SIYAASIYAN SIDEE AYEY U SUURO-GASHAY IN YUHUUDI AY HAWAYSATO KU SOO LAABASHADA DHUL AY HORE UGA HAAJIRTAY IYADA OO TIRO YAR?

SIYAASIYAN SIDEE AYEY U SUURO-GASHAY IN YUHUUDI AY HAWAYSATO KU SOO LAABASHADA DHUL AY HORE UGA HAAJIRTAY IYADA OO TIRO YAR?

Qoraalkii hore waxa aan kaga warramay in dhinacyada isku haya dhulka Bariga Dhexe ee Yuhuud iyo Falestiin ay ka xoog roonaatay labada dhanba ku doodis macaash doon ah oo qoloba qolada kale aaney u isir tanaasuleyn – oo dhan walba ku dhegan yahay taariikh isaga u gaar ah oo diini ay tafsiir u tahay.

Sidoo kale waxa aynnu ka war-bixinnay in taariikh siyaasadeedka xorta ahi ay ku doodayso afar ammuurood oo waaweyn oo aynnu bud-dhig uga dhigin doono fahamka taariikhda saxda ah ee runta la gu ogaan karo – innaga oo ka xoroobayna in aynnu ku maskax qallibanno amma tafsiir ka dhiganno labada dhinac ee is haya sheekadooda (competing narrative) oo aan dhan na u xaglineyn. Waxa aynnu ka duulaynaa afartan ammuurood ee xorta aah: –

1. In Carab iyo Yuhuud yihiin ummado ay diimahoodu collaysiiyeen oo ay adag tahay in xuluusha dhaqanka ee ummadaha kale dhibka ka kaxayn karaa uu dhankooda macquul ka yahay (Constructivism).

2. In kala awood roonaanshiyaha labada dhinac Falestiin iyo Israa’iil ay dhib ku tahay nabadda (Realistic Ideology of Balance of Power).

3. In danta Maraykan iyo Ingiriis ee Bariga Dhexe oo ah dhul khayraad badani yaal (Energy) oo Muslim degan yahay kellifayso taageero ay siiyaan Yuhuud si ay u manfacsadaan oo saca Bariga Dhexe jooga ay aad u lisaan (Postcolonialism Dogma).

4. In dalalka adduunyada oo dhammi ku saaqideen in ay xal waara ka keenaan Bariga Dhexe muddo toddobaatan sano ah gaar ahaan ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay (Neoliberal Failure).

Mawduuceenna maanta waxa aan kaga hadli doonnaa labo ammuurood oo waaweyn oo kala ah sidii uu ku bilaabmay fekerka dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee aakhirkiina midho dhalay ee mabda ahaan ka duulaya in dadka Yuhuudda ahi helaan dawlad iyo dhul u gaar ah oo ay isku xukumaan si ay isir ahaan u badbaadaan ee loo yaqaan ‘’Zionism’’.

Dhanka kale waxa aan si kooban oo khusaysa ammuurta colaadda ee bariga Dhexe aan uga faalloon doonnaa burburkii dawladda Cismaaniyiinta iyo doorkii ay ku lahayd soo laabashada Yuhuudda ee Bariga Dhexe.

Aan ku horreeyo ammuurta hore ee fekerka ‘’Zionism’’ iyo halka uu ka soo ibo furmay asal ahaan iyo ujeeddada uu lahaa bilowgii – iyada oo aynnu maraaxilkii uu soo maray ciddii bilowday iyo halka uu maanta joogo ku gunaanadi doonna.

Bilowgii qarnigii 19aad, Yuhuudi 75% waxa ay ku noolayd Bariga Yurub – waa ay ku ladnaayeen ganacsi aad u fiicanna waa ay ku haysteen – waxana ay u arkayeen in ay tahay fursad fiican oo ay heleen iyaga iyo ubadkoodu oo ay ku naajixi karaan mustaqbalka. Waa u nasiib-darro e, uma ay raagin rejadaasi oo waxa gunta ka dalooliyey kacdoonkii cunsuriga ahaa ee Yurub ka bilowday oo ku salaysnaa waddan iyo isir jacayl.

Kacdoon kani waxa uu noqday mid aan Yuhuud marnaba dan u ahayn oo ajaanib diid amma Yuhuud diid ah (European Nationalism). Wakht yar ka dibna waxa uu kacdoonkii isku beddelay waxa loo yaqaan ‘’Anti-Semitism’’ oo ah ammuur wakhtigan xaadirka ah la ga xanaaqo danbina la gu muto – markaa se ahaa wax fiican oo ah in Yuhuudda si xun oo axmaqnimo ah loo la dhaqmo – hantidooda la burburiyo, la qaxiyo oo la gummaado intii la dabar-jari karo.

Waddankii ugu horreeyey ii ammuurtan bilaabay waxa uu ahaa dalka Ruushka oo takoorkii ugu horreeyey ku sameeyey dadka Yuhuudda ah (Progam of Segregation) aakhirkiina sameeyey qorshaha madaluufinta oo soo baxay 1870. Ruushku waxa uu ku celinayey Yuhuud halkii ay ka yimaaddeen si qasab ah intii u dhexaysay 1882 – 1923. Qorshahaa madaluufinta waxa si fiican ugu fekeray aqoonyahaniintii wakhtigaa ku dhaqnaa Galbeedka Yurub iyo dalka Ingiriiska oo la yimi fekerka weyn ee maanta Bariga Dhexe yaal.

Leon Pinsker waa ninka hab-abuurkiisa leh fekerka odhanaya yuhuudi waa in ay hesho dhul ay ku nabad gasho oo ay kaga badbaaddo xasuuqa iyo baro-kicinta ba’an ee Yurub ka socda. Fekerkaa waxa uu aqoonyahan Leon Pinsker oo ahaa ‘’physicist’’ uu hindisay 1881. Fekerkani Yuhuud miiska ayuu u saarmay oo marnaba maskaxda aqoonyahankii kale ee dhawaaqu soo gaadhay kama uu san suulin.

Shan iyo toban sano ka dib aqoon yahanka weyn ee Theodor Herzl takhsuskiisuna ahaa sharci-yaqaan leh xirfad weriye-nimo ayaa la yimi feker si weyn ugu cuntamay dhammaan aqoonyahankii wakhtigaa ay Yuhuudi lahayd. Fekerkan oo ka jawaabayaa fekerkii hal xidhaalaha ahaa ee aqoonyahan Leon Pinsker waxa uu la yimi in jidka keliya ee ay Yuhuudi ku badbaadi kartaa yahay in ay dib ugu laabato meeshii ay ka soo haajirtay.

Fekerkan waxa uu dood adag uga dhigay in ay aad u dhib yar tahay in dib ay u laabtaan sababo afar ah awgood:

waa ta hore e, in yuhuuddii laga celiyey Bariga Yurub iyo Ruushka intii u dhexaysa 1882 -1923 oo dhannaa tiro ahaan 150,000 in ay naajaxeen oo ay noloshoodu fiicnaatay ganacsi fiican iyo dhul-beereed na tabceen – sidaa darteed ay habboon tahay in dib loo noqdo oo badownimada Carbeed la ga faa’idaysto.

In ay suuro-gal tahay in ay taageero ka helaan dawladaha Reer Yurub oo khaati ka taagan ganacsiga ay shacabkooda ku qabsadeen – taasina ay sahleyso in si farsameysan uga faa’idaystaan hub iyo dhaqaale wixii ay ku tarayaan maadaama ay rabaan dib u noqosho meeshii ay ka yimaadeen ileen dhulkooda ayey u faaruqinayaan eh.

Ammuurta saddexaad waa in ay Muslimiintu ku dhaw yihiin wakhtigan in ay jabaan – waayo dawladdii Cismaaniyiinta ee wakhtigaa; waa 1896 e, in ay u egtahay mid sii tabar yaraaneysa. Sidaa darteed ay mudan tahay in la sugo inta ay dhacayso inta ka horeysana si fiican dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan loo sii tabaabushaysto la iskuna sii abaabulo dhan walba.

Ammuurta afraad ee uu ku qanciyey aqoonyahanka walaalihiisa Yuhuudeed waa in ay weli Carabi badow tahay oo aaney birta iyo baaruuddu si fiican u gaadhin. Gaar ahaan Carabta Reer Falestiin oo iyagu degan meesha loo socday. Sidaa darteed, ay fududdahay in fursadda loo ga faa’ideeyo kuwa dhabarka ku jira ee Yuhuudda ah si ay ugu hoos noolaadaan dawlad ay iyagu leeyihiin oo ilaalisa sharafka iyo diinta Yuhuudda.

Soo jeedintaa Theodor Herzl isla sannad ka bacdi Yuhuud intii aqoon lahayd waxa ay isugu yimaadeen magaalada Basle ee carriga Switzerland oo ay shirkii ugu weynaa ku qabsadeen 1897 – shirkaa waxa ay ku ansixiyeen soo jeedintii iyo talooyinkii Theodor Herzl oo aaney waxba ka dhimin waxba badan na ku darin.

Isla shirkaa waxa la gu sameeyey ururkii ugu horreeyey ee fekerkan loo sameeyo oo loo la magac baxay ‘’World Zionist Organisation’’ amma WZO. Ururkan waxa ay kula kulmeen dawladda Ingiriiska oo ay aragtidooda in dib loo gu celiyo halkii ay ka yimaadeen kula wadaageen. Sannadku markii uu ahaa 1917 dawladda Ingiriisku waxa ay si buuxda u aqbashay in Yuhuud dhulkeedii la gu celiyo oo weliba sida ay rabto loo yeelo. Heshiiskaa oo dhex maray WZO iyo dawladda Ingiriiska waxa loo gu magac daray wasiirkii arrimaha dibedda ee Ingiriiska ee wakhtigaa Balfour – waxana loo bixiyey Balfour Declaration.

Ammuurtaa waxa xigay in dawladdii Cismaaniyiintu burburtay 1923 oo saadaal dhabowday iyo guul-weyn ugu muuqatay Yuhuud. In yar ka dib dalabkoodii waxa ay hor-dhigeen dawladaha Ingiriiska oo ay ka codsadeen in dhulkoodii la gu celiyo sidii uu heshiisku ahaa ballankiina la fuliyo.

Yuhuud iyada oo saadaal guuleysatay – taladeedii horena meel u taal oo fekerkaa loo xaydan yahay ayuu ku habsaday dagaalkii labaad ee adduunku oo iyaga uu Hitler si gaar ah ugu xasuuqay 1941 -1945. Xasuuqan oo loo aqoonsan yahay kii ugu ballaadhnaa adduunka waxa ciddii la xasuuqay (Yuhuud) iyo kuwii xasuuqay (Jarmal) ay isla qaateen in lix milyan oo qof in ka badan la gu khaarajiyey – waana xasuuqa weyn ee la magac baxay ‘’Holocaust’’.

La soco Qaybaha danbe haddii Alle idmo.

Mohamed Hagi Mohamoud

 

 

  Qaytii Hore  haday  kudhaaftay Daalaco  Markale

 

MAXAY KA KALA AAMINSAN YIHIIN QADDIYADDA DHULKA IYO TAARIIKHDA SIYAASADDA DHINACYADA BARIGA DHEXE ISKU HAYAA, ADDUUNYADA XORTA AHINA MAXAY GAAR U AAMINSAN TAHAY?

”Politics of Historiography” mar wal oo la ga hadlayo taariikh siyaasadeed waxa aadanaha kiisa maanka xorta ah leh ee aqoon gudbiyaha ahi adeegsadaa waa; tafsiir naqdi madax-bannaan leh iyo tixraac sugan oo dhan walba ah.

Arrintan waxa la ga ga fogaadaa saameynta sheeko hawleedka isirrada colloobay iyo nasabka diiniga ah ka soo farcama si aaney u qalad qaabayn xaqiiqada jirta – waayo runtu isma beddesho – si wal oo aad been isugu sheegtana adiga uun baa dhaawac ah oo macaash laawe ah oo waxa aad walwaalaysaa yahay waxa loo yaqaan sheeko dhan keliyaale waana ammuur luggooyo ah (one side narrative.)

Si aynnu khiyaali oo dhan war iyo sheekadii uga nabad gallo, oo aynnu runta Bariga Dhexe taal ugu soo dhawaanno marka hore aynnu dul istaagno waxa ay Yuhuudi aaminsan tahay, waxa ay Carabi aaminsan tahay iyo waxa ay taariikhda siyaasadda ee xorta ahi ka aaminsan tahay colaadda Bariga Dhexe ee Falestiin iyo Israa’iil muddada toddobaatanka sano ah ku habsatay.

Yuhuudi waxa ay aaminsan tahay in ay iyagu yihiin dadka asal ahaan iska leh dhulkan Bariga Dhexe la yidhaa xooggiisa – gaar ahaan aagga barakaysan. Waxa ay arrintaa markhaati gashadaan dhammaan diimaha samaawiga ah ee Alle soo dajiyey (Tawraad, Injiil, Sabuur iyo Furqaan).

Sidoo kale waxa ay markhaati gashanayaan cilmiga Archeology ee lagu baadho taariikhda aadanaha iyo cimriga agabka ee wakhtiyo hore oo suuro-galiya tibbixda caddaynta wakhtigan ee cilmiga saynisku taariikhda ku raad-goobo. Waxana uu cilmiga Archeology caddaynayaa in Yuhuudi ay tahay dad uu Alle dhulkan ku beeray sida raadka cilmi baadhistu daahfurayo ee Af iyo isir hore la ga helayo.

Waxa ay Yuhuudi ku doodaysaa in dhulkan la ga qaxiyey markii Islaamku ku xoog weynaaday ee diinta Islaamku sida weyn u faaftay – dabadeedna ay qaxeen oo ay ka haajireen. Waxa ay ku doodayaan in haajiristii ay ku galeen dhulka Ansaartu uu noqday mid ka daran oo ka dhib badan kii hore ee ay ka soo yaaceen oo xasuuq badan loo gu gaystay.

Xasuuqa markhaatiga loo hayo ee Yuhuud dhulka Ansaarta loo gu gaystay waxa ka mid ah Ruushka iyo dalka Jarmalka oo kii ugu weynaa ka dhacay. Sidaa darteed in Yuhuudi ay yaqiinsatay in meesha keliya ee ay ku badbaadi karaan ay tahay dhulkii ay asalka u lahaayeen oo ay ku laabtaan iyaga oo xoog badan – magdhawgoodii Yurub loo ga geystayna ka dhiganaya in la ga caawiyo in ay hantiyaan dhulkii hore ee ay ka yimaadaan oo wakhtigaa Carabi wada yeelatay.

Carabi waa Falestiin e, iyana waxa ay aaminsan tahay in dhulkan ay wada degi jireen iyaga iyo Yuhuuddu, in ay iyagu ahaayeen kuwa badan (majority) mar walba ee leh hantida beeraha u badan. In ay Yuhuudi iyadu iska qaxday markii dawladdii Cismaaniyiintu dhalatay ee aan cidna ka eryin. Markii ay dawladdii burburtayna in dadka Reer Falestiin ay go’aansadeen in ay iyana dawlad gaar ah noqdaan sida walaalahooda Carbeed – inta la joogta ee Yuhuud iyo Kiristan ahna ay dawladnimada sadkooda ka siiyaan.

Waxa ay ku dacwiyayaan in arrintaa uu gumaystihii Ingiriisku ka diiday oo isagu watay taageersanaana mabda’a Yuhuudda ee dawladnimo gaarka oo diin Yuhuudi ah ku dhisan ee loo yaqaan ‘’Zionism’’. Taasina ay keentay in dhulkoodii la ga bara-kiciyo oo dadkoodii la xasuuqo dhulkii ay lahaayeen iyo beerihiina la ga qaato. Halka ay Yuhuuddu arrintaa ka sheegayso in ay oggolaayeen wakhtiga ay soo laabteen in labo dawladood la kala noqdo oo dhulkana loo qaybiyo.

Haddaba hadii ay xaajo halkaa joogto oo labadaa taariikh siyaasadeed ee kala duwan la kala akhrisanayo – maxay taariikhda siyaasadda ee xorta ahi ka aaminsan tahay colaadda Bariga Dhexe ee Falestiin iyo Israa’iil muddada toddobaatanka sano ah ku habsatay? Taariikhda siyaasadda ee ka madaxa-bannaan labada dhinac ee Yuhuud iyo Falestiin/Carab.

Taariikh siyaasadeedka xorta ah marka aan leeyahay waa ta taal caalamka caqlaaniga ah ee aqoonta maaddiga ah u irkada cilmi-baadhis. Sabata keenta khilaafaadka caalamka iyo masiibooyinka adduunka isla markaana raad-goobta helista xuluusha maanka ku dhisan ‘World of Academia’’.

Taariikhdaa xorta ahi waxa ay aaminsan tahay afar ammuurood oo waaweyn:-

1. In Carab iyo Yuhuud yihiin ummado ay diimahoodu collaysiiyeen oo ay adag tahay in xuluusha dhaqanka ee ummadaha kale dhibka ka kaxayn karaa uu dhankooda macquul ka yahay (Constructivism).

2. In kala awood roonaanshiyaha labada dhinac Falestiin iyo Israa’iil ay dhib ku tahay nabadda (Realistic Ideology of Balance of Power).

3. In danta Maraykan iyo Ingiriis ee Bariga Dhexe oo ah dhul khayraad badani yaal (Energy) oo Muslim degan yahay kellifayso taageero ay siiyaan Yuhuud si ay u manfacsadaan oo saca Bariga Dhexe jooga ay aad u lisaan (Postcolonialism Dogma).

4. In dalalka adduunyada oo dhami ku saaqideen in ay xal waara ka keenaan Bariga Dhexe muddo toddobaatan sanno ah gaar ahaan ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay (Neoliberal Failure).

Sababtuna ay tahay in dal waliba dantiisa raacday cid wal oo jilicdasan na uu gabbalkeedu dhacay oo cid caawineysaa aaney jirin iyaga oo is caawiya mooyaan eh. Taas oo macnaheedu yahay in Falestiin iyo Carab aaney tammarineyn amma Muslimiintu si guud aaney sharaf yeelaneyn ilaa inta ay u dhismayaan aqoon ahaan, awood ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Fadlan la soco qaybaha danbe oo toos u gali doona qaddiyadda Bariga Dhexe ee hadda taagan – sida ay ku bilaabantay iyo maraaxilkii ay soo martay ee kala duwanaa dhawaan. Mahadsanidin.

Mohamed Hagi Mohamoud

Leave a Reply

*