Muqdisho: Weriye ku Naf-waayey Qarax loogu Xidhay Gaadhigiisa

Muqdisho: Weriye ku Naf-waayey Qarax loogu Xidhay Gaadhigiisa

Muqdisho(Wakaaladaha:- SLLYoo)-Alle ha u naxariistee Weriye ayaa Shalay Galinkii dambe lagu dilay Magaalada Muqdisho. Wariyahan oo ka tirsanaaa Telefishinka Kalsan ayaa galabnimadii lagu dilay Qarax loogu xidhay gaadhigiisa degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Ibraahim Gaaboow ayaa lagu dilay miino nooca Gaadiidka lagu xidho ah oo loogu rakibay Gaadhigiisa gaarka ah, taasi oo ku qaraxday isla-markaana sababtay Geeridiisa. Goob-joogeyaal ayaa sheegay in Weriyaha dhintay in gaadhiga la saarnaayeen Carruur yar yar oo uu dhalay Saaxiibkii, laakiin waxba kumay noqonin Carruurtaasi. Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta uu ka dhacay qaraxa oo aheyd kawaanka Kallluunka ee degmada Wadajir.

Miinada noocan ah ee qeybta hoose darawalka gaadhiga lagu dhejiyo ayaa ka mid noqotay aaladaha lagu bartilmaameedsado ee dadka lagu khaarajiyo, waxaana hore loogu dilay Weriyeyaal, mas’uuliyiin iyo dad kale.

Leave a Reply

*