Hadiiba Muuse u aqbalno sida Amerika Trump u aqbashay maxaynu halis daaqaynaa?

Hadiiba Muuse u aqbalno sida Amerika Trump u aqbashay maxaynu halis daaqaynaa?

Wacanoo wanaagsan warsan iyo weedhsan iyo saadaal irmaan akhyaareey makra hore dhamaantiin, marka xiga waxaynu qormadan si kooban isku dul istaagi doonaa inaynu saadaalin karno xaalada kalaguur ee uu dalkeenu maraayo iyo isbadalka siyaasi ee wayn ee ka dhacay inkastoo xisbigii iyo siyaasadii wadankuba aanay isbadalin se waxaa is badalay ay tahay magacii madaxweynaha.

Waxaan qormadan uga dan leenahay  inaynu qeexno  waxa aynu afka ka dhawrno se ah xaqiiqada rasmiga ah ee biyo kama dhibcaanka ah inagoo suaalo badan iska waydiin doona sida: Yaa guulaystay? Yaase laga guulaystay? Nidaamka dimuquraadi ee aynu qaadnay ma mid ku salaysan kala doorida xaqa iyo baadilkaa mise waa mid ku salaysan 51% hadba cidii heshaa loo yeelayaa waxay rabto? Maxaynu wax ku dooranaa? Hadiiba ninkasta lagu dooranaayo cida uu yahay ee aan lagu dooranayn waxa uu yahay goormuu inoosoobixi karaa kii aynu u baahnayn?  Yey dan u tahay umadan bilaawacyiga ee bilaa garashada ahi ?  Maxaa inaga inala gudboon amintan iyada ah? Muuse muxuu ka tagidoonaa? Ma wuxuu noqon mid lagu hoogo,mise mid lagu badhaadho oo taariikhdiisii hore buug danbe oo cusub ka daba geeya?

Waxba yey arartu ila sii durkine waxaan marka hore ilaahay inooga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo iyo cadaalad inoogu deeqo in haduu shar inoo leeyahay ilaahay sharkiisa inaga qabto haduu khayr inoo leeyahayna ilahay inooga dhigo mid barakaysan.

Waxay doorasho inaga inooga dhigantahay iyo waxay dunida kale uga dhigantahay ?


Ereygan ujeedooyinka badan ee maanta dunida Reergalbeed ku wareeriyeen sidoo kale iyadoo moorgaraysana dibada loogu dhoofiyo mararka qaarna wadamo badan lagu baabiiyey sida Ciraaq iyo Afgaanistaanba, bal aynu is waydiinee maxay inaga inooga dhigantahay doorasho dimuquraadi ahi ?maxayse iyaga uga dhigantahay ?

Wadamada aynu ka soo amaanaysanay doorashadu xorta ah ee xalaasha ahi maaha mid sida aynu inagu ugu hawlnahay kuwo iskugu hawla waayo ? wadamadaa waxaa yaala qaanuun aanu nina ka sarayn, ninkastoo fuula cidina wax dheeraada helimayso waxaanay dadku wada helin. Hadiiba aabaha madaxweyne noqdo sidii uunbaa Boolisku kuu ganaaxayaa hadiiba aad danbi gasho, hadiiba lagu xidho oo Boolisku ku xidho aabahaa oo madaxweyne ahi kuma soo dayn karo cafisna kuuma waydiin karo sidaas darteed waa sababta aanay iskugu wareerin hadba ka fuulaaya hadalkoo kooban madaxweynuhu uma kala eexan karo dadkiisa waayo systeemka ay dhigteen ayaa  ilaalinaaya.

Marka aynu u nimaadno dunida kufsatay Dimuquraadiyada ee aynu ka midka nahay waa nolol iyo geeri, waa nabad iyo colaad, waa mustaqbal iyo mustaqbal la´aan waayo waxaa sahlan sida masuulkastaa qalin wax ugu xadi karo ee uu ilaa madaxweynaha u sareeyaa reerkiisa ugu qaraabo kiilikaro waana sababta sababtay in dunida sadexaad doorasho kasta la isku dilo oo xataa dalkuba u burburo waayo hadiiba dadku aaminsanaan lahaayeen kolba kii fuulaba inaanu nina wax dheeraada helayn sida dunida galbeedkay maalintaa doorashada barkimada dheeraysan lahaayeen oo iskubamabay hawleen hebel aynu doorano.

Doorashadan iyo waxaynu ka baran karno
Doorashadani waa midkii ugu xamaasada badnayd ee abid soo marta Somaliland waana mid cidiyaha la iskula tegay inkastoo si nabdoon ay inoo dhaaftay hadana waxay soo quftay oo kashiftay waxbadan oo qarsoonaa. Waxay qaawisay heerka garaafka aqooneed ee umadeena, waxay kaloo qaawisay waxa aynu wax ku doorano .

Waxaynu dunida u sheegnay inaynu wax ku doorano qabiil inaynaan u eegin taariikhdiisi tagtay qofka inaynaan ku dooran qofka waxa uu yahay balse aynu ku doorano cida uu yahay.

Yaa guulaystay? yaase guuldaraystay?
Waxaa guulaysta qabiil iyo qabyaalad waxaa guuldaraystay musuq iyo musuqkaabe waxaa guulaystay oo xaaraan iyo xalaalba isagoon u mayodayin meel marsaday siduu rabay eex iyo nin jeclaysi. Waxay Somaliland maraysaa meel la tilmaamo halkii u xumayd haday tahay musuqa, qabyaalada, sixirbararka, rajobeelka,faqriga, waxay hoy u tahay intii xumayd oo dhan waxaa heerkaa gaadhsiiyeyna waa xisbiga talada dalka hayey ee Kulmiye . Dhankastoo la eego wadanku wuu dhaamay sidan se xaqiiqada jirtaa waxay tahay inuu wadanku afwaynta goostay.

Waxay waxgarad badan oo umadan ka tirsani daremeen baahida loo qabo isbadal hor leh oo sameeya  umadan  waxayna dhexda dhiisha ugaga xidheen sidii ay u badbaadin lahaayeen ee malaxda ay dhexjiifto umadu uga saari lahaayeen iyagoo u hagaaya kobcagaaran. Balse may noqon waayo sababtu waxay tahay umada oo aan ahayn mid weli qaangaadh ah umadan oo ah mid ku qiimaysata nolosha gebi ahaanba reer hebel sida qudha ee umadan wax lagaga badalayaa waxay tahay iyadoo marka hore wacyigeeda la dhiso laga jafo daxalka iyo mililka maskaxdooda aafeeyey si ay u soo baxdo umad wacyi garasho leh oo taqaan meelay u socoto.

Faraqa u kala dhaxeeya labadan kooxood  waxay ahayd qolo ku hadaaqaysay dhawaaqyadii ay umadani ilaa waligood maqli jireen waxayna ku hadlayeen waxay yaqaaneen, halka qolada kale aad moodaysay inuu hadaladoodu ahayeen mid ku cusub dhegaha dadka kaas oo sababay inay umadani u dhagraaricin waydo waana arin aan ugub ku ahayn  cid kasta oo rabta waaqac markaa yaala inay wax ka badasho. Wadani kama duwana nabiyadii  u dhawaaqi jiray umadooda qarniyo ee kooxyari ka raaci jirtay .

Waxaynu taariikhda ku haynaa nebi Nuux iyo intuu u baaqaayey umadiisa waxa kale oo taariikhda ku hayaa nebi Maxamed iyo wixii dhib la soo mariyey iyo siduu ugu ducaynaayey markii lalahaa aanu halaagnoba ee uu u lahaa “iskadaaya waxbamagaranayaane waxaan ka rajaynaa kuwa dhabarkooda ku jira inuu ka soo baxaan kuwo u adeega risaalada eebe“. Ma jiro ildheergarad iyo aqoonyahan iyo abwaanba oo umadan soo maray ilaayo wuxuu kaga dhintay rajo beel waana kii lahaa abwaan Timo cade  dadkaan la hadlaayaabaan lahayn dux iyo iidaan.

Hadal iyo dhamaan waa hadiiba ay doorashadu tahay mid xalaalmiirada waxaynu ka arki karnaa halkaa inaanay weli umadeenu halkay joogtaa aanay dhawayn wacyi iyo garasho ahaanba, cid kastoo rabta inay wax ka badashona waxay tahay inay ku ka tusaale qaadato labadaa kooxood ee tartarmay iyo waxay ku kala tartameen iyo kuway bulshadan bilaa wacyiga ahi soo saartay hadiiba ay xalaal tahay sidaynu hore u sheegnay.

Halista aynu daaqayno xukunka Muuse.

Siyaasada arimaha dibada
Doorasho kastoo dunida ka dhacdaa waxay ku wareegtaa sadex  jaranjaro midi waa saamaynta dalka ay ka dhacayso, midina waa saamaynta ay ku leeyihiin wadamada gobolku, midina waa saamaynta dunidu ku leedahay. Hadaba markaynu eegno wadamada saamaynta wayn ku lahaa doorashadeena waxay ahayeen wadanka Itoobiya iyo wadanka Isku taga Imaraadka  carabta , suaashu waxay tahay  goormay xidhiidhka labadaa wadan faaido inoo keeni kartaa goormayse halis inoo keeni kartaa ?

Aan ku horeynee dhanka Somaliland iyo Imaraadka Carabta tan iyo intii xidhiidhku ina dhexmaray waxay Somaliland si toosa ula safatay khilaafkii wadamada khaliijka ee u dhaxeeyey Qatar iyo wadamada mandiqada xulafada Imaraadka iyo Sucuudigu hor kacayeen walow aanay wax qiimo ah ku soo kordhinayn wadan yar oo aan weli la ictiraafin oo aan wax saamayna dunidaba ku lahayn inuu isna halagu maqlo uun goaan ka dhana dawlad heblaayo ku dhawaaqo. Dhacdadaas waa goaankii Somaliland oo warbaahin dunida carabta ahi wax ka qoreen ayaa waxay ku tilmaameen wax lagu qoslo iyagoo is waydiiyey waxa ay miisaan ku leedahay Somaliland siyaasadaha ay dheelayaan boqorada Carabtu?

Dhanka  masaalixda iyo heshiisyadii ay Somaliland la gashay Imaaraadka waxaa ku jira madmadow badan waxaana ka taagan dood xoogan xalaalnimada heshiisyada dekeda iyo saldhigaba, waxaana halista ugu wayni noqondoontaa hadii Somaliland la mid noqoto sida wadamada dunida sadexaad ee wadanka dhan iibkiisu ku xidhanyahay  iyadoo afka loo buuxiyo kooxda kolkaa talada dalka gacanta ku haysa waana sida xaal yahay Somaliland.

Dhanka Itoobiya waxaan dheeli tirnayn xidhiidhkeena, waxaan jira arimo badan oo u baahan in sitaxadir leh loo eego waxaana ka mida aafada qaadka iyo waxa laga yeelaayo si loo badbaadiyo umadeena mala yarayn ? cashuurta malagu kordhin? Waqtiga uu imanaayo mala xadidikaraa? Lacagta tirada badan ee inaga baxda wax maloogu badali karaa? Suuqyo ma uga raadin karnaa suuqa wayn ee Itoobiya kaluunkeena iyo milixdeenaba? Suaalaha iyo kuwo kaloo badanba waa wax u baahan in si cilmiyeysan loo daraaseeyo waa hadii ay jirto lexejeclo dhabi in laga qabo jamhuuriyadan quraarada ah ee dildilaaca badani ka muuqdo.

Isku soo wada duuboo siyaasada arimaha dibada ee Somaliland  maaha mid dheelitiran goaankeeduna waa miday tiro yar oo kolba meel heblaayo looga yeedhaa goyso, waqtigan ay marayso Somaliland maaha miday u baahantahay cadaw cusub oo ay samaysato ee miday u baahantahay saaxiibo badan oo ay samaysato. Waxaana tusaale ugu filan sida ay Jabuuti u dhaqanto ee ay dalkeeda yar yamyam iyo qadaad wayn mid kasta meel kasiisay ee ay danteeda uga wadato Faransiiska,Maraykan,China,Japan oo midna midka kale rebin sidaasoo kalay Qatar iyo Imaraadkaba uwada maali kartaa hadii ay jirto siyaasad qaran oo dheeli tiran. Hadaba  muxuu inoosoo jiidi askarigan haraadani marka la eego siyaasadaha arimaha dibada ma furfurnaansho iyo masaalixdoo la is waydaarsado mise wuxuu ino soo jiidi go´doomin hor leh iyo xaraash cusub.

Siyaasada arimaha gudaha

Siyaasada arimaha gudaha oo ah mida ugu muhiimsan mujtamaacaadka wax doorta xataa galbeedka waana siyaasada si toosa markiiba u saamaysa muwaadinka ku nool dalka, waxaa Muuse hor yaala mushkilado aad u tiro badan dalka gudahiisa kuwaas oo hadii aan si fiican loo dhayin hambaabuqi kara.

Bulshadii Muuse ka soo baxay maaha bulsho ka horumartay  wixii burburiyey dawladaheedii horeba, waa bulsho gebi ahaanba midab takoorka iyo sumada qabiilku ay aad u naafeeyeen. Waana bulsho isku hayb ah   korka sare se hadana kala haybo ah gudaha hoose , doorashadana waxay sii hambaabuqisay boogo badan oo dadnaa wuxuu Muuse isaga laftiisu ka mid yahay dadkii kabriidka ku qabtay wixii ay ahayd in la damiyo.

Muuse waa kii qaybo badan oo umadiisa hada uu madaxda u yahay ku tilmaamay inaanay muwaadiniin qalbiga ka ahayn, isla kuwii ayuu maanta madax u yahay isla kuwii ayey tahay inuu taageero ka helo. Dhanka kale weli waxaa jira boogo kale oo dadnaa se hada badka iskeenay ha ugu horeyso Khaatumo iyo sida loola xaalaayo . Waxaa kale oo umadii marka horeba liqliqanaysay Muuse iyo kooxdiisu ugu sii kala qaybiyeen waxa loogu yeedhay jeegaan gaashaanbuurta xaaraanta ah taas oo ah wax aad looga yakhyakhsoodo  bulsho badana sababtay inay fiiro gaara ka yeeshaan gebi ahaan waxa ka run ah waxa aynu dastuurka ku qoranay, Sidee nabarkaa loo dawaynayaa ? Sidee ayey suuro gal u noqonkartaa in la helo umad midaysan hadiiba Jeegaani adeegayso walina cidii ku dangaadhay inoo amaanayso ? Xalka iyo sida umadaa uu kala irdheeyey shalay Muuse uu bogeeda burcad iskugu marinaayo waa suaal da´wayn oo madaxa daalinaysa.

Isku soo wada duuboo waxaa dalkan yar hadheeyey musuq, qaraabo kiil, eex qabiil,cadaalad daro, jahli iyo intii xumayd oo xukunka dalka ku dhigay . Muuse iyo koodiisu waxay ka mid yihiin isla kooxdii tan iyo dagaalkii sokeeye laga hortaagnaa xilka sare ee qaran marna may uqaban umadan wax xila tan iyo sagaashanaadkii ka dib balse maanta oo ay figta sare fuuleen ayaa waxay suaasha ugu badan ee aynu iswaydiin karnaa noqonaysaa ma halkii ay shalay mareen bay mari mise taariikh horloo wixii hore maydha bay la iman.

Wabilaahi Tawfiiq

Q: I.C

 

Leave a Reply

*