Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSO Ee Madaxweynaha Jeegaanta Qaybta 4aad

Siyaasadda Qori-isu-dhiibka + Isbahaysiga NAATO Iyo WAARSO Ee Madaxweynaha Jeegaanta Qaybta 4aad

Qaybta 4aad

Teeda kale, mudadii Xukuumadda KULMIYE dalka maamuleysay, waxa dhacday ama soo baxay hab-dhaqano cusub oo hab-ku dhisan xarfad iyo xeelad  loogu lun-sanaayo dhaqaalaha umadda ee kasoo xerooda cashuurta laga qaado muwaadiniinta taagta iyo tamarta yar, hababkaa budhcadnimada casriyeysan ee dalka ka dhacay, waxa kamid ah nidaamka cashuuraha Madaradka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa, kuwasoo badhna lagu qariyey Iibka Tikidhada, qaarna kalena loola baxay magacyo Hay’addo aan jirin oo aynu ka xusi karno Lacagta Barkin-ka ee afafka Madaarka lagu bixiyo, taasoo ku dhacda Shirkad aan dawli ahayd, isla markaana si aan loo ogeyn cidda leh, hase-yeeshee lala xidhiidhiyo inuu leeyahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Inkastoo nidaamyada ku dhisan is-xulufaysiga Siyaasadda wajiyo badan ay leeyihiin marka si caafimaad qabta loo wado, maaha tallaabo xun, balse hadana marka derejadda isbahaysigu hoos uga soo dego qoomiyad, isla markaana uu gaadho heer qabiil, waxa dhacdaa oo laga dhaxlaa, xaalad adag oo kaba sii xun middii laga caraaraayeey kolkii hore ee is-gaashaan-buuraysiga loo samaystay.

Hadii aynu kusoo noqono Maanta iyo Somaliland, waxa muuqata in hanaanka Asxaabta badan ee alla ha u naxariistee uu seeska u dhigay Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu dhabihii kolkii hore ay ka leexiyeen, taasina ay ahayd mid qorshe ku socotay, oo markii horeba Xisbiga Kulmiye uu ahayd ajende u qarsoon inuu tirtiro hanaanka raadkii Dimuquraadiyadeed ee Marxuum Cigaal unkay, kuna bedelo nidaam qabili ah, oo ku dhisan laba deegaan oo keliya.

Xeeladaha iyo Siyaasadda cunfiga ku dhisan ee aynu soo sheegnay, waxa daliil u ah, Xisbiga Kulmiye markii tallada dalka uu qabtay, waxa uu muran iyo khilaaf ka dhex abuuray Xisbigii UDUB, ee u aas-aaskiisa lahaa Marxuum, tallaabadaas oo Xisbiga Kulmiye  iyo Siyaasiyiintiisu u arkayeen khatar inuu ku yahay, Xisbigaa UDUB oo meesha ka baxa mooyee aanay taabo-qaadi Karin Siyaasadda xulufadda Jeegaanta. Waayo?. Xisbigii UDUB waxa uu taageero ka haystay gobollada dalka oo dhan, isla markaana ma jirin cid si gaar ah sheegan jirtay… Lasoco Cadadka dambe.

 

Naato  iyo Waarso,  Qaybii hore  hadii   ay kudhaafee Fadlan halka hoose  dib  uga dheeho! Kubaadh- Qori isudhiibka   Naato  iyo Waarso

 1.2.3.4—-  lasoco  Qaybaha Danbe

Leave a Reply

*