Madaxtooyada  Somaliland oo lasheegay in ay Ciidama Beeleed Qoratay

Madaxtooyada Somaliland oo lasheegay in ay Ciidama Beeleed Qoratay

Somaliland waxa banaan usoo baxay warar sheegay in Madaxtooyada Muuse biixi ay Qoratay Ciidamo gaara kuwaas oo badalaya Ciidamada Qaran ee isku dhafka ah ee ilaaliya Madaxtooyada Somaliland Ciidamadan oo Laqoray 23 Sanno hor ayaa waxa aaminay oo ay ilaalin jireen Sadexdii madaxwayne ee muuse biixi kahoreeyay, lama oga sababta uu Ciidamo gaara u Qoranayo Muuse biixi balse sida ay Warar hoose ku heshay SomalilandLive Media Muuse Biixi iyo Gacanyaraashiisa ayaa Shaki badan kaqaba Aamaanka iyo Daacadnimada Ciidamada Qaranka ilaaliya madaxtooyada kuwaas oo Sida lasheegay ay kuyaryiin Qabiilka Madaxwayne Muuse Biixi, wararka waxa ay intaas kudareen in Cabdi Yusuf Aar oo isagu leh SagalJet oo ah Madbacadii Waraaqaha Been abuurka ah udaabacday Muuse Biixi wakhtigii Doorashada lagu jiray uu Arinta Madaxtooyada uqaabilsanyay Wakhtiga waxana uu Deegaanada Gabilay hoosiyimaada ujooga qorista Ciidan beeleed.
 
Ciidamadan ay Madaxtooyadu Qoratay ayaa ah Xul Sooc ah oo kasoo jeeda Beelaha ay jeegaantu kakoobantay oo kaliya, Shalay ayay ahayd markii la arkay Ciidama aan hore loo arag oo Dirays kala nooca kulabisan oo Muuse Biixi Salaan kusiinaya madaarta ciidamadan ayay kamuuqatay Xirfad yaraan iyo in dhawaan Shaqada Laqoray, waxana Dadka Qaarsheegeen in Ciidamada laga Sooqaatay Xerida Dararwayne oo tabar uga socday yihiina ciidamado Cusub oo Madaxwaynuhu dhawaan Dalbaday Amuurtan ayaa Karaamo dhac ku ah Qiidamada Qaranka Somaliland oo 24 Sanno hada Jirsaday Muuse Biixi ayaa ah madaxwaynihii ugu Horeeyay ka aamin Baxa Ciidamada Qaranka Somaliland
 
Resouce SomalilandlIve.com 

Leave a Reply

*