War Weyn:–Shir Weynihii Beel weynta Garxajis Oo Maalintii Sideedaad Si Habsami Ah Uga Socda Buurta Gacan-libaax Iyo Ergooyin Ka Socda Beelaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Xidhitaanka Shirka…

War Weyn:–Shir Weynihii Beel weynta Garxajis Oo Maalintii Sideedaad Si Habsami Ah Uga Socda Buurta Gacan-libaax Iyo Ergooyin Ka Socda Beelaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Xidhitaanka Shirka…

Bulshada Reer Somaliland Oo Naawileysa Qodabada Shirka Garxajis Kasoo Baxaya Iyo Axada Beri ah Oo La Shaacindoono Qodabada Shirka
Hargeysa ( SLL-) Shir weynihii Beel weynta Ismaaciil Sh. Isaxaaq “Garxajis “ee Tol-wanaaje Laba , ayaa maalintii sideedaa si habsami ah uga socda Buurta Gacan-libaax ee degmada Go’da weyn, iyadoo haatan uu shirka Tol-wanaaje Laba uu ku sii siqayo xaalad gebo-gebo.
Shirkan Dhaqan ee Beesha Garxajis iskugu timi oo ahaa mid aan Beeshu u kala hadhin qol-qol joog iyo qurba joog-ba , isla markaana aan noociisa hore loo arag, ayaa waxa majaraha u haya oo hagaya ergooyin laga soo xulay Beelaha Garxajis oo Tiradoodu dhantay 550 Erygey iyo weliba 1000qof kale, kuwaas oo ahaa wax-garad aqoonyahan iyo indhaar-garad kor-joogtanaya Shirka oo goob-jooga ka ah.
Geesta Kalena Shirkan Tol-wanaaje Laba ee Beesha Garxajis oo maalintii sideedaad oo xidhiidh ah si habsami ah uga soconaya Buurta Gacan-Libaax, ayaa la filayaa in maalinta Beri ah ”Axada” lasoo gunaanado, iyadoo laga soo saaridoonaa war-murtiyeed ay ku jiraan sida la sheegay qodoba aad u mihiim ah .
Dhanka Kalena Shir weynaha Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba, ayaa waxa kusii qul-qulaya marti sharaf kala duwan oo ka kale socda Beelaha Reer Somaliland, kuwaas lagu martiqaaday xidhitaanka shirka , iyadoo dadka lagu casuumay ee beelaha kala ka socdaa ay iskugu jiraan Madax-dhaqameed ,aqoon-yahan iyo wax-garad, kuwaas oo la filaayo inay caawa ugu dambayn gaadhaan madasha shirka Garxajis ka socdo iyo Buurta Gacan-libaax.
Gunaanadkii Shir weynihii Tol-wanaaje Laba oo maalinkii sideedaad ka socday Buurta Gacan-libaax, ayaa hadda ku dhow Gebo-gebo, iyadoo si rasmi ah loosoo afmeeridoona shirkaasi maalinta Axada ee Beri ah, waxaynu dhawrna waa qodobada kasoo baxay shir weynaha Beesha Garxajis marka lasoo geba-gebeeyo nooca ay noqdaan.

Leave a Reply

*