Xafadihii 18 May Frankfurt/ Kassel Jarmalka  12.05.2018

Xafadihii 18 May Frankfurt/ Kassel Jarmalka  12.05.2018

Xafadihii 18 May Frankfurt/ Kassel Jarmalka  12.05.2018

Waxa   Magada  Riedstadt/ Frankfurt  lagu qabtay Musaanasibada loogu  dabaal degayay 27guurada  kasoo Wareegtay Madaxbanaanida Jahmuuriyada Somaliland, Xafladna woo Wakhtigeedii laga soo horumariyay Maadama 18May  kubeegantay Bilawga bisha Ramadaan   Sannadkan,  ayaa waxa ay  kamid  ahayd  laba Xafladood oo lagu   kala qabtay  guud ahaan Dalka Jarmalka, Dabaaldegii FrankfurtRiedstadt  oo ahayd midii aan   kaqayb   galay waxa  soo abaabulay dhalinyaro  Mabdiga Somaliland  mideeyay     Balse  gobolo  kala duwan oo Somliland ah kasoo jeeday,  waxana ay dedaal badan galiyeen Qabsoomida Xaflada  Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland  ee Jarmalka Mustafe Mumin ayaa  sidoo  kale  Abaabulka   iyo Qaban qaabada Munaasibada Doormuuqda  kulahaa.

Xaflada  waxa  kasoo qayb  galay  masuuliyiin    tiro badan oo kasocday  Qaybaha   kala  duwan ee  Somaliland Xukuumada, Asxaabta Mucaaridka    ah  hogaamiyaasha Ururada Dhalinyarada  Somaliland  Wakiilka  Somaliland  ee Jarmalka   iyo Hogaanka Jaaliyada  Somaliland.

 

Sidii  ay   udhacday!

Xafladu aad ayay uga  duwanayd   kuwii dhowrkii sanno   lasoo dhaafay    lagu qabtay  dalka  jarmalka kuwaas oo intooda  badani  buuq iyo  isqabqasi kusoo dhamaan jiray, Qaab amaan ah   Farxad iyo Damaashaadleh ayay   kudhamaatay   mana jirin  wax  is maandhaaf ah oo goobta  kadhacay intii Xafladu  socotay,   inkasta oo Hoolka  Xafladu kasocotay  iyo Dadkii  yimi ay  kala bateen  taas oo Sababtay in   Dabadani Bananka ay uga  soobaxaan  Goobta Xafladu  kasocotay  Kulayl  darteed

 

 Masuuliyiintii Hadashay,

 Wasiir Kuxigeenka  Arimaha Debeda  Somaliland:

 Liiban  Yusuf

Wakiilka Somaliland ee Jarmalka

:Abdi fataax Cisman Cigal

G.Kuxigeen kii hore   Gobolka  Togdheer

:Guuleed Dahir Samatar

Gudoomiyaha Gabarka Haweenka ee Xisbiga Waddani

:Maryan Ahmed Cali

Gudoomiye  Xisbiga Kumiye   Jarmalka

:Axmed Cabdilaahi

Danjiraha Ururka Dhalinyarada  Somaliland  ee Heer Qaran Sonyo

:  Jamac Cabdi Giire

Gudoomiyaha Jaaliyda Guud Somaliland

 Mustafe Cabdiraxman Muumin

Xoghaya Xisbiga UCID Jarmalka

Sharmaarke  Cabdi  Qolonbi

 

Masuuliyiinta ayaa  dhamaantood  kudheeraday Qiimaha ay Qaranka  uleeday Munaasibada   18may, Ilaalinta  Midnimada iyo Wadjirka Bulshada  Somaliland,  Xuska Munaasibada  18may oo  Sannad kusoo beegantay    wakhti  dalka ay  qabasoomeen Doorashooyin Muran Badan  dhaliyay  sidoo  kalana ay  kadhasheen  Dhilaafaad  soo jiitamay  iyo Tafaraaruq  dhanka  Bulshada  dhexdeeda ah ayaa  waxa ay MunaasibadaXuska 18 May  dib u Midaysay Quluubta Bulshada  Somaliland, Jarmalka ,  Xaflad   tan oo kale  ah ayaa  isla  Habeenkaas  iyana  kaqabsoontay   Magaalada  Kassel    ee isla  Jarmalka, Xaflda oo  ay  iyana    gaadheen Goordanbe Wasiirka kuxigeenka  Arimaha D. Somaliland Liiban Yusuf   iyo  Wakiilka Somaliland    Jarmalka Cabdi Fataax Cismaan ayaa  qaab Nabad  Gelyo  ah kusoo dhamaatay  inkasta ooo iyana       Dadkii kasoo qayb   galay  iyo hoolkii  Munaasibadu     kala bateen,  Amuuranta  labada Xafladoodba  kasinaayeen  waxa  ay Calaamad   utahay  sida    ay Bulshada  Somaliland   ugusoo badatay Dalka Jarmalka  waana  arin  ubaahan in Mustaqbalka  dhow  Qorshaha lagu darsado sidii goobo Munaasib ah  loogu  qaban lahaa  Xuska noocan   oo kale ah,

 Lacagtii lagu  Galayay!

Ugu Danbayntii waxa ay    Labada  Xafladodoba  kasinaayeen  Qarasha  laga Qaadayay Dadka  Soogaliya   taas oo dhamayd  20€   waa  qiimo  aad  usareeyay     Dadbadana  kacawdeen  Lacagtan Munaasibadahan  laga Ururiyo iyaa inta badan  dib ugu baxda Qarashaad Xoogle oo marka hore Abaabulka Xaflada lagaliyo taas oo  keenta in  ay aad uyaraato Macaashka  ay  kahelaan Dadka Abaabula  Munaasibada Xuska 18 May  ee Somaliland  waxana  Sanooyinkii  Danbe    loobanayayn qaab Macaash Doon ah”   taas oo dhaawac  kukeentay Qiimaha Xuskan   iyo Wadajirka Bulshada Somaliland  ee  Jarmalka

Intii  aaan goobta  joogay waxa ay indhahaygu Qabteen Dhalinyaro   10tobaneeyo   kudhawaa  oo dhamaantood   Kacabanayay  Qiimaha  Lagu Galayo Xaflada

Mid kamida dhalinyaradaas oo Codsaday in aanan Magaciisa laxusin ayaa  Yidhi,

” Waxa  aan kazoo safray  Masaafo  fugo    Markii aan  Frankfurt imina waxa aan ogaaday in ay Xafladu kadhacay Meel  Banaanka  ka ah Magaalada Frankfurt waxana  aan ubaahday in aan  Markale   goosto  tigidh Tareen   balse Lacagtii aan haystay  ee  aan Safarkayga   soo socod iyo Sii Socodba ugu  talogalay  waa  uu ii gaadhi waayay in aan   markale  goosto  tigidhi  iyo in aan iska  bixiyo Lacagta lagu   galayo Xaflada oo qaali, hadii aan Bixiyo 20€  ee hada lagu  galayo  Mahaysto Lacag aan Beri  dib ugu laabto waana Sababta  aan halka utaaganay”

 

inkasta oo ay Dhalinyaradaas markii danbe  Qaab Bilaash ah lagu siidaayay hadana  Dhowr Saacadood ayay Xaflada Hortubnaayeen.

 

Eid Aden  Frankfurt

Somalilandlive Media

Leave a Reply

*