Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSO Ee Madaxweynaha Jeegaanta

Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSO Ee Madaxweynaha Jeegaanta

Qaybta 3aad

Hargeysa( SLL-Yool)-Waxa kaloo, jira sida aynu kor kusoo sheegnay qorshe socdey, oo aan si cad kolna daboolka looga qaadin, balse masuuliyiintii Xukuumadda KULMIYE xilalka kasoo qabtay iyo kuwa haatan jooga intu-ba kuu sheegayaan markaad hoos-u-sheekeysataan inay Bajad Miisaaniyadeedka Wasaaraddaha qaarkood la socday oo loogu talo-galay in lagu naas-nuujiyo dad gaar ah, kuwasoo sida dhacdey qaarkood dibedda ay jiraan, kuwo kalena guryo waa-weyn uga kireysnaayeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa iyana jirtay oo war-baahintu marar badan wax-ka-qortay Mashaariico waa-weyn oo dad si gaar ah loo siiyey, kuwasoo aynu iyana ka xusi karno badellaadihii Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland oo tiraba laba jeer shaqsiyaad la siiyey, inay soo sameeyan Jeldiga Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidoo kale, Mashruuca Tigidhadda lagu muujiyo cashuur bixinta, oo iyana la bixiyey oo la siiyey koox uu madax ka yahay Wasiirka Hawlaha Guud ee haatan Md. Cali Maxamed Xasan [Cali-Mareexaan], siiba xilligii Xildhibaanka uu ahaa.

Intaa kuma eka, mashaaricda iyo shaqo-siinta mad-habta jeegaanta ku dhisan ama is-xulufaysiga laba beelood ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye la kowsadday, hase-ahaatee, si aan kala go’lahayn masuuliyiin, ganacsato iyo shaqsiyaad kale oo labadaa deegaan kasoo jeeda, waxa hal-hal loo qaybsadday dhulkii iyo Guryihii dawlada, oloollaha hanti boobka qaranka aakhirkii waxa uu gaadhay in hab-xeeladeysan hantida dadweynaha in lagu diiwaangeliyo magacyo aan jirin, iyadoo laga cararaayo kacdoonka shacab iyo eeddo loo jeediyo dhaqsiyaadka dhabta ah ee dhulka khiyaamadda ku qaatay.

 Halkan ka  Akhriso Qaybhitii hore  ee Kudhaafay

Tusaale ahaan, dhacdooyinka noocan oo kale ah, waxa kamid ah, dhismaha dhulkii Womens-clup-ka, oo sida bulshaddu markhaati ka ahayd, kolkii hore lagu suntay bixintiisa ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw siciid Geedi iyo Shirkadiisa SO-GASHO, kaddibna waxa dhismaha gudihiisa laga taagay boodh weyn oo wata calaamadda Shirkada So, ee Maxamed Aw Siciid, kaasoo tilmaamayey in goobta Ex xarunta Womens-clup ay tahay Geerash Baabuurta shaqaalaha Shirkadaas. Balse dibad-baxyo iyo cabashooyin faro-badan oo arrinkaas ka dhashay, waxa eedda arrinkaa dusha loo saaray ganacsadaha reer Jabuuti ee Maxamed Aw Siciid  Geedi, oo kolkii horeba diyaar u ahaa inuu eedda ka duwo qoyska Madaxtooyadda, gaar ahaan Marwada Madaxweynaha xilka ka degaya Aamina Maxamuud Jirde (Amina Weris), oo iyaddu ahayd mulkiilaha qarsoon ee hungurigu ka galay dhulka Womens-clup-ka, isla markaana ugu talo-gashay sida markii dambe cadaatay inay dhulkaas ku darto dhismaha Gurigii walaalkeed Marxuum Cali Jirde, oo iyaddu dhaxal u heshay, dhismahaasoo marwaddu u bedeshay isugu jira Jiif iyo cunto, iyo sidoo kale goob caweys oo todobaadkii hal-habeen laga tumo qoob-ka-ciyaar.

Dhulkaas oo dib-u-habayn casri ah lagu sameeyey waxa uu hadda kamid yahay dhismaha uu ku fadhiyo Hutelka Cali Jirde ee Magaaladda Hargeysa. Waxa kaloo, kamid ah dhulka dawladda ee mad-habta jeegaanta ku dhisan lagu qaybsaday, xaafaddii loo yaqaanay Ex Hindiya-line-ka, taasoo Madaxtooyaddu waraaqo siin Madaxweyne ah ugu wareejisay shaqsiyaad ay kamid yihiin Ganacsade Jamaac Omar, Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo dilaalka Ganacsatada Jeegaanta Cali Gobanimo, waxa intaa dheer oo tiradooda aan lasoo koobi Karin shaqsiyaadka ku abtirsada is-bahaysiga Waarsa iyo Naato ee la siiyey dhulka ugu badan ee shacab Eeriya ee Magaaladda Hargeysa, kuwasoo todobaadyada soo socda hal-hal Wargeyska Yool usoo bandhigi doono dhismayaasha iyo dhulka dawladda.

teeda kale, mudadii Xukuumadda Kulmiye dalka maamuleysay, waxa dhacday ama soo baxay hab-dhaqano cusub oo hab-ku dhisan xarfad iyo xeelad  loogu lun-sanaayo dhaqaalaha umadda ee kasoo xerooda cashuurta laga qaado muwaadiniinta taagta iyo tamarta yar, hababkaa budhcadnimada casriyeysan ee dalka ka dhacay, waxa kamid ah nidaamka cashuuraha Madaradka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa, kuwasoo badhna lagu qariyey Iibka Tikidhada, qaarna kalena loola baxay magacyo Hay’addo aan jirin oo aynu ka xusi karno Lacagta Barkin-ka ee afafka Madaarka lagu bixiyo, taasoo ku dhacda Shirkad aan dawli ahayd, isla markaana si aan loo ogeyn cidda leh, hase-yeeshee lala xidhiidhiyo inuu leeyahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, cashuurahaas oo iyanna Wargeysku soo bandhigi doono inta madax ee ay ka kooban yihiin iyo meelaha lagu qaado inta-ba Cadaddada dambe Lasoco.

Leave a Reply

*