Xukuumadda Oo Xalay Sifo Sharci Darro Ah Ku Xayirtay Warargeyskii Waaberi Iyo SOLJA Oo Ka Haddashay

Xukuumadda Oo Xalay Sifo Sharci Darro Ah Ku Xayirtay Warargeyskii Waaberi Iyo SOLJA Oo Ka Haddashay

Wargeyska Wuu dhammaystirayyey Sharcigiisii, Lakiin Waxa Lagu Haystaa Beesha Garxajis Ayaa Leh.

Hargeysa (SLL)- Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa habeenkii Xalay ahaa Xayiraad saartay Wargeyska Waaberi, kaasi oo kamid ahaa Wargeysyada kasoo baxa Magaalada Hargeysa, kaaso oo si maalin le ah uga soo baxayey magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey, isagoo ruqsada ogalaan-shiiyaha ka haysta wasaarada war-faafinta iyo xeer ilaalinta Qaranka Somaliland, waxaana ku qaran magaca mulkiikaha wargeyska Xasan Cumar Xasan Ogaal.

Maxakamada Gobolka Maroodijeex ayaa warqad ay ku xayirayso waregyska Waaberi soo saartay, iyadii u qaybisay Madbacaddaha magaalada Hargeysa,

Wargeysyada kasoo baxa Somaliland iyo magaalada Hargeysa, ayaa inta badan waxa laga leeyahay Galbeedka Hargeysa, kuwaas oo tiradoodi dhantahay afar iyo toban wargeysa, marka laga reebo laba wargeys oo keliya , halka uu wargeys waaberi yahay ka keliya ee taraxa ee ay leedahay Beesha Garxajis, waxaana loo arkaa madaama ay sharciyadiisu tahay sharciyada ay haystaa 12 wergeysa ee Beesha Madaxweyne Biixi,

Ururka SOLJA waxa uu u arkay xayiraadda ay maanta xukuumaddu saartay wargeyska Waaberi mid aan waafaqsanayn xeerka Saxaafadda Somaliland kaasoo muwaadiniinta xaq u siinaya inay nidaam xeerka waafaqsan u furan karaan hay’ad warbaahineed.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ka qaado xayiraadda ay saartay wargeyska Waaberi, kaasoo labadii toddobaad ee u danbeeyey ku soo baxayey Ruqsad ay siisay wasaaradda warfaafinta iyo xafiiska xeer ilaalinta guud.

Xayiraaadda ay xukuumaddu saartay wargeyska Waaberi waxa lagu soo saaray codsi xafiiska xeer ilaalintu u gudbiyey maxkamadda gobolka Maroodijeex, taadii ku war-galisay madbacadaha Daabaca wargeyska double in aanay soo saari Karin wargeyska Waaberi.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa talaabada ay wargeyskan iyo kuwii ka horeeyey ku xayirtay inay tahay mid ay ku hortaaagan tahay xuquuqda muwaadiniinta xeerka saxaafaddu u siiyey inay ku furtaan hay’addo warbaahineed.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda Mar kale ugu baaqayaa inay ku dhaqanto xeerka saxaafadda isla markaanna aan muwaadiniinta qaarkoodna aan sharciga loo jabin qaarkoodna aan lagaga hor istaagin mabaa’diida ay aaminsan yihiin.

Leave a Reply

*