Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Bookhdey Haweenay  Reer Somaliland Ah Oo Lagu Sooo Dhaawacay Garoowe .

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Bookhdey Haweenay Reer Somaliland Ah Oo Lagu Sooo Dhaawacay Garoowe .

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Bookhdey Haweenay  Reer Somaliland Ah Oo Lagu Sooo Dhaawacay Garoowe .

“Gabadha Waxa ku Dhac-day 14 Tooriyood..”… Agaasime xigeenka Cisbitaalka Hargeysa 

Hargeysa (Waaberi/ SLL)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cisbitaalka Guudlee magaalada Hargeysa ku bookhday mid kamid ah labadii Gabdhood ee reer Somaliland ee dhaawac-yada loogu soo geystay Magaalada Garoowe, taasi oo hadda mid ahaan dhaawaceed lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lasoo gaadhsiiyey habeen hore.

Agaasime ku-xigeenka Cisbitaalka Hargeysa ayaa ugu horeyn ka waramay xaalada ay ku sugantahay Gabadhu iyo sida uu yahay dhaawaceedu “Gabadha waxa ku dhacday ilaa 14 Toorriyood, laakiin nasiib wanaag meel khatara midna ma jirin waa wada dhaawac-yo fudud ayey noqotay, waa la wada toley meeshii meel fog-na may gaadhin Mindidu , Gabadhuna sida aad Guddoomiye u soo aragtay xaalkeedu wuu fiican-yahay, wax khatar ah oo dhibaato ah oo looga baq-daa ma jirto, wixii caafimaad ee ay u baahnaydna waanu qabanay annagu…’..Ayuu yidhi Agaasime xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargeysa 

Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo halkaasi isna ka haddlay, ayaa sheegay in Gabadhaa reer Somaliland ee lagu soo Tooriyeeye Garoowe aanay wax dambi ah geysan, “Waakaa idiin waramayey dhakhtarku xaalada Caafimaad ee inanta, waxa la is weydiinayaa maxay geysatay inantaasi ee lagu diley, taasi waxay ku tusaysaa inaga ayey ina lahaayeen arday ayey laynayaane, Annagu wax-ba ma laynee wax ayaan soo daaweynaa, inanta waxay is xigeen  Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ,Garaadka Guud ayey is xigaan oo Adeer u ah, waad ogtihiin oo nabad ayuu ka shaqeeyaa waa ninka aan had iyo goor aan idhaah waa calaamad nabada ee waar ku day-da Garadada kale..”…Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe..

Waxaanu intaasi ku sii daray Faysal Cali Waraabe “Waxaas waxa keenaya waxa weey colaada, colaadu dhibaato mooyee faa’iido ma keento. Waxanu mar mar dambe u sheegaynaa isimada, islaan Maxamed Siciid, islaan Ciise iyo dadkii Garaadka leh iyo dhalin-yarta mustaq-balka doonaysa in nabad laga shaqeeyo..’…

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Gaaska maamulka  Garoowe uu doonayo inuu dhiiga shacabka ku korodhsado muddo xileedkiisa “ Madaxweynaha ah ee doonaya inuu dhiiga dadkiisa iyo dadkeena ku korodhsado kursiga laba sanadood in la iska diido , in la iska diido garaada dhulkoodii diiday ee 27 sano martida ku ah Garoowe ee shacbigoodii dan u soo wadin ee Laas-caanood inay kiciyaan doonaya Buuhoodle in la iska diido, annagu nabad ayaanu ka shaqaynaynaa dad nabad u ayaala ayeynu nahay ..”.. 

Docda kalena Faysal Cali Waraabe ayaa ka haddlay laba dhalinyaro ah oo Somaliland xidhay, kuwaas oo markii dambe la siidaayey “Dhalin-yaro ayaa maalin dhaweyd laga soo qabtay Caynaba laba inan ayey ahaayeen oo Koonfur afrika ka shaqaysan jiray oo u dhashay Gaalkacayo, suuqa waxay geliyeen iyo facebuug-yada waa la afduubay  waa la diley, inamadii waa la baadhay raadkooda ayaa la hayey waxba waa lagu waayey , waa la maamuusay aabihii ayaa mid u yimi waa la casho geeyey doraad-na diyaarada ayaa la saaray oo reerkoodii ayey qabteen, sidaas ayaa annaga Somaaliye meel ay joogtab ay noogu siman-tahay..”…

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in bulshada reer Somaliland lagu haysto dhulkooda “..Waxa nalagu dilayaa oo keliyi waxa weeye dhulkayaga in aanu maamul-no  oo aanu Madaxweyne ka noqono oonu guurtid ka noqono oon Barlamaan ka noqono , ayaa nalagu dilayaa wax-kale oo aanu Geysana ma jirto oo qaladkii aabayaashayo geleen aanu saxno oo ah in aanu qaranimadayada haysano oo gurigayaga ka talino, miyaad aragteen nin lagu dilayo gurigaaga haka talinin, gurigayaga ayaanu ka talinaynaa cidna uga habran mayno cidna ma doonanayno..”…

Ugu Dambayntii Guddoomiye Faysal Cali ayaa baaq u diray madax-dhaqameed wax-garadka reer Garoowe iyo Boosaaso “Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Garoowe iyo reer Boosaaso , waxaan leenahay adeer ka daaya dagaalka dadka, annagu nabad ayaanu wadnaa, inay maanta intaas oo qof inagga dhimato meesha la yidhaah Tukaraq, waxay lamid tahay uun laba nin oo Bidaar leh oo Gar-feedh isku diley may u qalantaa  inay intaas oo Boqol inagaga dhintaa kuna dhawacmaan tuulada yare e Tukaraq .”..

Leave a Reply

*