MAXAY HESHIIS KU YIHIIN WASIIRKA MAALIYADDA IYO MAAMULAHA KASTAMKA UGU DHAAQAALAHA BADAN EE BARBARA

MAXAY HESHIIS KU YIHIIN WASIIRKA MAALIYADDA IYO MAAMULAHA KASTAMKA UGU DHAAQAALAHA BADAN EE BARBARA

Hatheysa-(SLL) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda soamalilanad Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Maamulaha Kastamka Barbara Cabdiraxmaan Cirro oo hore uu Wasiirka Maaliyadu ugu ahaan jiray Maamule ku xigeenka Kastamka Kala-bayd Wakhtigii Xukumaddii Madaxwayne Siilaayo ayaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen musuq maasuq haddana markii uu wasiirka Maaliyadda noqday uu u yeedhay Cabdiraxmaan Cirro una dhiibay saaxiibkiisa ay is-dabeecad fahmayaan Kastamka ugu Dakhliga badan waddanka ee Barbara.

Talaabadan ayaa waxaa si adag ugu dareen celiyay qaar ka mid ah dadka aqoonta u leh laban masuul waxaana uu indho qarsi ku fushay Magacaabistiisa,

Wasiirka Maaliyada ayaa intii uu wasiirka ahaa waxaa markii ugu horaysay uu soo bandhigay miisaaniyad muddo dhaaf ah oo in badan ka hoosaysa tii sanadkii hore ay soo badan dhigtay wasiirkii uu Xilka kala wareegay ee Samsam Cabdi Aadan,

Dhinaca kale waxaa uu wasiirkan sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu soo waydiiyo Dakhliga ku jira Khasnadda dalka waxaanu sheegay in ugu yaraan uu Muuse Biixi arrinka waydiiyo Afar jeer maalintii taasina ay keenayso in Sirtii Dalka uu ku faahinayo Marfashyada uu fadhiisto wasiirkani,

Lama garanyo waxaa keenay in wasiirka maaliyadu xiligan uu sheego xidhiidhka dhex mara isaga iyo madaxwayaha Somaliland, halka iyana tuhan musuq oo xoogan ay hor seedi karayso sabab mar kale saaxiibkiisii musuqa loogu eryay ee Cabdiraxmaan Cirro uu ugu Magacaabo Maamulaha Kastamka Barbara

N:B:-

Waxaanu idinla wadaagi doonaa qormooyin ka hadlaya arrimo kala duwan oo qayrul sharci ah oo uu ku dhaqaaqay wasiirka maaliyadu iyo qarashaad waxyeeli kara wadda noolaansha bulshadda Somaliland oo uu bixiyay

Fillo Wacan

Leave a Reply

*