Magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool oo Qarka u saaran in ay kabaxaan Gacanta  Somaliland,

Magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool oo Qarka u saaran in ay kabaxaan Gacanta  Somaliland,

Magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool oo Qarka u saaran in ay kabaxaan Gacanta  Somaliland,

 

SLL/ Caasimada  Gobolka Sool  ee  Laascaanood ayaa   qarka u saaran in ay gabi ahaanteedba  kabaxdo Gacanta  Somaliland kacdoon xoogle   kasocoda  Magaaalada  gudaheeda iyo guud ahaanba  haraaraha Gobolka Sool, dhaqdhaqaayo   lagu hubanayo  bulshada   rayid aha iyo jabhado  Qaab beelaysan kula dagaalamaya Somaliland ayaa  laga  hawl Galiyay inta  Badan Degmooyinka Gobolka Sool ee Qaliilka Hartigu dego

waxa intaas udheer  guluf  Colaadeed oo ay  Maamulka Puntland kudoonayaan  in ay  kuqabsadaan Laascaanood kaas oo hada   heer Gebegebo ah maraya, waxa Xuduudka   ay  Puntaland soo dhoobtay  10,000 oo Maleeshiyo Beelaha Daaroodka   laga soo dhexguray kuwaas,  oo Kismaayo, Gaalkacayo,   Eyl,  Laasqoray, Caluula,  Dhahar ,  ilaa Buuhoodle laysaga keenay laguna  dagaal  galinayo  mabdi  Daaroodnimo, iyada oo Gudaha   laascaanoodna laga  abaabulayo  Kooxo   gudaha   magaalada kadagaalma   oo dhalinyaro ah  Duulaanka Beelaysan ayaa sidoo  kale ah mid Hoosta kaxidhiidhsan oo ay Xukuumada  Farmaajo taageerayso.

Somaliland

wixii kadanbeeyay  doorashadii   November kaqabsoontay Somaliland kaqabsoontay  taas oo Xisbiga kumiye  boobay Codadkii shacabka  waxa  guud ahaan dhaawac  siyaasadeed  soogaadhay  wada jirkii guud ee  Somaliland iyada oo hanaankii dawladnimo kala  filqamay sidoo  kalana   ay  samaysmeen Xulafo  Beeleedyo iska  soo horjeeda  ayaa waxa  ay taasi meesha kasaartay Cududii dawlanimo ee Somaliland waxana  Dalka  kadhashay  Maamul  hanaanka Jeegaanta  kushaqeeya oo  ka kooban  Qabiilo gaara oo Xifiltan iyo Cadaawda Hoose  kula Jira Qabiilo  kale oo Somaliland.

 Itoobiya

Dawlada itoobiya oo ahayd  isha  kaliya   ay kutiirsanayd  Somaliland ayaa  iyana hada  aad uga   soo  horjeesatay Colaada Gobolka  Sool  iyada oo Ciidamada Somaliland ugu baaqday in ay  dib ugu soolaabtaan Deegaanadii hore   ee Ganbadha ,  Arintan ayaan  kafarxin Muuse Biixi oo isagu doonayay Mashaakilka  kahaysta  Gudaha Hargaysa in uu isaga Jeediyo Qalalaase uu  Gobolka  Sool ka abuuro isku day kasta oo uu Ciidamda Somaliland  dibloogu soo celiyana waxa  ay  kadhigantay  Faashil kuyimi Qorshiyhii Muuse Biixi ,

 

 Hubka Ciidanka  Somaliland 

Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland Mr Taani ayaa  badhtamaha  Bishii hore   tagay itoobiya si uu  ugu  soo qanciyo Duulaanka  ay Sool  kawadaan sidoo kalana uu Saanad Ciidan  uga doonto  Itoobiya  sida  ay  ilo Xogolaala kasoo xigatay  SomalilandLive Media   waxa ay itoobiya  gabi ahaanba  diiday in ay  wax  Hub ah  soo siiso  Somaliland, Sidoo  kale Waraaq uu Qoray Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargaysa oo Nuqul kamida  ay hada  hayso  Somalilandlive Media ayuu kusheegay in  Duulaanka Gobolka Sool Muuse Biixi kugardanyay,  Dawlada  Itoobiyana ay kasoo horjeedo Dagaal wakhtigan   gobolkaas kadhaca

isku soo wada  Xoori oo Xaalada Gobolka  Sool Kataagan ayaa  ah mid aan  kafarxin  Xukuumada Muuse Biixi   sidoo kalana   ugaba siidartay  Mashaakilkii uu islahaa kuxali

Somalilandlive MEDIA

Leave a Reply

*