Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga Naato Iyo Waarsa ee Madaxweynaha Jeegaanta

Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga Naato Iyo Waarsa ee Madaxweynaha Jeegaanta

Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga Naato Iyo Waarsa ee Madaxweynaha Jeegaanta

 

…Dawlad aan u Kala-hadhin Mad-haab ku Dhisan Laba Deegaan…

Qaybtii 2aad

Hargeysa(Yool)-Taxanahani waxa uu daba socda, sida Akhristayaasha intooda badani ka war-qaban qormo kusoo baxday Wargeyska Yool Cadadkiisi 636, kaasoo ciwaankiisu ahaa “Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga Naato Iyo Waarsa ee Madaxweynaha Jeegaanta”. Qoraal kaas qaybtiisa waxanu idinku soo gudbinay xogo ku saabsan qaabka Xukuumadda tallada ka degeysaa u shaxaysay saami-qaybsiga kuraasta xilalka dawladda.

Qaybtana waxanu kusoo qaadan-doonaa xogo iyo macluumaad ku saabsan, kala awood badnaan ka dhex jirtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo qaabkii u dhacay oloollihii doorashada Madaxtooyaddu, iyo sidoo kale dhacdooyin kale oo u aad u xiiso badan oo Wargeysku xogo badan ka ururiyey.

Is-xulufaysiga Siyaasadeed ee ku dhisan nidaamka Jeegaantu, intaasoo keliya kuma ekeyn, balse mudadii Xukuumadda KULMIYE tallada dalka haysay, waxa jiray oo intaaba socday qorshayaal faro-badan oo hadaf kooddu ahaa gunti giijis, kuwasoo ahaa qaar ka kooban laba waji oo kala ah, mid ku dhisan kor-u-qaadista tayadda aqooneed ee nidaamka dawliga ah, ee dhalinyaradda ku abtirsata Jeegaanta iyo sidoo kale, istaraajiyadda labaad oo ahayd in la sammeeyo maal-qabeeno yar-yar, si arrimaha loo helo, waxa bilaabmay mashaaric yar-yar oo u kamid yahay dib-u-dhiskii Guryaha dawladda ama xarumaha Wasaaraddu degen yihiin, mashruucaas dhamaantii waxa la siiyey oo fuliyey shaqsiyaad gaar ah, oo baddi iyaggu kasoo jeeday labada daraf ee Jeegaanta, iyadoo haba-yaraatee mashruucaasi xiligii uu socday aan lasoo marin guddida qandaraasyada qaran, si bulshaddu tartan xalaal ah ugu gasho, marka laga reebo Iibka ama xaraashkii xaruntii hore ee Wasaaradda Duulista iyo hawada.

Waxa kaloo, jira sida aynu kor kusoo sheegnay qorshe socday oo aan si cad kolna daboolka looga qaadin, balse masuuliyiintii Xukuumadda xilalka kasoo qabtay iyo kuwa haatan jooga intu ay sheegeen markaad hoos u sheekeysatan in bajad Miisaaniyadeedka wasaaraddaha qaarkood uu la socday ama ku jiray dhaqaale loogu talo-galay in lagu naas-nuujiyo dad gaar ah, kuwasoo sida dhacday qaarkood dibeda ay jiraan, kuwo kalena Guryo waaweyn uga kireysnaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa jirtay oo Warbaahintu marar badan waxka qortay mashaarico waaweyn oo dad si gaar ah loo siiyey, kuwasoo aynu iyanna ka xusi karno bedelaadii Basborka Jamhuuriyadda Somaliland oo tiraba laba jeer shaqsiyaad la siiyey, inay soo sameeyan, iyo sidoo kale, mashruuca tikidhada lagu muujiyo cashuur bixinta, oo iyana la siiyey kooxi soo sammaysay. Lasoco Cadadka dambe.

Weriye Mashqac Geliye Iyo Ex-Kornayl Muuse Yalaxow

Wariye Mashqac Geliye waa Barnaamijkiini, waa Barnaamijkeeni, Maada iyo Madadaalada Siyaasadeed. Waa Barnaamij yaalaaba aanu diirada ku saari-jirnay dhacdooyinka kolkaa jira, kuwo tagay iyo kuwo soo socda intaba, iyadoo sida aad nooga barateen tebinta waxyaalaha aanu kusoo gudbino, oo ka koobnaa waraysi iyo sheekooyin dhex-taal ah, una dhacaya qaafiyad ahaan qaab-maadeys oo kale ah, ama aan idhaahdo madadaalo.

Teeda kale, waxanu ka cudur-daaranaynaa, dadweynaha iyo akhrisyaashana ka raali-gelinaynaa hakadkii hore ee Barnaamijka ku yimi, kaasoo aan ahayn mid ku yimi cilad farsamo, balse uu sababtiisa lahaa daadihiyihii Barnaamijka Wariye Mashqac Geliye oo fasax nasasho ah, ka qaatay siyaasadda, kadib markii dhakhtarkiisu u sheegay inuu halis ugu jiro Xanuunka Maskax Dhururuqow inuu halleelo, hadii aanu si degdeg ah u gelin dhabaraad –siyaasadeed.

Wariye Mashqac-geliye oo khamiistii Todobaadkan dalka dib ugu soo laabtay, si uu shaqadiisii halkii uga sii wado, sidoo kalena uga qayb-galo caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Jeegaanland Md. Ex Kornayl Muuse Yalaxow, hase-yeeshee nasiib wanaagsan Wariye Mashqac Geliye markii uu soo gaadhay Caasimadda, waxa u suuro-galay inuu salaam-sharaf ugu tago Madaxweynaha cusub, halkaasoo Wariye Mashqac Geliye iyo Madaxweynuhu isdhaafsadeen xoogaa su’aalo ah iyo kaftan xiiso badan, sidoo kale, Mashqac Geliye Madaxweynaha cusub waxa uu gudoonsiiyey Hees cusub oo hadiyad ah, taasoo Weriye Mashqac ugu talo-galay xuska kala wareega Hagbada iyo caleemo saarka cusub.

Midhaha Heesta, waxa hal-abuuray Abwaankii weyn ee caanka ahaa Al-hal-abuur Cabsiiye, waxa Codka iyo luuqdiisii Tool-mooneyd idinku soo gaadhsiin doonaa, Fanaanka caanka ah ee aad wada-taqaanin inuu masraxa ku saaqiday ee Aw Cabdi Muxumed Al-Samaali-yaa, dhanka kale, laxanka Heesta waxa ku faro-yareystay macalin Aabihiis Wiilkii faraha lagaga gubtay ee Maxamed Aw Geedi-shambow, hadaba Daawasho wacan, aan idiin kala baxo idinka iyo Heestii Ayaa le’deya Iyo Kooxdii Jeegaan Band:

##Muusoow Jeegaan u roonow, Jabhadkii Jid-goyntow, barashaddu sed-weeyee, Bahal-hadaanad soo bixin. Kuma le’daya, ayaa le’deya?.

Muusoow Jeegaan la biliyoow, Kii Siilaanyo bajiyee, Sheekh Samaale Sum-ciskiyo Xero-awr ku xidhayow, markay yara adkaatee, isbahaysigu doodii dacalkaa kasoo galay Xirsi iyo xertiisii kii xero ka saarow, barashaddu sed-weeyee. Bahal-hadanad soo bixin. Kuma le’daya, ayaa le’deya?.

Muusoow Ina Biixiyow, Jabhadkii Dagaalkow, kii Jig-jiga duqeeyow, kolkay damaca joogteena Jaalihii jujuubkow, haddana juuqda necebow. Jamaal-kii jibooday-na kii luqun-jibaadhow, Jeegaanta koriyow Jabhad kaamilaad tahay. Bahal-hadanad soo bixin. Kuma le’daya, ayaa le’deya?.

Sow Beeshu may jabin, boqol-sanno kol ay tahay, kuma damac-leh. Bakaylo baashaydi Middigow, Barashaddu sed-weeyee Cirro kii ka badiyow, Cali Guuleed haddanu jirin jibbadiisu soconeyn, kolkay Boobka joogtana guryaha iyo baloodhada kii belo-ku-qabayow ###.

Saaxil oo ku Biiray Xamaasada Shirka Ceerigaabo Ee Taageerayaasha WADDANI

Sheekh(Yool)-Waxgarad, odayaal iyo dhalinyaro kasoo jeeda Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa si weyn u taageeray Shir dhowaan ay taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee gobolka Sanaag ku baaqeen in la isaggu yimaado gogoshiisa duleedka Magaaladda Ceerigaabo, kaasoo lagaga arrinsanaayo mawqifka lagula shaqeynaayo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana dib loogu eegayo tabasho Xisbigooda Waddani ka tirsanaayo Doorashaddii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 13-kii Novomber 2017-ka. Doorashadasoo ay taageerayaashu aaminsan yihiin inay ahayd mid la musuq-maasuqay oo lagaga shubtay Xisbigooda waddani.

Waxgarad iyo aqoonyahanka kamid ah taageerayaasha Xisbiga Waddani ee degmada Sheekh oo shalay Saxaafadda la hadlay, ayaa Cod dheer oo middeysan ku sheegay inay soo dhoweynayaan Shirka aayo ka tashiga ah ee loogu baaqay taageerayaasha lixda gobol ee Xisbiga Waddani ee gogoshiisu taalo, Buurta Daalo ee Gobolka Sanaag. Iyagoo arrimaha ka hadlaya waxa ay yidhaahdeen;

“.. Waxanu Maanta Degmada Sheekh dhex-deeda taageero ugu muujinaynaa Shirka lagaga dhawaaqay Ceerigaabo. Shirkaas waanu garab taagan-nahay, anagoo ah taageerayaashii Xisbigaas. Waxana la qabnaa go’aanka taageerayaasha reer Ceerigaabo, oo waanu ayidsan nahay, waxanu ka wada-hadlaynaa aayaha Xisbigayaga, wanaanu la qabnaa, tabashooyinka, waxanu xoojinaynaa fikirka ah inuu dhaco shirku, dhowaana waanu tagaynaa…arrimaha diirada shirka lagu saarayo waxa kamid ah madmadowgii iyo wax is-daba marin aanu tirsanayno hadaanu nahay taageerayaasha Waddani, waxa kaloo aanu qiimeyn ku samayn doonaa natiijada doorashada ee koomishanku ku dhawaaqay markaanu isu nimaadno. Shirkayagu maaha mid dawladda lagu duminaayo, oo nabad-gelyada duulimaadku ah, balse waa mid adkeynayaa Nabad-gelyada cidii waxyeelaysana waanu kasoo horjeednaa, manta cidna ka baryi mayno inay nabad-gelyada wax yeesho”.

Si kastaba ah ahaatee, waxa todobaadkan u dambeyeey isa soo taraya baaqyo xoojin ah oo lagu taageerayo shirka lagu qaban doono Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo ay gogoshiisa dhigeen taageerayaal ay middeysay mab’da Xisbinimo ee Waddani. Baaqyadaas ayaa waxay ka kala imanayeen gobolada Togdheer, Sool iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee qurbaha ku nool.

Leave a Reply

*