Ma Somaliland baa dhaymo u baahan, mise Muusaa isna dhaymo u baahan?

Ma Somaliland baa dhaymo u baahan, mise Muusaa isna dhaymo u baahan?

Shaki kama jiro ninkasta oo garoonkaa kubada siyaasada lagu ciyaaraayo usoo banbaxa inay gaadhayaan dhaawacyo culusi habeen iyo maalinba, Soomaaliduna hore waa tii ugu maahmaahi jirtay  “Nin xil qaaday eed qaad„ Madaxweynaha  hada Shankaroonland ee  siduu ku soo baxay muranka badani ka joogo waxaa soo gaadhay dhaawacyo halisa oo badan.

Muuse tan iyo intii Shankaroonland jirtay wax caaya oo habaara mooyee maynu arag wax amaana oo, markaynu  eegno taariikhdiisii SNM waxay saaxiibadii waliba kuwa ugu dhawi sida Cali Guray iyo kuwo kaloo  badani mariyaan burush xaarleh, ilaa ay gaadhsiiyaan inuu iskuba dayey dilka madaxweynaha  uu badalay oo waagaa ahaa gudoomiyihii SNM.

Hadaynu u nimaadno taariikhdii intii Somaliland soo jirsatay waxaa Muuse lagula dul kufaa dhamaan   eedihii dagaalkii sokeeye oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaaso 7000- 10000 sidoo kalena lagu waayey hanti aan cadad lahayn  oo mood iyo noolba ah.

Tan iyo intii hanaanka dimuquraadiyada aynu qaadanay wuxuu Muuse iyo kooxdiisu ku eedaysnaayeen inay hanaankii dimuquraadiyadaba afduubayaan iyagoo u leexinaya qabiil iyo kala qoqobid dadkii la rabayba in laga kaxeeyo nidaamka qabiilka . Waxay maanta Muuse iyo kooxdiisu bulashadii reer Somaliland kala dhexdhigeen utin iyo uur ku taalo aan waligeed hadhayn. Waxaa maanta ereybixinadii siyaasada ku soo biiray ereyo ay kamidka yihiin Gaashaanbuur iyo Jeegaan, kuwaas oo ah wax runtii laga yakhyakhsoodo.

Markaynu horteena dhigno  taariikhdii Muuse ee  SNM iyo sidii la inoogu sharxay, markaynu u nimaadno taariikhdiisii uu ku lahaa wixii ina kala gaadhay, markaynu manta eegno siday umadeenii ukala irdhawday waxay suaashu tahay: Waa kuma kan ina dawayn rabaa?  Miyaanu ahayn kii shalay aydin idinku nooga dardaarwarinayseen? Miyaanu ahayn kii aydin idinku waxba aydaan ula kala hadhin? Hadaanu wixii horeba ka nimaadno jiilkayaga maanta nool miyaanu ahayn kan nakala  irdheeyey ee Bari iyo Galbeed noo kala jaray? Sidee suura gal u noqon kartaa inaad iga  dhaadhiciso   kii shalay aad igu tidhi irbada xanuunka isagaa kugu muday inaad maanta hadana i tidhaa isagaa ku dawayn? .

Waxba yuu hadalku ila sii durkine laba qaawani isma qaadee Somaliland way buktaa aadna waa u sakaraad oo waxaa qoonmay midnimadeedii iyo  ahaanshiiyaheediiba  waxaanay u baahantahay in la dhigo qolka qaliinka degdega ah   se dhakhtarka  maanta  loo  dooray inuu daweeyo  intaan iyada dhaymaheeda lagu  mashquulin isagu marka hore  ha isasoo dhayo Somalilandna waxaan qabaa inay weli sii rafan  karto hadii aanay nabaradaasi hamabaabuqin  waxa qudha oo ay u baahantahay mudadaa kala guurka ahina waa kaar jabin se suuragal maaha inuu Muuse daweeeyaa sidaas darteed waxaan odhan lahaa kooxda Muuse dawo inooga dhigayow

Cudurka kaa gala  Fardaha
Hadii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayee
Anoo weli kuu gedbixin
Gaddheer bay saarantahay
******    *****      ******

Leave a Reply

*