Madaxweyne Biixi oo Hormaddii ugu Horreysay ee Isku Shaan-dheyn ah Ku Sameynaya Xukuumaddiisa, Mas’uuliyiin Ka Tirsan Waddani oo Xilal

Madaxweyne Biixi oo Hormaddii ugu Horreysay ee Isku Shaan-dheyn ah Ku Sameynaya Xukuumaddiisa, Mas’uuliyiin Ka Tirsan Waddani oo Xilal

Madaxweyne Biixi oo Hormaddii ugu Horreysay ee Isku Shaan-dheyn ah Ku Sameynaya Xukuumaddiisa, Mas’uuliyiin Ka Tirsan Waddani oo Xilal

 

Madaxweyne Biixi oo Hormaddii ugu Horreysay ee Isku Shaan-dheyn ah Ku Sameynaya Xukuumaddiisa, Mas’uuliyiin Ka Tirsan Waddani oo Xilal Lagu Taxi doono iyo Wasiiro Macasalaameynaya Saaxadda Siyaasadda

“Wasiiro uu Ka Mid Yahay Guri-barwaaqo oo Kuraasta Baneynaya iyo Xildhibbaan Ibraahim Buubaa oo Loo Magacaabayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland.”.

Hargeysa(SLL):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in toddobaadka dambe uu hormadii ugu horreysay ee isku shaan-dheyn ah uu ku sameyn doono Xukuumaddiisa oo hada jirtay muddo Lix bilood ah ka dib markii lagu dhawaaqey in uu ku guuleystay Doorashadii dalka ka qabsoontay 13kii November ee 2017.

Ma jiraan illaa hada warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka Madaxtooyada balse sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen wargeyska Waaberi, ayaa sheegaya in ay hada miiska saaran tahay isku shaan-dheynta kama dambeysta ah ee Madaxweyne Biixi ku kala xulan doono golahiisa Xukuumadda iyada oo uu sameyn doono magacaabisyo cusub, eryid iyo isku bedallid ba. Waxa kale oo ay wararku sheegeen in hormadan ugu soo horreysaa ay ku koobnaan doonto wasiiro ka mid ah Xukuumaddiisa oo muddooyinkii dambe siyaabo kala duwan loogga hadal hayey fagaareyaasha siyaasadda.

Dhanka kale, wargeyska Waaberi oo u kuur-galay cidda ay noqon doonaan wejiyada cusub ee soo fuuli doona saaxadda siyaasadda iyo kuwa macasalaameyn doona Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa waxa ay xogahu iftiiminayaan in aad loo saadaalinaayo in Madaxweynahu uu shaqada ka eryi doono wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo weli ba sida oo kale wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland. Iyada oo sida la sheegay la magacaabi doono siyaasiyiin caan ka ah Somaliland oo qaarkood ay hore xilal uga soo qabteen Xukuumadahii hore halka qaar kale oo ka mid ahi na ay hada ka tirsan yihiin Xisbiga WADDANI.

Sida wararku tibaaxayaan, ayaa waxa ay sheegayaan in hormadan ugu soo horreysa ee isku shaan-dheynta Madaxweyne Biixi ay ka soo dhex-muuqan doonaan Siyaasi Maxamed Nuur Carraale(Duur), Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje iyada oo sida oo kale na ay wararku xaqiijiyeen in Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa loo magacaabi doono wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland balse illaa hada ma cadda meelaha loo magacaabi doono siyaasiyiinta kale.

Xigasho:-wargeyska Waaberi.

Leave a Reply

*