HABKA UU U DHACO MUSUQMAASUQA DAKHLIGA QARANKU

HABKA UU U DHACO MUSUQMAASUQA DAKHLIGA QARANKU

HABKA UU U DHACO MUSUQMAASUQA DAKHLIGA QARANKU

Musuqmaasuqa dakhliga qaranka hababka ay ugu suurto gasho masuuliyiinta xilka qaranka haya waxaa ka mida 1. Mushaharka shaqaalaha dawlada iyo 2. Kharashka adeega hawsha .

MUSHAHARKA SHAQAALAHA DAWLADA
Sidaynu ka warqabno miisaaniyada qaranka ee guud 50% waxaa loo qorsheeyaa oo lagu bixiyaa mushaharka shaqaalaha haayadaha qaranka .
Sanadkii 2015 guud ahaan shaqaalaha dawladu wuxuu ahaa 15 ,273 (Shan iyo tobon kun laba boqol sadexyo todobaatan ) qof yagoo ku kala darajaysan sidan :

Hadaba masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradaha ama Haayadaha dawladu waxay lunsadaan 72 % dakhliga miisaaniyada qaranka ee mushahar shaqaale aan jirin ugu jirta .
Markaan mudo dabagal badan ku sameeyay waxaa ii suurto gashay inaan ogaado .
In Wasiirka iyo agaasimaha guud ay si gaara u samaystaan jeega lacag bixinta iyo payment voucherka uguna qoraan mushahar shaqaale aan jirin dabadeedna u gudbiyaan wasaarada maaliyada , markay saxeexaan masuuliyiinta wasaarada maaliyada iyo xisaabaadka qaranku waxaa jeegaas si toosa u qaada masuulka u sareeya haayadaas ama wasaaradaas oo aan u ogolaan cidkale dabadeedna banka la taga sidaana lacagta kulabaxa isagoo shaqaalaha u fududaynaya hawshana siiya lacago yar yar .

Somaliland 26 sano ee ay jirtay waxay soo maraysay marxalado kaladuwan marxaladahaas ayaa waxay abuureen in masuul kasta oo soo mara wasaaradaha ama haayadaha dawladu uu qoro shaqaale cusub kuwaas oo aan si rasmiya u shaqayn xafiisyadii loo qaatay islamarkaana aan laga saarin liiska shaqaalaha markuu qofku ka tago wasaarada ama uu dhinto ilaa ay gaadhay heerka maanta ay taagan tahay oo ah in shaqaale aan jirin ama magac been abuur ahi uu ku jiro liiska shaqaalaha haayadaha dawlada .
Qaab dhismeed ama nidaamka shaqo ee haayadaha dawlada ee heer gobol iyo mid guud ba oon dhisnayn ama aan shaqayn islamarkaana shaqaalaha ka shaqeeyaa malaha waa jibaadkii shaqo (job-description).
Madaxda sare ee wasaaradaha heer gobol iyo wixii kasareeya oo mudada ay xilka hayaan aan dhisin wax nidaam ah oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dawladu.

Tusaale ahaan xog ururin aan ka sameeyay gobolka togdheer waxaa ii suurto gashay inaan ogaado lacagta mushaharka shaqaale ee loo diro isuduwayaasha gobolka u jooga wasaaradaha ama Haayadaha wuxuu lunsado iyo intuu shaqaalaha rasmiga ee u shaqeeya siiyo .

Anigoo ka duulaa inaan si dhab ah u darso shaaqalaha ka hawl gala wasaaradaha iyo haayadaha waxaa ii suurto gashay inaan helo,
Shaqaalaha guud ahaan uga diwaan gashan haayada shaqaalaha, wasaarad kasta oo gobolka Togdheer ka hawl gasha.
Shaqaalaha si rasmiya uga shaqeeya xafiisyada wasaarada/haayada ee guta hawl maalmeedka maalin walba ka dhaca xafiisyada.
Waxaa iyaguna jira shaqaale ku meel gaadh ah (temporary) oo caawiya shaqaalaha dawliga ah ee diwaan gashan si ay shaqada xafiiska u bartaan.
Hadaba sidaad ku arki doontaan shaxdan hoose waxaa si toosa aan u helay shaqaalaha dawlada u diwaan gashan laakiin aan ka shaqayn xafiisyada dawlada ee gobolka Togdheer , taasoo ay sabab u yihiin qodobadan hoos ku xusan :

Sidaa shaxda sare ku aragteen wasaaradaha intooda badan waxaa ku qoran zero (0) waxay ka dhigan tahay malaha xafiis ay ku shaqeeyaan gabi ahaanba ma jirto gobolkaTogdheer.
Shaxdan iyo chartkan hoose waxaan ku eegi doonaa boqolkiiba shaqaalaha shaqeeya dhamaan wasaaradaha ama haayadaha gobolka Togdheer iyo boqolkiiba shaqaalaha aan shaqayn dhamaan wasaaradaha/haayadaha gobolka Togdheer .

KHARASHKA ADEEGA HAWSHA IYO DHISMAYAAL
Miisaaniyada qaranka ee wasaaradaha ama haayadaha 50% waxay ku baxdaa kharashka adeega hawsha iyo dhismayaal .
Masuuliyiinta u saraysa wasaaradaha ama haayadaha dawladu waxay soo xushaan ganacsadayaal ay heshiis ku yihiin in ay buunbuuniyaan qalabka ay dawlada ka iibinayaan ama kharashka ku baxaya dhismaha ay u dhisayaan . taasoo ay kala qaybsadaan lacagtaa faraha badan ee ay dawlada wax kaga ii biyeen ama ay adeeg ugu qabteen .

Hadaba waxaa u suuro galinaya musuqmaasuqa dakhliga qaranka masuuliyiinta haayadaha dawlada :
Miisaaniyada qaranka iyo habka xisaabaadka oo ilaa intii Somaliland ay jirtay aan la horumarin taasoo sababtay in ay u fududaato musuqmaasuqa tusaale ahaan wasaarada maaliyadu waxay u diyaarisaa oo ay isticmaashaa qaabkan soo socda oon nidaam ahaan ku urursan qaybahan wasaarad kasta laakiin aan ku faahfaahsanayn nidaam ku qorshaysan gobol ama hawl ujeedadu caday .
Mushaharka shaqaalaha .
Guno Shaqaale iyo habeen dhax (perdium )
Shidaalka gaadiidka .
Gunooyinka shaqaalaha .Jaraaid , Gaadiid cusub , Dhismayaal cusub , Dayn hore , Allaabta ama stationaryga xafiisyada .
NB: Nidaamkaa miisaaniyadu u taalo waxaa sameeyay Alle ha unaxariistee Madaxwaynihii hore Maxamed X.ibrahim Cigaal oo isagu ugu talo galay inuu wasiir kastaa ka shaqeeyo nabad galyada Reerkiisa iyo odayaashiisana uu dhaameelka ugu daadiyo si loo sugo amniga qaranka oo ahaa markaa hadafka guud ee la hiigsanayay .

TALO SOO JEEDIN (RECOMMENDATIONS)

Sidaynu kawada warqabno qaran wuxuu dhismaa ama horumaraa markay haayadaha dawladu si fiican ugutaan shaqada ay qaranka u hayaan , somaliland waxay maanta u baahan tahay in la dhiso qaab dhismeedka shaqada haayadaha dawlada ilaa heer gobol .
Hadaba waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in madaxwaynuhu uu awood badan siiyo islamarkaana si fiican loo dhiso labadan haayadadood ee kala ah :
1. ) Haayada Shaqada Shaqaalaha& Maamulwanaaga
2) Wasaarada Maaliyada.

HAAYADA SHAQADA , SHAQAALAHA IYO MAAMUL WANAAGA
Sidaynu kawada war qabno qaranku wuxuu leeyahay haayada shaqaalaha oo shaqadeedu tahay shaqaalaha haayadaha qaranka Somaliland , sida uu dastuurka Somaliland dhigayo waa haayad dastuuri ah oo lagu ladhi karo ama lagu kordhin karo hawlaha qaranka horumarinaya ee uu madaxwaynuhu garto .
Anigoo madaxwaynaha qaranka Somaliland usoo jeedinaya waxaa talo ahaan soo jeedinayaa in laysku daro Haayada shaqaalaha , haayada maamul wanaaaga iyo qaybta shaqada ee wasaarada qoyska iyo shaqada si ay u noqoto Haayada Shaqada Shaqaalaha iyo maamul wanaaga .
Haayada shaqada, shaqaalaha iyo maamulwanaagu waxay dajinaysaa siyaasada ama nidaamka shaqada shaqaalaha haayadaha dawlada Somaliland yadoo haayad kastaa yeelanaysa qaab dhismeed ilaa heer gobol ah mustaqbalkana lagu fidin karo ilaa heer degmo islamarkaana ku daba galaysa fulinta iyo daadajinta shaqada haayadaha qaranka Somaliland .
Haayada shaqada shaqaalaha iyo maamulwanaagu waa in ay is waafajisaa baahida haayadaha qaranku shaqaale aqoon leh u qabaan iyo baahida shaqola’aaneed ee dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool gobolada Somaliland . Tusaale ahaan xog ururintan aan ka sameeyay haayadaha dawlada ee gobolka Togdheer waxaan ku helay in 330 shaqaale ah loo baahan yahay markaan sameeyay qaab dhismeedka haayadaha dawlada ee gobol Togdheer anigoo ka tix raacay xafiisyada dawlada dhexe ee hargeisa iyo mabaadiida ay u dhisan yihiin qaran ahaan .
WASAARADA MAALIYADA
Wasaarada maaliyadu waa halbawlaha uu qaranku ku horumaro hadii ay ku dadaasho ilaalinta iyo dabargoynta musuqmaasuqa yadoo si wada jira u kaashanaysa haayada shaqada , shaqaalaha iyo maamulwanaaga iyo Wasaarada qorshaynta Qaranka Somaliland , isla markaana raacaysa nidaamka iyo baahiyaha u qorshaysan haayadaha dawlada .
Wasaarada Maaliyadu waa in ay dajisaa Xeerka maamulka iyo maaliyada ee ay raacayaan haayadaha dawladu wakhtiyada samaynta miisaaniyada iyo wakhtiyada ay isticmaalayaan lacagaha loogu talogalay hawlaha haayadaha dawlada u qorshaysan .
Wasaarada Maaliyada gaar ahaan Xafiiska Xisaabiyaha guud ee qaranku waa in uu si dhab ah u raacaa xeerka maamulka iyo maaliyada isagoo adeegsanaya waaxaha xafiiska xisaabaadka qaranka ee haayadaha dawlada wakhtiyada lacag bixinta , iibsiga Agabka iyo ilaalinta hantida qaranka .
Xeerka Maamulka iyo Maaliyadu wuxuu qayb laxaad leh ka qaadanayaa ama uu halbawle u yahay daadajinta shaqada haayadaha dawlada iyo ka midho dhalinta hadafka horumarinta qaranka , xeerkan oo faahfaahsana waxaad ka dheehan kartaa buug aan ka qoray qormadan .
WAXAA DIYAARIYAY: IID ISMAIL CABDI
TELEPHONE: 063-4421588
Email: iid4001873@gmail.com

Leave a Reply

*