Isbahaysiga Jeegaanta: Bilawgiisii La Eeday iyo Burburka Uu Sababi Karo (Qormada kowaad)

Isbahaysiga Jeegaanta: Bilawgiisii La Eeday iyo Burburka Uu Sababi Karo (Qormada kowaad)

Waxa  aynu ka soo baxnay doorasho sidii ugu xumayd u qaybisay ummadda Somaliland. Beretankani waxa ka dhacay boob, sharci la baal-maray, bogdoox iyo carruur baasuuke lala dhacay. Waxyaabaha ugu waaweyn ee bud-dhigga u ahaa loollankii KULMIYE waxa ugu weyn abaabulka waxa loo yaqaanno ”Jeegaanta”. Waxa aan qormooyin kooban ku eegi doonaa Jeegaanta: bilawgeedii, boogaha ay dalka u geystay, baqaha aan ka qabo in ay dalka burburiso iyo sida ay u baabbiinayso sinnaanta shacbiga Somaliland.

Maqalka Isbahaysiga Jeegaantu waxa uu la bilaabmay doorashooyinkii Somaliland ka dhacay intii Ingiriisku haystay ama horraantii 1960kii. Waxaana jiray qorshe la rabay in ay beelo gaar ahi gacanta ku hayaan Maxmiyadda madax bannaanida ka qaadanaysa Boqortooyada UK. Maadaama oo loo arkay in Somaliland noqonayso meel u xidhan cid gaar ah, waxa ay beelaha qaarkood yidhaahdeen ”Kii Xamar na geynaya ayaanu codka siin doonnaa”.

Naxligaas la dhex dhigay ummaddu waxa uu sababay in loo kala horreeyo Muqdisho iyo in shuruud la’aan lagu wareejiyo xorriyaddii loo halgamay. Maanta waxa laga cabanayaa Galbeedka Hargeysa iyo Bariga Burco, laakiin xisbiga SNL waxa Guddoomiye iyo Xoghaye Guud ka ahaa Sheekh Cumar Askar iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo isku beel ah. Markii taas laga biyo-diiday ayaa ay beelaha qaarkood xal moodeen in Banaadir la isku shubo, si aan beledka beel qudhi u xukumin.

Halkaasna waxa god madaw ku dhacay aayihii ummaddu naawilaysay iyo naruuradii laga qabay in aynu noqonno dad aan la gumeysan oo taladooda gacanta ku haya. Waxa se laga korodhsaday beer-caddaad iyo burbur. Kuwii is-diiddanaa oo dhan canka ayaa la geliyay, waxaanay calafsadeen ciqaab iyo cidhib-xumo ay in badan dibinta ka cuneen.

Dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa in qofku wax dooran karo, isagana la dooran karo. Ujeeddada codbixinta shacbigu waa in ay murashixiinta ku kala doortaan kartidooda, aragtidooda, waxqabadkooda iyo qorshahooda maamulka ay dalka ku hagi doonaan. Laakiin waxa aad mooddaa in is-bahaysiyada lagu baaqayaa ay yihiin kuwo burinaya wada-jirkii iyo walaanimadii shacbiga Somaliland. Waxa aad mooddaa in xulafada jeegaanta ee aynu maqlaynnaa in ay u eegyihiin hannaanka Kiiniya ee ku salaysan in ay qowmiyadda Kuukuuyada iyo bahaheedu ay weligood talada gacanta ku hayaan. Awood-maroorsigaasi waxa uu Kiiniya geliyay xaalad amni xumo, iyada oo marar badan lagu sigtay in ay qarxaan dagaallo sokeeye.

Waxa aad mooddaa in lagu talo galay in ummaddeena loo qaybiyo madiidin iyo madax, la-maamuleyaal iyo masuuliyiin, madaxweynayaal iyo maxas. Ujeeddada rasmiga ah ee Jeegaantu waa in ay talada Somaliland gacanta ku hayaan laba qoys oo keli ahi. Cid kasta oo ka soo jeedda beelaha kalena waxa la rabaa in ay shacab ahaadaan. Himilada loo unkay gaashaanbuurtani waa in la duudsiyo dhammaan dadka intiisa kale. Si kasta oo loo tartamo, waxa la rabaa in la boobo codka ummadda. Marka laga yimaaddo kuraasida qaranka, waxa xitaa la qoonddeeyay in ciidanka dalka loo dhiso qaab u adeegaya labada qolo ee hagbadda ku jira. Taasna waxa marag u ah sida dhammaan xilalka muhiimka ah ee ciidamada qaranka loogu dhiibay dad gooni ah.

Waxyaabaha ay ummadda Somaliland ku kellifay gooni-u-goosadka waxa ka mid ah in xilalkii muhiimka ahaa ee Soomaaliya loo dhiibay dadkii ka soo jeeday dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray. Duudsigaasi waxa uu sababay in saraakiishii ciidanka ee reer Somaliland ay inqilaab ku kacaan Disember 1961kii, inaga oo aan laba sanno la qaadan Soomaaliya ayaynu ka biyo-diidnay hannaankii xukuumadaha Xamar.

Markii aynu ku guulaysannay kursiga Raiisal wasaaraha, waxa dhacday in la dilo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo lagu eedeeyay in uu u xagliyay dadkii reer Somaliland. Ugu dambayntiina waxa majaraha gacanta ku dhigay Ciidankii Milariga oo xabaal ku riday xaq iyo xuquuq kasta oo ummaddu lahayd. Taasna lagama aammusin, inta duurka loo galay ayaa dil iyo xasuuq loogu badheedhay.

Falalka Jeegaantu waxa ay bilaabmeen markii Axmed-Siilaanyo loo doortay Guddoomiyaha SNM 1984kii, waxaana cumaamaday laba qoys oo diiddanaa in ay xilka hayaan Mujaahid Cabdiqaaddir Koosaar IHU iyo qabiilkiisu. Hannaankaas doorashadu waxa uu sababay in ay beelaha qaarkood ku dhawaaqaan in ay ka baxayaan SNM isla markaana ay sameeyaan jabhad la yidhaahdo ”Gaashaamo Base Committee”, laakiin waxa loo tanaasulay dantii ummadda ee ahayd in macangagga lala dagaallamo. Huwantaasi waa ta sababtay in uu Siilaanyo noqdo Guddoomiyaha ugu muddada dheer SNM.

Sida ay maanta caqabadda ugu tahay wadajirka Somaliland ayay qodxaha Jeegaantu u curyaamin gaadheen himiladii aynu lahayn xilligii halganka.

Isha ku hay qaybaha dambe haddii Alle oggolaado

W/Q/ Faisal Abdi.
Hargeisa Somaliland.

Leave a Reply

*