Xukuumadii Somaliland oo  udhiibtay  dalka jabuuti,   Muwaadinin  Somaliland  oo kasoobaxsaday   Xukun Ciqaabadeed,

Xukuumadii Somaliland oo udhiibtay dalka jabuuti, Muwaadinin Somaliland oo kasoobaxsaday Xukun Ciqaabadeed,

SLL:-Waxa Gobolada Galbeedka Somaliland kabilawday Ugaadhsiga Umawaadiniin #Somaliland oo kasoo fakaday Shirqoolo iyo Xukuno Dil ah oo Dalka Jabuuti lagaga Xukumay Dadkan ayaa Dhamaantood ah Muwaadiniin Somaliland udhashay Sifo Sharci ahan uga Xoogsan jiray Jabuuti, waxna haystaa Amardiido iyo In aanay Qancin Qoyska Reer Cumar Geele, Dadkan ayaa Naftooda ula Soobaxsaday Gobolada Awdal, Degaano Hoosiyimaada iyo Magaalo Madaxda Hargaysa, Balse halkaas kumay nabad galin, tan iyo intii ladoortay Muuse Biixi ayaa waxa Xoogaystay Shirqoolada Dadkaas dib loogu Celinayo loona Gacangalinayo Cadawgiia ay kasoo baxsadeen, Tirada Muwaadiniinta Xidhan waa 9Qof isada ay Xogo hoose kuheshay Somalilandlive Media, waxana ilaa hada Ladhiibay laba Kamida dadkaas.


Dawlada jabuuti waxa ay door muuqda kulahayd Doorashadiii Madaxwayna #Jeegaanta ee Muuse Biixi Cabdi, waxana laga yaaba in Amuurtan Abaal gud looga dhigayo.

 

Somaliland  marar hore  ayay dad Somali ah udhiibtay  Waddanka Itoobiya   iyada oo aanay cidina kasoo waramin waxa ay dadkaasi lakulmaan kadib Marka  loogacan galiyo  Cadawgii Baadigoobayay  ee ay kasoo baxsadeen, Shuruucda Caalamiga ah ee Xuquuda  aadanaha ayaa  aad  uga soo horjeeda in Qof Maxbuus ah  loogacan galiyo    Meelagu dili rabo.

Dalka yar  ee Jabuuti ayaa  ah dalka  ugu Neceb  maqalka in ay Somaliland  wax Ictiraaf ah Aduunka Intiisa   kale   kahesho  sidaas oo  ay tahay  hadana  waxa ay Adeegsataa kolna Siyaasiinta ay  iyadu  u Aragto   kuwo ay Rararan karto hadana  waxa  u Reeryaysan Madaxwayna Jeegaanu Dooratay  ee Muuse Biixi Cabdi

Leave a Reply

*