Dhalinyarada Garxajis Ee Gobolka Maroodijeex Oo Qaadacay Shirka Uu Ku Baaqay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Iyo Shirka Gacanlibaax Oo Ay Taageereen

Dhalinyarada Garxajis Ee Gobolka Maroodijeex Oo Qaadacay Shirka Uu Ku Baaqay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Iyo Shirka Gacanlibaax Oo Ay Taageereen

Hargeysa (Waaberi/ SLL) Dhanlinayarada koonfurta iyo Bariga magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga soo horjeesta shiruu dhawaan ku dhawaaqay Suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland, waxaanay sheegeen inay taageero u muujiyey shir weyna Beesha Garxajis oo lagu waddo inuu todabaadka dambe ka furmo Buurta Gacanlibaax .

Dhalinyarada oo habeen hore xaflada ballaadhan ku qabsatay magaalada Hargeysa,  ayaa si midaysan u taageeray shir weynaha Beelaha Garxajis ee lagu wada inuu ka dhacay tobaadkan soo fooda inagu soo haya Buurta Gacanlibaax, iyagoo qaadacay shirka uu ku dhawaaqay Suldaan Maxame Cabdiqaadir“ Haddii aanu nahay dhalinyarta Beesha Ciidagalle , Xukuumadda Muuse Biixi waxaan leeyahay dhammaan ummadda Somaliland ku nool oo dhami waxay qabsadeen shirar ay kaga tashanayaan aayahooga , shirkanina kama duwana shirarkaa ay qabsadeen dadka ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland, waxaanu taageersanahay shirka midnimada  beel weynta  Garxajis , waxaanu dhicidoonaa xiligii loo qorsheeyey cidina hor istaagimayso . “ Ayey yidhaah-deen

Waxaanay intaasi ku dareen “Dhalinyartu waxay halkan iskugu timi inay ku taageerto shirka ka dhicidoona  Gacanlibaax ee horeba loogu dhawaaqay , waxaan leenahay Suldaan Maxamedow shirkan adaa ku dhawaaqay , markaasaad haddana diidey ciyaartaadaasi waxa weey xaasid xaasidkii  aynu ciyaari jirnay 2003-kii ee ka noogu caqliga liitaa uu ciyaari jiray.”..

Dhanlinyartana ayaan ku celiyey  inay ayid san-yihiin shirka Beesha Garxaji ee Gacanlibaax ka dhacaya “Waxaan soo dhaweynayaa shirkan halkan la iskugu yimi oo ay tahay ujeedadiisu inaynu taageerno  shirka ka dhicidoona buurta gacan-libaax ee Garxajis weyne, haddii aanay nahay Beesha Garxajis ee halkan fadhida aduunka korkeeda meel walba joogta shirkaa waanu taageersanay waananu soo dhaweynaynaa, dhammaan guddo iyo debad-ba reeli ayaanu ka nahay waananu ku qanacsanahay waanu dhacayaa waanu soconayaa  wax is hortaagi karaana ma jiro.”…

Leave a Reply

*