hor jeedo magacaabista xaqdarada ku salaysan ee loo magacaabay madaxweynaha Somaliland Col. Muuse Biixi Cabdi oo hore uga soo qayb qaatay xasuuqyadii sokeeyaha ee ka dhacay Somaliland 1994-kii.
Waxa nasiib daro ah in ciidmadii malatariga ee difaaci lahaa dalka maanta ay caruur mudahaardaysa ay xabad la dhacaan iyada oo booliskii dalku joogo oo heegan ku jiro.

Magaalada Burco ayaa ciidmada u daacada ah Muuse Biixi waxa ay ku toogteen laba haween ah xaga magaalada Ceerigaabana ay ku toogteen sidoo kale laba haween ah oo meel iska maraaya kadib markii ay rasaasta si arxan daro ah ugu fureen dhalinyaro meel ka mudaharaadaysa.

Caawa ayaa magaalada Ceerigaabo lagu soo rogay bandoo xaga magaalada Burco wali lagu soo guraayo ciidamo fara badan oo xad dhaaf ah, dadka magaalada Burco gaar ahaan dhanka galbeedka ayaa aad looga soo hor jeedaa xukumadda sida sharci darada ah ee ku shubashada ah loogu soo xulay Muuse Biixi.

Dhanka kalena magaalada Laascanood ayaa lagu soo daadiyay ciidamo ka badan kuwii hore u joogi jiray, taasi oo looga baqay in uu iyana ka dhaco mudaharaad.

Magaalada Hargeysa ayay caawa iyo maanta galinkii danbe u ahayd gabal baas marka laga reebo xaafada Jigjiga yar oo looga dabaal dagaayo Col. Muuse Biixi, waxna xaafadaasi la geeyay ciidamn badan oo ilaaliya dadkaasi si aanay cid kale isugu dhicin.

Odayada dhaqanka iyo wax kagardka Ceerigaabo ayaa xukumadda u soo jeediyay in ciidamada laga dul qaado oo aan amniga la khal khal galinin kuwaasi oo ka biya diiday sida daan daansiga ee dadka loo kicinaayo.

Doraad ayaa xukumaddu waxa ay xasuuqday dumar iyo caruur mudaharaaday kuwaasi oo ay ku jiro ilmo yar oo 13 jir ah iyo maati kale oo ku kala dhintay Hargeysa iyo Burco, tan iyo intii Muuse la soo hadal qaaday waxa u dhintay 4 qof oo ah dadka ka soo hor jeeda magcaabistiisa aan xalaasha ku fadhiyin

Leave a Reply

*