Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo Oo  Shaaciyey In Dagaalka  Somaliland  Iyo Puntland  Uu La Xidhiidho Ceelka Saliido Ceegaagto Ee Hol-Hol, Sheegayna In Ceelkaa Taladiisa Ay Leeyihiin Reer Khaatumo

Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo Oo Shaaciyey In Dagaalka Somaliland Iyo Puntland Uu La Xidhiidho Ceelka Saliido Ceegaagto Ee Hol-Hol, Sheegayna In Ceelkaa Taladiisa Ay Leeyihiin Reer Khaatumo

“Wax Somaliland La Yidhaah-do Iyo Khaatumo Isku Biiray Haba-Yaraatee Ma jirto”

“.Haddii Aanay Dan U Ahay Somaliland Nabadu Annagana Dan Nooma Aha.”..

Hargeysa (Waaberi)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Maxamuud Cali “ Caana nuug”, ayaa sheegay in aan maamulka khaatumo la midoobeyn Somaliland, isagoo ugu baaqaye Xukuumadda KULMIYE inay fuliso qodabadii ay ku heshiiyeen khaatumo iyo Somaliland, waxaanu ku hanjabay haddii ay fulin weydo inay ku noqnayaan Buuhoodle .

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Maxamuud  oo Hargeysa kula haddlaye Tv-ga Bulsho ayaa  haddalkiisa ku bilaabey sidan “wax Somaliland la yidhaah-do iyo khaatumo isku biiray haba-yaraatee ma jirto,warkaa ma hayno waa dacaayad aan sal iyo raad-toona lahayn annagu khaatumo ayaanu nahay  Somaliland waa Somaliland, wada haddal  ayaa noo socdey wax-ba’se nooma dhammaan ummada waxaan u sheegaynaa adeer annagu Somaliland waan joognaa, waa dalka aanu u dhalanay, lakiin reer Khaatumo ayaanu nahay  ummaduna waa reer reer maanta , haddii aad maqasho aanu wadda haddalno waa aanu heshiino.”..

“Waar annaga Somaliland nama masruufto, wax-nama siiso Khaatumo ayaanu nahay  annagaa is masruufna ummadu waa in ay fahantaa reer Khaatumi yey yihiin, adeerow ninkii islahaa Somaliland ayey biireen Somaliland ayaa wax siisay, waar wax-ba namay siin, annagaa sidana xoolahayaga annagaa is debarna sidaas ayaan u sheegeynaa ummadan ku nool Somaliland..”.. Ayuu yidhi ku-xigeenka Khaatumo.

 Isagoo intaasi ku daray “Nasiib wanaag Buuhoodle waa reer Khaatumo kan ka yimi Puntland waa mid u dhashay oo Gurigiisii yimi, kan ka tegay Hargeysa waa nin u dhashay oo reer Buuhoodle ah, is weydiintu waxa weeye yaa tegay, waxa tegay waa nin reer Khaatumo ah ha-u shaqeeyo Puntland ama Somaliland , mabda’a ay ku heshiiyeen Adeer kuligood waa reer Khaatumo, waana ku dhan-yihiin waana isku ogyihiin.”.. 

Waxa kale oo uu ka haddlay socdaalkii uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku tegat Buuhoodle, isagoo sheegay inuu yimi Gurigiisii “Camey wuxu u dhashay reer Khaatumo, lakiin waa nin u shaqeeya Dowlada Puntland, markaa waxeynu odhan karnaa nin gurigiisii tegay lagama xigo, lakiin umuu tegi  isagoo Puntland ah ee wuxuu u tegay isagoo sheeganaaya reerka uu ka dhashay..”..

Dhanka kalena Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Maxamuud  ayaa dagaala Somaliland iyo Puntland u dhaxeeya ku tilmaamay mid xidhiidh la leh ceelka saliida ee Hol-hol oo ay kala riixanayaan laba dhinac “Marka ay noqoto siyaasad Somaliland iyo Puntland ayaa is haysata, adeer waa iska siyaasad uun, lakiin meeshan Dadbaa  leh iyagaa maamula iyagaa wax laga weydiinayaa , annagaa iska leh Hol-hol oo waxa loo ham iyo dig leeyey waa ceelkayaga , waar ceelka annagaa leh , adeerow Berbera waxa leh dad oo ku nool oo ka faa’iidaysta Dekaddeeda,Boosaasana qolo ayaa ka faa’iideysata, waar kan annagaa iska leh  oo illaahay na siiyey..”.Ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Khaatumo.

Ugu Dambayntii Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo, ayaa sheegay inay Dowlada Somaliland uga fadhiyaan inay fuliso heshiisyada la galay , isla markaana ay dhammaystirto “Waxaanu u fadhino ee aanu ka sugayno Dowlada Somaliland inay dhammaystirto, adeerow nabadu haddii aanay dan u ahayn Somaliland annagana dan nooma aha, waxa weeye balan ayaa la galay in balankii la fuliyo haddii aan la fulinayna nin walba meeshii uu ka yimi ayuu ku noqonayaa..”.. Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo 

Leave a Reply

*