Siyaasadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Way Naanabtay Muddadii Uu Sacad Cali Shire Wasiirka Ka Ahaa Iyo sababta Muuse Mar Labaad jagadaas ugu soo celiyay

Siyaasadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Way Naanabtay Muddadii Uu Sacad Cali Shire Wasiirka Ka Ahaa Iyo sababta Muuse Mar Labaad jagadaas ugu soo celiyay

Siyaasadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Way Naanabtay Muddadii Uu Sacad Cali Shire Wasiirka Ka Ahaa

Dad badani dusha mooyaane hoosta waxaa ka socday kama ay war hayn labadii sanno iyo labadii bilood ee xilka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland uu hayay Dr. Sacad Cali Shire.

Dr. Sacad Cali Shire marnaba ma duudsiyayo, mana dafirayo, mana diidani aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, Dr. Sacad waa dadka afka qallaad loo yaqaano (Technocrat), maaha siyaasi (Politician), haddaad u fiirsato aqoontiisa bilaw ilaa dhammaad, mudane Sacad wuxuu bartay aqoonta ama cilmiga dhaqaalaha beeraha, aqoontiisii koobaad wuxuu ku bartay dalka shuuciga ah ee Cuba oo uu ka qaatay jaamacadda Havana University oo uu ka qaata cilmiga Agronomy economics, markii uu dalka maraykanka u wareegayna wuxuu shahaadooyinkiisii Master iyo PHD ku sameeyey culuumta beeraha iyo qaabka dhaqaalahooda loo maareeyo Agricultural economy.

Noloshiisii shaqo wuxuu inta ugu badan u shaqeeyey Dr. Sacad Cali Shire mac-hadka dalka ingiriiska ee loo yaqaano Chartered Financial Analaysts (CFA), oo ahaa mac-had ka shaqeeya la talinta dhinaca maaliyadda bangiyadda.

Sannadkii 2013 kii isagoo wasiirka qorshaynta qarranka ah ayuu Dr. Sacad wuxuu sameeyey dhokomanti ay loo bixiyay (Somaliland fact sheet), kaasi oo ku arooraayay shir ay wakhtiga lagu qabtay guriga madaxtooyada oo lagu sheegay in xukuumadii 2 sanno iyo badhka jirtay ay %70 wixii loo igmaday dhamaystirtay.

Haddaad u fiirsato qoraalka Somaliland Fact Sheet lagu xardhay, oo loo diray dalalka deeq bixiyayaasha ah ee Somaliland dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ka kaalmeeya wuxuu siinaya sawir ah inay Somaliland meelo badan isku kalsooni baaxadleh ka gaadhay oo aanay u baahgnayn wax gacan qabasho ah, waxaa ku jira goobo uu Dr. Sacad Cali Shire xita ku sheegay inay Somaliland ka baxday hanaanka loo yaqaano (Humanitarian) oo ay gashay hannaanka loo yaqaano (Developing).

Waana ka keenay ama sababay in barnaamijyadii gargaarka ee midawga yurub, qaramada midoobay iyo IGAD ee saldhigoodu ahaa Hargeysa, Muqdisho loo raro, ugu yaraan 2500 oo shaqooyin ah oo Hargeysa saldhigoodu ahaa, ayaa shan sanno gudahood uga guuray Xamar, waxaana ay keentay in dhalinyaro reer Somaliland ku shaqo beelaan, oo dib Xamar shaqo loogu raadsado.

Arrinta kale ee Dr. Sacad Cali Shire dhinacna u loodin waayay labadii sanno iyo labadii bilood ee uu xilka wasaaradda arrimaha dibadda joogay ayaa ah, inuu ku fashilmay inuu dhiso qorshe (road map) ay Somaliland qaddiyadeeda kaga dhaadhicinayso bulshada caalamka, wuxuu qoray buug yar oo loo bixiyay (Somaliland information kit kat), waa ninka yidhi buuga ha loo qaybiyo dalalka dibadda.

Sannadkii 2008-dii waxaa Hargeysa yimid wefdi uu hogaaminaayay ku xigeenkii koomiishanka midawga Afrika Patrick Ogera, waagaasi waxay joogeen Somaliland muddo laba usbuuc ah oo ay ka qoreen dhokomantigii ugu horeeyey ee taariikhda Somaliland intay jirtay la qoro, waxaana ay dhokomantiga u geeyeen xarunta midawga Afrika, oo ay hor geeyeen dhawr dawladood, nasiib darro dawladdii marka ka jirtay Soomaaliya ayaa ka ololaysay, waxaana warbixintaasi (That report) ay ku hakatay xafiiska guddoomiyaha midawga Afrika, waxaanan aaminsanahay maanta haddii warbixinta laga hawlgali lahaa in la dhaqaajiyo oo loo ololeeyo, inay Somaliland qaddiyadeedu mandaqadda Afrika gaadhi lahayd, Dr. Sacad Cali Shire wuxuu curyaamiyay safaaraddii Somaliland ee dalka Ethiopia, oo ilaa intii uu xilka joogay aan safiir hagaagsan lahayn.

Dr. Sacad Cali Shire sababta qudha ee hadda loogu soo celiyay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waa arrinta Dubai Ports World (DP WORLD), nasiib darrada jirta waxay tahay in siyaasaddii arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku soo uruurtay DP World.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Technocrat uma baahna eh waxay u baahantahay a real politician

Mohamed Abdi Hassan Diridhaba

 

 

Leave a Reply

*