Xisbiga WADDANI Oo Shacbiga Ugu Baaqay Mudahaaraad Ay Ku Muujinayaan Sida Ay Uga Soo Horjeedaan Maamulka Hawadda Somaliland In Laga Maamulo  Muqdisho…

Xisbiga WADDANI Oo Shacbiga Ugu Baaqay Mudahaaraad Ay Ku Muujinayaan Sida Ay Uga Soo Horjeedaan Maamulka Hawadda Somaliland In Laga Maamulo Muqdisho…

Hargeysa (Waaberi/SLL) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si weyn uga soo horjeestay maamulka Hawadda Somaliland ee lagu wareejiyey maamulkeeda Dowlada Soomaaliya, iyadoo markii hore ay maamuli jirtay Hay’adda Qaramadda midoobey dhanka Hawadda  ee ICAO, balse hadda si rasmi ah loogu soo wareejiyey maamulka Hawaddaasi Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo in laga haga Diyaaradaha xarun laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Duulista Xisbiga WADDANI Nuuradiin Cabdilaahi ayaa Wareysi uu siiyey Tv-ga Somali-cable kaga haddlay arrintaasi waxaana ku bilaabay haddalkiisa sidan:-“Waxaad moodaa inay arrintani in muddo ah socotay Dowladii Madaxweyne  Siilaanyo ee Muuse Biixi ka horeysay labadaba uu KULMIYE dhalanaya, Waxaad moodaa inay laba ogyihiin oo arrintan ay qayb ka yihiin sibay uga aamusan-yihiin..

Xoghaye Nuradiin ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay wasaarada uu meesha ka saaray ee Duulista “Arrinta labaad ee khatarta sii ah waxa kamid ah markii uu Muuse meesha qabsaday wuxuu sameeyey uu meeshaba ka saaray uu baabiiiyey wasaaraddii duulista iyo Hawadda oo arrintan siyaasad ahaan ka shaqayn lahayd oo wax la wadi lahayd Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan maamulka Hawadda ee ICAO,taasi waxay noqonaysaa sumad muujinaysa in arrinta hoos loo dhigayo siyaasad ahaane Somaliland ay Soomaaliya laba qabto, waayo ka xisbi WADDANI ahaan arrinkan in badan ayaanu ka haddal-nay, waana arrin soo noq-noqday shaqo cad oo muuqataanay  qolada Xamar qabteen inta uu dhaq-dhaqaaqaasi socdayna wax aleele wax ay Dowladeenu ka qaaday oo talaabo ahi ma jirto,

Isagoo haddalkiisa siiwat waxa uu intaasi ku daray“Maantana tii ugu dambeysa ayaa la qaaday waxa lasoo xidhay xafiiskii Nayroobi gebi ahaanba waxa lagu soo wareejiyey maamulkii Hawadda dalkii la isku odhan jiray lixdankii Somaliland iyo Soomaaliya, Dowladan taagta daran ee koonfur Xamar, Waana arrin qaranimada Somaliland dhib ku ah ceebna ku ah, Madaxweynahana waxaan talo usoo jeedinayaa laba qodob oo ah inuu wasaaraddii duulista iyo Hawadda soo celiyo arrimahan siyaasad ahaan haka shaqayso, laba inii ciidamadii cirka dhiso sidaas ayaan Hawadda ku difaaca karnaa..”.. Ayuu yidhi Xoghaye Nuuradiini

Geesta kalene Xoghayaha Duulista Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in Xafiiskii  ee ICAO ay ka maamulaysay Hawadda Somaliland iyo Soomaaliya in la baabiiyey , isla markaana laga maamulayo hadda Hawadda Somaliland iyo ta Soomaaliya Muqdisho “Shalay” daraad oo bishu tahay  June 18 ,2018 waxa gebi ahaan-ba toos loogu soo wareejiyey xafiiskaa Xamar, waxaana la soo xidhay kii Nayroobi 

Xoghayaha Duulista WADDANI ayaa shacbiga reer Somaliland ugu baaqay inay sameeyaan banana-baxyo salmi ah oo ay ku diidan yihiin maamulka Hawadda Somaliland ee muqdisho lagu wareejiyey.“Ugu dambeyn waxaan odhanayaa shacbiga reer Somaliland guddo iyo debad-ba waar maanta qaranimadeenii ayey Xamar duulimaad ku tahay ee aynu difaacano oo mudaharaad salmi ah oo arrintan aynu ku diidanahay Qaramada Midoobeyna aynu u sheegayno inay Somaliland iyo Soomaaliya wax la yidhaah kala jiraan oo Hawaddan aanay Soomaaliye keligeed lahayn aynu taa muujino inaku ka Dowlad ahaan..”

Leave a Reply

*