Dablay Hubaysan oo weerartay dhismaha Saldhiga Milateri (Naval Base) ee ka Socda Berbera+Ganacsato loo xidhxidhay +Xoggo kale oo xasaasiya

Dablay Hubaysan oo weerartay dhismaha Saldhiga Milateri (Naval Base) ee ka Socda Berbera+Ganacsato loo xidhxidhay +Xoggo kale oo xasaasiya

Hargeisa-( SLL-Media-Shalay Subax Salaadii hore ayaa waxaa Maleeshiyo hubaysan oo ay horkacayaan Ganacsato Reer Berbera ahi galeen Bogcada ama Dhulka laga bineeyay Dekeda Milateri (Naval Base) oo dhismaheedu hadda ka socdo duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera.

Dablaydan oo ka koobnaa 11 Nin oo hubaysan ayaa dhufays ka galay Badhtamaha dhismaha saldhiga Milateri (Naval Base) ee Galbeedka Berbera dhismahiisu ka socdo,ha yeeshee waanwaan fashilantay ka dib waxay xukumada Kulmiye gelisay Ciidamo nooca RRU-da loo yaqaano,kuwaas oo 8 Xubnood oo ka mid ah dableydii iyo hubkoodii gacanta ku dhigay,waxaase ka baxsaday Sadex xubnood oo inkastoo RRU-du baacsatey khibrad iyo khidad Dagaal isticmaalay.

8-daa Xubnood ee ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa waxaa ku jira sadex Ganacsade oo ku doodaya inay leeyihiin qeybo ka mid ah dhulka uu ka socdo dhismaha saldhiga milateri (Naval Base) oo dhismaha laga bilaabey iyadaan wax aduuna iyo dhul bedel toona la siin.

Ku darsoo dhulkan saldhiga milateri dhismahiisu ka socdo ayaa lagu sheegay cabir ahaan 400Mitir oo isku-wareeg ah ama (400MX400M) Balse qeyb ahaan dhulkan oo uu lahaa Ganacsade Muuse Dalab ayaa loo siiyey Lacag & Dhul bedel laysu raaciyey,Halka sadexdan Ganacsade ee hadda Gacanta lagu hayo lagu yidhi afka laydha ka qarsada taas oo ku keliftay inay maleeshiyo Beeleed hubaysan geliyaan saldhiga laftiisa.

Sadexda Ganacsade ee watey Maleeshiya beeleedkan la qabqabtay ayaa magacyadooda la kala yidhaadhdaa Ganacsade Canjeex,Cabdiwahaab & Ganacsade Xaamud.

Yeelkeede Ciidda dhulka dhismaha saldhiga Milateri (Naval base) ka socdo laga qoday ayaa lagu kebisay ama lagu buuxbuuxiyey dhulka u dhowdhow oo cabirkiisa lagu sheegay 1200 oo Mitir oo sida Tibaaxuhu sheegayaan ay leeyihiin Dad isagu jira Ganacsato,Wasiiro,Agaasimayaal & Saraakiil ka tirsan Xukumada Kulmiye,halkaas oo muran iyo qeylo badani ka istaadhmi doonto maalinta si toosa loola wareego inkastoo hadadan lafteedaba dhulka saldhiga loo qeyday ka mid tahay.

Xigasho:Qarannews

Leave a Reply

*