Cadaawada Dhabta ah ee Dhextaal Garxajis  iyo Jeegaanta!

Cadaawada Dhabta ah ee Dhextaal Garxajis iyo Jeegaanta!

 

 Hishiiskii  Beelwaynta  Garxajis! Tolwanaaje

SHAXDA DHABTA AH EE U DHAXAYSA GARXAJIS IYO JEEGAANTA.

Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa arinka beesha ugu balaadhan degaan ahaan iyo dad ahaan Somaliland ee Garxajis, kaas oo tan iyo curashadii Somaliland la waabariisatay. Waxaynuna ka eegi doonaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin: Saamaynta beesha deegaan ahaan iyo dal ahaan iyo dad ahaanba, Taariikhda ay ku lahayd kifaaxii Somaliland soo gashay, xaalka Garxajis uu ku sugnaa 27 sano ee Somaliland jirsatay, shaxda loolanka Garxajis iyo beelaha kale, Garxajis maanta iyo beri.

SAAMAYNTA BEESHA GARXAJIS DAL AHAAN.
Inagoon ku dheeraanayn beeshani deegaan ahaan waa beesha ugu deegaan balaadhan mana jirto Somaliland beel baaxada dhuleed ee Garxajis dego degtaa14ta gobol ee hada la sheego 11 ka mida ayey deegaan ahaan degtaa waana wax iyada uun u gaara tilmaantaasi.

Waa beesha qudha ee sadexda magaalo ee dalka ugu waawaayn Hargeysa,Burco iyo Berberaba deegaan rasmiya ku leh , sidoo kale waa beesha laga bilaabo Hargeysa ilaa maydh iyo xiis oo ah 90% dhererka dhulka Somaliland intaa ka dhex leh degaan ahaan ka soo bixi karta, halka beesha Sacad Muuse tusaale ahaan hadaynu u soo qaadano deegaan ahaan ku koobantahay xuduud beenaada wajaale ilaa galbeedka Hargeysa waayo wixii ka bariyeeya degaan kuma laha Sacad Muuse kolkaas adba waad xisaabin kartaa Hargeysa ilaa maydh iyo xiis baaxada ay uga dhiganto dhulka Somaliland iyo beesha intaasba ka aradan dhul ahaan saamaynta ay ku yeelan karto mustabalka siyaasadeed markay deegaan timaado.

Hadaynu u nimaadno beesha Habarjeclo iyana waa la mid oo waxay degaan ahaan ku koobantahay gobolo gaara oo badi bariga Somaliland ku kooban oo ay wada degaan Garxajis bari. Sida Galbeedka ay u wada degaan Habar awal iyo Garxajiska Galbeed , sidaas darteed labada beelood ee uu loolanka xoogani ka dhaxeeyo Garxajis waa Sacad Muuse oo ku hadlaaya magaca Habar awal iyo Habar Jeclo, waxay labadaba wadaagaan deegaan beesha Garxajis.

SAAMAYNTA CUDUDA GARXAJIS DAD AHAAN.
Markaynu u nimaadno beeshan iyo cududa tiro ahaan markay noqoto cod waa mid lagu xisaabtami karo haday tahay cod iyo haday tahay deegaankaba waana labada ugu muhiimsan markay timaado nidaamka doorashooyinka taas oo ama deegaan wax lagu qaybsado ama tiro wax lagu qaybsado. Tusaale waxaad usoo qaadan karnaa doorashooyinkii golaha wakiilada iyo beeshu tirada mudanayaasha uga soo baxay gobolada kala duwan adoo ka eegaaya tirada iyo deegaanadaba, waxaanay ka mid tahay ta ugu badan ka beel ahaan kaligeed mudanayaal xadigaa lehi ku abtirsadaan.

Taariikhda kifaaxii xorayntii Somaliland ee beesha Garxajis
Markaynu unimaadno taariikhda ugu mudan bulshada Somaliland dhexdeeda gaar ahaan beesha Isaaq waa dawrka ay reeruhu ku kala lahaayeen dagaalkii lala galay Siyaad Bare,dagaalkaas oo jabhadii SNM hogaaminaysay xubnihii ka soo doogay dagaalkaasna maanta loogu yeedho Mujaahidiin.

Waxay beesha Garxajis ku lahayd kaalin lama ilaawaana halkaas oo madaxdii usaraysay ay ahaayeen sidoo kale mujaahidiintii ugu magacawaynayd ay ka soo jeedeen sida Lixle, Maxamed Cali,Koosaar iyo kuwo kaloo badan.Waxaa intaas u dheer in hogaamiyihii dalka xoreeyey uu ahaa Cabdiraxmaan Tuur sidoo kalena ku noqday madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland yeelato.Dhanka kale waxa taariikhda u gashay in shirkii Burcaba cidii gooni isku taaga ku dhawaaqdayba uu ahaa Xaaji Aadan (Aadan Baradho ) oo isna ka soo jeeda isla besha Garxajis.

Isku soo wada duuboo saamaynta ay taariikh ahaan ku lahayd muu ahayn mid ku koobnaa halgankii SNM ee hadaynu taariikhda dib ugu laabano afgambigii ka dhicisoobay madaxdii Xasan Kayd iyo Cabdilaahi Koongo oo labaduba ka soo jeedaan isla beesha Garxajis waxay ka dhigaysaa reerka mid taariikh lama ilaawaana ku leh Somaliland shalay iyo maantaba.

GARXAJIS IYO INTII SOMALILAND JIRTAY SHALAY IYO MAANTA.
Tan iyo madaxtinimadii madaxweyne Tuur iyo dagaalkii lagu qaaday waxa beeshan lagula jiray dagaal, dagaalkaas ooy kula jireen hogaamiyayaasha ku hadla afka beelaha sacad Muuse iyo Habarjeclo kuwaas oo ilaa waagaasba iska gaashaanbuuraysanayey wax kastoo ka dhana beesha Garxajis.

Waxaa taariikhdii dagaalkii sokeeye ku suntan hogaamiyayaasha kala ah Muuse iyo Kaahin iyagoo dagaal badheedha kala horyimi madaxweynihii waagaas ee Tuur, waxaynu ka warqabnaa inuu Maxamed Kaahin ahaa wasiirkii Tuur ee gaashaandhiga sidaas darteedna uu hal habeen isaga iyo wasiiradii beeshiisaba uu la baxay sidiina uu ku qarxay dagaalkii sokeeye.

Waxaynu kanoo la soconaa Muuse iyo dagaalkii sokeeye saamayntuu ku lahaa iyo weedhihii u galay taariikhda ee ahaa (anoo wax dili kara duco qaadanmaayo ) wixii intaa ka danbeyey dalku nabad ha ahaado se wax cadaalad ah oo ku saabsan dhinaca saami qaybsiga marnaba beeshu ma helin, waxaa intaa u raacda dhinaca deeqaha inay marwalba saamigii ay xaq u lahayd aanay helin marnaba haday tahay wax barashada,dhaqaalaha, maalgashiga, dibudhiska, iwm.

Iyadoo taasi jirto waxaa ugu darsantay in badi wax garadkeedii dibahada ku xayiran yihiin sababtoo ah mabadida ay aqoonyahan badan oo ka soo jeedaa u xagliyaan oo ahayd in Somaaliya weli la midoobi karo hadii la maro wadada saxda ah, taas´ oo ay ku kala duwan yihiin siyaasiyiinta Somaliland ka taliya. Kala duwanaanshiiyaha aragtiyahaasi waxay sababeen in kuwa Somaliland ka talinaayey tan iyo dagaalkii sokeeye ka dib in ay ka mamnuucaan soo galka dalka iyo ku noolaanshiiyahaba cidkasta oo ay uga shakisanyihiin midnimo Soomaaliyeed inuu u xagliyo.

Hadal iyo dhamaan iyadoo beeshan sidaa aynu soo sheegnay loo waajahay markay xukunka haysay , iyadoo beeshan wixii intaa ka danbeeyey si gaara isha loogu hayey oo ay ku hayeen hogaanka labadaa beelood ee Jeegaantu halkaasna waxbadan ay ka tirsanayso marar badana ayba dhacdo in si toos ah ama si dadbanba loo yidhaa la idinkuma aamini karo dalka waayo weli waxaa aaminsantihiin Somaliwayn ,ayaa waxaa hada reerkii sii fogeeyey nabaradii la soo qodqoday iyo sidii la isku gaashaanbuuraystay doorashadii dhawayd iyo waxa maanta loogu yeedho gaashaanbuurta Jeegaanta.

HALISTA SHAXDA KOOXDA MUUSE IYO KAAHIN EE KU AADAN GARXAJIS.
Maadama labadan hogaamiye ee xilka ugu sareeya dalka ka haya ay yihiin kuwo loolan xoogani ka dhaxeeyo siyaasiyiinta beesha Garxajis waxa cad in Muuse iyo kooxdiisuna u maleegayaan sidii kasta ee lagu wiiqi karo midnimada iyo dhaawaca himilada Beesha ee ah hanashada xilka u sareeya ee dalka iyo inay saamayn ku yeelato beeshu siyaasada dalkaba.

ISTIRAATIIJIYADA QAYBI OO XUKUN.
Sidaas darteed istiraatiijiyada ugu horeeysa ee Muuse ku waajihayaa waa aragtida caanka ah ee (divide and rule) ama qaybi oo xukun sida loo qaybinayaana waa in garxajis waa mare loo qabiyo Ciidagale iyo Habaryoonis halkaas oo aragtida Muuse odhanayso waxba hadaad tihiin Ciidagale Habaryoonis iskama kiin gasho anagaa idinka dhaw waa hadaanu Sacad Muuse nahay. Marka labaadna waa iyadoo Habaryoonis laba loo kala qaybiyo oo Bari iyo Galbeed la yidhaa oodi ab ka dhaw ninka Isaxaaq ee Hargeysa dega iyo ka Sacad Yoonis ee Bari guntii dega maxaa iskaga jira.

ISTIRAATIIJIYADA U ADEEGSIGA HAAYADAHA DAWLADA.
Sidii ay doorashadii ugu hirgashay ka dib markuu Muuse haayadihii dawlada ee kala duwanaa ugu adeegsaday doorashadii ayaa waxa ay tahay inaynu hada iyana fahano inuu u adeegsandoono haayadaha dawlada ee kala duwan siduu u higalinlahaa xukunkiisa isagoo wixii mucaarad ku ahna u adeegsandoona haayadaha kala duwan ee dawlada,taasina waxay imanaysaa in haayadaha dawlada ugu muhiimsan uu ka safeeyo cid kasta oo la wadaagi karta caadifad Reerka waxaana tusaale kuugu filan sidii looga nadiifiyey warfafinta cid kasta oo reerka u nisbo sheegata.

Waxaynu la socona cida maanta madaxda ka ah haayadahan soo socda ee dawlada ugu muhiimsan : warfaafinta,Garsoorka,nabadsugida,arimaha dibada,arimaha gudaha,golaha Guurtida,Baarlamaanka intaasiba waa umuhiim maamulka Muuse, gacanta reerkana kuma jiraan waana xaqiiqo biyo kama dhibcaana.

ISTIRAATIIJIYADA KUFURIDA FARAMO DAGAAL.
Si ay u wiiqanto cududa iyo idhaha uu Garxajis ku hayo dhanka dawlada waxaa lagama maarmaan u ah Muuse iyo kooxdiisa inay beesha ku furaan khilaaf dhexdeeda ah iyadoo loogu daraayo colaad dibadeed. Waxaana taas tusaale kuugu filan colaada Ceel afwayn ee aan damayn ee kolba kabriidka lagu qabanaayo markii la rabo, waxaa kale oo intaas kuu raaca faranta labaad ee Tukoraq waxay suaashu tahay labaduba waa faromo dagaal oo bari ka jira ee horta yaa daga halkaas ?

Wiilka Tukoraq lagaga dilo Puntland cida loogu aari waa Isaaqa bari dega waayo Puntland Gebilay ma soo gaadho sidaas darteed cida ay godobteedu colaadaa Tukaraq danbarsandoontaa waa Garxajis bari iyo Isaaqa la dega. Halka colaada Ceel afwayn iyo hurinta dab ka dhex qarxa oo aan marnaba damin labada beelood ee Harabjeclo iyo Habaryoonis ay tahay danta Muuse Biixi si markastaba Beesha habarjeclo loogu qanciyo inay hal cadaw wada leeyihiin Jeegaantu sidaas awgeedna mudnaanta koowaad la siiyo sidii si wada jira loogu waajihi lahaa beesha Garxajis.

ISTIRAATIIJIYADA KHALKHAL GALINTA HOGAANTA BESHA.
Qaabka kale Muuse iyo kooxdiisu u waajihayaan siyaasadaha beeshani waa suaasha ah yaa matala beesha ? badi kooxaha kala duwan ee ka soo jeeda beeshan ee uu Muuse gacansaarka la leeyahay ama xilalka u dhiibto waa shakhsiyaad aan matalin aragtida saxda ah ee beesha. Haday dhaqanka tahay wuxuu ka wataa kuwa beesha mucaaradka ku ah sida Suldaan Habaarkii maalinta dhawayd shirka beesha duraayey, haday siyaasad tahay wuxuu Muuse la tacaamulaa kuwa isaga u ololeeya ee aan kalsoonida beesha haysan sida: Cawil,Warancade,Geeljire iyo kuwo kaloo lamida.

Qolada kale ee uu Muuse la tacaamulaa ee uu magaca beeshan huwiyaa waa shakhsiyaad uu soo saaro oo uu ugu mano sheegan karo inuu isagu wax ka dhigay waa sida maayar ku xigeenka Hargeysa oo runtii aad ka dheehan karto siduu ugu ololeeyo Muuse , waxaa kale oo tusaale kuugu filan wasiirka maaliyada hada ee uu Muuse keensaday kaas oo wax saamayna ku lahayn beesha u ka soo jeedo se hadana sita magacii beesha. Iskusoo wada duuboo waa mid ka mida istiraatiijiyadaha Garxajis lagula dagaalamaayo in la wiiqo wixii hogaan la odhan jiray taas oo ah in la heli karo kuwo kale oo Muuse iyo dantiisa u adeega oo ku hadlaayana hadana magaca Garxajis waana arin halisteeda leh oo ay tahay inay ka digtoonaato beeshu.

MAXAA LA GUDBOON GARXAJIS HADA? SIDUUSE U WAAJIHI KARAA HALISAHA KU XEERAN?
Dhamaan waxaynu soo sheegnay saamaynta iyo fursadaha reerku haysto, waxa kale oo aynu soo sheegnay dabinada loo maleegaayo waxaynu hadana isku dayi doonaa inaynu wax ka tilmaami karno sida ay inala tahay inay beeshu ku badbaadi karto ama ay kaga bixi karto xaalada ay ku sugantahay amintan iyada ah.

MIDNIMO.
talaabada ugu haboon ee khatar kasta kaga badbaadi kartaa waa midnimada reerka oo la xoojiyo bari ilaa galbeed, laguna dadaalo sidii loo noolayn lahaa xidhiidhka dhexdeeda oo uu ugu horeeyo joogtaynta shirar u gaara beesha kuwaas oo mudo cayiman oo kasta la qabto si loo nooleeyo wax iswaydaarsiga afkaarta iyo talada.

 

Garxajis

Garxajis oo Midoobay! Taariikh,

Garxajis oo Midoobay

 

GUDI JOOGTO AH.
Samaynta gudijoogto ah ka arimisa danaha reerka sido kalena isku xidha qaybaha kala duwan ee beesha kuwaas oo leh miisaaniyad lacageed kana kooban qabaha kala duwan ee bulshada lehna musdanbeed aqoonyahano, ganacsato,dhalinyaro , reermagaal, reer miyi odayasha dhaqanka iyo dad ay ka dhabtahay horumarinta iyo u adeegida danaha beesha.

UDUB DHEXAADAYNTA HOGAANKA.
Arinta sadexdaad ee aan u arko inay ugu muhiimsantahay waa awooda goaanka iyo hogaaminta reerka oo meel la iskugu geeyo waayo waxaad moodaa in markaad beesha Garxajis la barbardhigto beelaha kale sida Sacad Muuse ama Habarjeclo inay iyagu u dhigmaan labada beelood ee kale xaalada muslimiinta Shiicada ahi ku sugan yihiin , halka Garxajis aad moodo inuu ka dhiganyahay xaalada muslimiinta Suniga ahi ku suganyihiin maanta .

Waayo Sunigu isagaa Musliminta ugu badan se hogaankoodu ma aha mid meel ka dab qaata oo waa wadamo isawada khilaafsan Masar ,Turkiga,Sucuudiga,Indonesiya iwo kuwo kaloo badan oo midina mid gacansar la lahayn halka shiicadoo dhan goaankooda looga taliyo Iiran oo Aayatulaha ay kawada dab qaataan dhamaantood.Sidaas darteed waa in hogaanka dhaqanka ee beesha iyo hogaaanka siyaasada ee reerka la mideeya oo hal meel lagawada dab qaataa.

XULAFAYSI.
Waxaa muhiima inaanay beeshu iskeed isku cajabin oo ay markasta raadsato xulafaysi taas oo ah istiraatiijiyada ugu wacan ee aad cid kasta ku waajihi karto Maraykan oo ciraaq oo daciifa weeraraaya ka maarmi waayey xulafaysi kaasoo kaxaysta afartayn dawladood in kabadan, xulafaysiga hada jira ee beeshu gacansaarka la leedahayna waa sida ugu wacan ee ay ku heli karto garab iyo gaashaan.

Waa inay beeshu joogtayso shirarka joogtada ah ee ay la yeelanayso beelaha iyaguba ku dulman dalka sida samaroon iyo inta kale ee ka soo horjeeda siyaasada qadhmuunka ah ee Jeegaanta.Waana inay beelahaas ay xulafaysanayaan yeeshaan gudi ay wadaagaan oo xaalad kasta oo soo waajahda ay kawada yeelan karaan talo iyo tusaaleyn.

HORUMARINTA DEGAANADA AMA MAGAALAYN.
Waa in beeshu awooda saarto sidii ay u horumarin lahayd deeganada ay degto sidoo kalena awooda gaar ahaaneed u saari lahayd magaalaynta deegaanadooda, waxaan sidoo kale mudan inay yeelato magaalooyin u gaara oo cududa iyo aqoonta reerku fadhido lagu tashado cududooda iyo codkooda sida Gabilay oo kale .Waxaana meelaha ugu haboon ka mida sida deegaanka Cadaadley oo laga dhigo magaalo beeshu wada wadaagto cududeedana dhigto lana balaadhiyo waayo degaan ahaan way ku haboontahay oo meelaha ugu biyo badan dhufays ahaan waa meel buuralay ah oo ay adagtahay sida loo galaa ama looga baxaa, istiraatiijiyad ahaana waa magaalada qudha ee sadexda magaalo ee ugu waawayn dalka isku in u jiraan loogana gurman karo sidoo kale waa badhtamihii dalka .

Sidoo kale waa in la horumariyo magaalooyinka sida oodweyne xaga barigana sidoo kale Ceerigaabo iyo deeganada hoos yimaada beesha iyo in la saaro awooda horumarinta beesha bariga Garxajis, waxaa mudan in beeshu aqoonyahankeeda u qaylodhaan dirsato sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dhismaha deegaankooda. Waxa kale oo mudan in magaalooyinka ay degaanka la wadaagaan cid kalena ay awooda saaran sidii ay saamigooda u qaadan lahaayeen haday tahay dhinaca horumarka iyo haday tahayba dhinaca maamulka.

Waxba yuu hadalku ila sii durkina waxaan ku soo gaba gabayn karaa qoraalka ila dheeraaday khataraha ku xeeran waxaa ka badan jaanisyada ay haysato beeshu iyadoo cidna dagaal ku qaadayn cidna duudsiyeyn se danaheeda iyo horumarkeeda uun ka shaqaynaysa waxaa mudan inay ku dadaasho midnimadeeda.

Waxna ka barato wixii soo maray iyo xaalada ay ku sugantahay maadama ay beelaha ugu balaadhan tahayna beesha qudha ee 14 gobol 11 ka mida deegaan ku abtirsata haday la timaado midnimo dedaal iyo xulafaysi waxa xaqiiqo biyo kama dhibcaan inay adkaan doonto sida loo waajahayaa insha alaahuna cudud xaqa u hiilisaa ka soo bixi doonto.Waxa qudha ee kooxda dalkii afduubka ku qabsadayna kala dagaalamayaan waa intaas uun.

 

 

 

Leave a Reply

*