MADAXWEYNAHA LA DOORTAY MUUSE BIIXI OO LA SHEEGAY INUU GO’AANSADAY INUU XIL-WASIIRNIMO U MAGACAABO SEEDIGII OO XAASKIISA LA DHALATAY..

MADAXWEYNAHA LA DOORTAY MUUSE BIIXI OO LA SHEEGAY INUU GO’AANSADAY INUU XIL-WASIIRNIMO U MAGACAABO SEEDIGII OO XAASKIISA LA DHALATAY..

Hargeysa( SomalilandLive)-  Xogo ku dhow-dhow Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi,  ayaa tibaaxay in Madaxweynuhuu dejiyey shaxda Xukuumadiisa cusub, isagoo ka dhigay 15 Wasaaradood, kuwasoo midkiiba uu magacaabay Wasiir iyo ku-xigeenkiisa,  sidoo kalena waxa uu golaha wasiirada barbar socodsiiyey 4 wasiiru-dawle.
Warar lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow Madaxweynaha cusub, ayaa intaa ku daray inuu Madaxweynuhu Liiska golaha Wasiiradda kusoo daray Nin ay xidid yihiin. Ninkaasoo ay Walaalo yihiin Xaaskiisa weyn Marwo Sahra Cabsiiye. Walow aanay Wararku si cad daboolka uga qaadin mansabkaasi kan uu yahay.
Hase-yeeshee xogguhuu waxay Tilmaameen inuu Madaxweyne Muuse Biixi xilka uu magacaabayo Seedigii Ina Cabsiiyee ku sad-gooyey Saamigii Wasiirnimo ee Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Ardaaga Maxamed Ciise. Ninkan u seediga åh Madaxweynaha ee xilka loo magacaabayo, ayaa la sheegay inuu Kamid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM.
Si kastaba ha ahaatee, Hadii ay rummowdo inuu Madaxweyne Muuse Biixi, Xukuumadiisa cusub kusoo daro shaqsiyaad qoyskiisa ah iyo kuwoo xididkiisa ah, in aanu dhaami doonin Xukuumaddii ka horreeysay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Moorganada badnayd, isla markaana Musuq-maasuqa inqilaabka Ku sameeyey Madaxweynihii umaddu dooratay. Sidoo kale Hadii Madaxweyne Muuse Biixi qoyskiisa iyo xididkaba ka qayb geliyo Xukuumada, waxa beri ka maalin dhici doonta in tallada Umaddu u dooratay gacanta u gasho xididkiisa iyo qoyskiisaba, waa hadii uu ku dhaqaaqo hindisahan uu ku raaligelinaayo Qoyska uu la xididka yahay.

Leave a Reply

*