Fadeexad weyn:Xukumada Kulmiye oo durbaba bilowday Xagxagashada Hayadaha Samafalka+4 Baabuur oo Hayada UNDP leedahay oo ay Xanibtay +Wasiir quudaraynaya in Mid la siiyo

Fadeexad weyn:Xukumada Kulmiye oo durbaba bilowday Xagxagashada Hayadaha Samafalka+4 Baabuur oo Hayada UNDP leedahay oo ay Xanibtay +Wasiir quudaraynaya in Mid la siiyo

Hargeisa-(Qarannews)-Sida warfidiyeenka Qarannews xaqiijiyey waxaa Xarunta CID Hargeysa lagu hayaa oo ku xaniban 4 Baabuur oo Noocoodu yahay Land-cruisers Nooca Hard-topka loo yaqaan.Baabuurta ayaa waxay wataan Sumada ama Nambarka (Plate Number) Somaliland siiso Baabuurta Hayadaha Samafalka Caalamiga ah & Gaadiidka  canshuur-dhaafka ah.

Taa ka sakow Waxaa jira Xoogo dheerada  oo Warfidiyeenku helay oo sheegaya in Afartan Baabuur ay leedahay Hayada UNDP siiba Xafiiska  UN-MAS.

Baabuurtan ayaa la sheegay inuu lahaa Mashruuc dhamaaday Balse Wasaaradaha  Maaliyada &  Qorsheynta Somaliland siiyeen Warqaddo dibu-celin ama dib loogu dhoofiyo Muqdisho Maadaba mashruucii loo qoondeeyay Dhamaaday.

Yeelkeede Baabuurtan ayaa tibaaxuhu sheegayaan in laga soo qabtay magaalada Dacarbudhuq iyagoo ku sii jeeday Magaalada Berbera halkaas oo Muqdisho looga dhoofin lahaa madaabay hasytaan ogolaansho ama Dhukumentis dib loogu dhoofiyo,loona diro Muqdisho  oo Mashruucaasi ka shaqeeyo maadaba uu kii Somaliland dhamaaday.

Isku soo wada duuboo soo qabashada Gaadiidkan iyo xanibaadooda ayaa la sheegayaa inuu ku lug leeyahay Wasiirka Qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahin Qabo oo ruxruxaaya ama quudaraynaya in Hal ama Laba ka mid ah Baabuurtan uu ku sii faro laabo maadaba aanu isku hubin inuu ka mid noqon doono liiska wasiirada xukumada Kornayl Muuse Biixi soo dhisi doono Usbuucyada soo socda.

Qarannews

Leave a Reply

*