Deg-deg Kooxda Xidigaha Geeska Oo Xilkii Gudoomiye ka Qaaday Abwaan Xasan Dhuxul Laabasalaax ka dib Markii uu Xilkiisa gudan waayay

Deg-deg Kooxda Xidigaha Geeska Oo Xilkii Gudoomiye ka Qaaday Abwaan Xasan Dhuxul Laabasalaax ka dib Markii uu Xilkiisa gudan waayay

Koox Faneedka Xidigaha Geeska Oo Caawa Fiidkii war saxfadeeed soo saaray oo nuqul ka mid ahi so gaadhay warbaahinta Somaliland Live Media Ayaa Sidan U dhignaa

 

War saxaafadeed
Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( laab saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.
Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)

ALLAA Mahad Leh

Gudida fulinta kooxda xidigaha geeska

Leave a Reply

*