Xukuumaddii labada reer ahayd Xaaji Ku-wareeji … Xeerkii Gar-adag xiggihii Hoodaale Xaaji Ku-wareeji … Xamar loo carbiyey Xamaasta laynteedda, Xulad qiiqayiyo Xaabo oloolleysa Xaaji Ku-wareeji…”   Abwaan Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil (Abwaan Qiiq)

Xukuumaddii labada reer ahayd Xaaji Ku-wareeji … Xeerkii Gar-adag xiggihii Hoodaale Xaaji Ku-wareeji … Xamar loo carbiyey Xamaasta laynteedda, Xulad qiiqayiyo Xaabo oloolleysa Xaaji Ku-wareeji…” Abwaan Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil (Abwaan Qiiq)

Maansadan kooban, kana hadlaysa munaasibada xil-wareejinta 14-ka December 2017-ka Madaxtooyadda Somaliland, ee ay kula kala wareegayaan hoggaanka talllada dalka Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynihii hore Axmed Siilanyo iyo Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa abwaan Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil (Abwaan Qiiq), waxay u dhigan tahay sidan.

Ma xajiyo nimcada duulkii aan eebbo ku xuseyn,

Xiisadihii waqooyiga ka kacay Xamar markay gaadhay,

Xag kastaba siimadii rintee, xanaf-wareeraysay,

Labadii is-xigay maalintay kala xishoon-wayday,

Xaalbaa keenay umaddeenu inay xero-ka ootaanee,

Geelaba xasuustii horaa lagu xer-geeyaayee,

Xeerbeeg-tii hawlgashayee xidiidka noo taagtay,

Xurmo la’haanshaheedii dalkaan xiiso ku yagleelnayn,

Xaquuq-sugee Dastuurkii ahaa xarafka loo laabto,

Xaquuqdii waxa lagu bedelay xeer Gar-adag yaalee,

Xidigihii wanaaga dhaciyo xaafidnimadiiyee,

Jeegaan xil laa dhalatiyo xulufo-beeneed,

Xad-balaadhsibaa loo ballaamay xalaad abuuree,

Xajiyihii sharcigu Maanta waa Xuun-sho daba-rooree,

Xaagaan Midgo-nimo lagu sidkiyo kuma xujoow-daanee,

Ku wareeji Xeerkii Gar-adag xigihii Hoodaale,

Xadigeeda Somaliland jirida xayndaabta,

Xadka bari xuduudaha galbeed,

Xeebta iyo koon-fur, beelaha xisaab-li’I deggee,

Xaakinku abuuray xuquuq lahashadii dadkiyo,

xeedho ku wadaaga.

Xukunkiyo talladii loo sinnaa caarid iyo xaafid,

Xulushadii dastuuriga ahayd doorasha xalaala,

Xiqdi iyo waxaad dhaafsateen xigasho daayeere,

Xoosh-xoosh ku baantaa Wankii xawda loo jaray,

Xir-fadaha maroorsiga ah iyo xeeladahan qaawan,

Xis-gumaysigaa muuqda iyo wadar-xajiimeynta.

Shacabkan Codkiisi la xaday xabadna loo raacshay,

Waqtigan xasaasiga ah ee damacu xaydhaystay,

Xaqiraadu socon-mayso iyo beenku xoogsiguyee,

Xilku waa wareegtee Ninkaa Xadhiga loo qoolay,

Xukuumaddii labada Reer ahayd Xaaji ku wareeji,

Nidaamkan Xatooyadda ah iyo xaalufkiyo boobka

Xilalkan cid uun loo garteen Xoorka lagu maalo.

Mashaaricdan xayn lagu korshee Xiinka nagu dhaafta,

Ganacsigan xornimo diidee Xaynka lagu qaatay,

Xaamkii dadkee loo sinnaa Xoola iyo moodba,

Xaga buurta xoog iyo banan xeebta waxa yaal,

Xudunihii dhaqaalaha dalkaa xayn yar loo xidhayee,

Xaqul-qalinka iyo dhiig-miirashada kama xishootaanee,

Xeedhadii labadu soo cugteen xaaji ku wareeji,

Mileteerka Xaadkii joogee Sanaada xam-baara,

RRU-da afka xidhata iyo unugta xuuraanka,

Xabsiyadda asluub eegta iyo boolis xubintiisa,

Askar xulashadeedii la yidhi Xaali iyo Taani,

Darejada xiniin kuma helaan xaalad dirireedee,

Dalacaad xigtaysiga gobtaa lagu xariiraayee,

Xidiglaha kornaylkiyo ilaa xadhigla soo raaca,

Xisaab li’ii ciidankii intaa caadir u hor-joogtaa,

Xooga amar siisa waa xaafad keligeedee,

Xoog inuu ku maamulo dalkuu xiiso u qabaayee,

Ku wareeji xamas loo carbiyey xamasta laynteeda,

Xaqla-yaashaa Somaliland nabad ma xooraanee,

Deriskana xumaan kuma dayaan, xaasha abidkoodee,

Xulufada sucuudigu watee, xiinka lagu keenay,

Xeerada Saldhiga Ciidankee xeebta laga siiyey,

Xuuti iyo shabaab-bay dhalaan xulufo waaweynee,

Xurguftii wabiga Niilka iyo Xiisadaa huriyee,

Xasaradihii aduunkoo dhan bay soo xawilayaanee,

Ku wareeji xulad qiiqa-yiyo xaabo Oloolleysa.

Leave a Reply

*