Maamulka Shirkadda Sagal-jet oo Bilaabay Barnaamij Ka Dhan ah Guddoomiye Cirro iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI oo Ku Baaqey in Aan Waxba Laga Iibsan Meheradaha Ganacsi ee Shirkaddaas.

Maamulka Shirkadda Sagal-jet oo Bilaabay Barnaamij Ka Dhan ah Guddoomiye Cirro iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI oo Ku Baaqey in Aan Waxba Laga Iibsan Meheradaha Ganacsi ee Shirkaddaas.

Maamulka Shirkadda Sagal-jet oo Bilaabay Barnaamij Ka Dhan ah Guddoomiye Cirro iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI oo Ku Baaqey in Aan Waxba Laga Iibsan Meheradaha Ganacsi ee Shirkaddaas.
Hargeysa(SLL):-Maamulka Shirkadda Daabacaadda Xayeysiisyada ee Sagal-jet, ayaa bilaabey barnaamij ay jawaab riddo-celin ah uga dhigayaan barnaamijkii Baadi-goob ee dhawaan sida cad u soo bandhigay musuqii iyo boobkii ka dhacay doorashooyinkii 13kii November ka qabsoomay dalka.
Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in Maamulaha guud ee shirkadda Sagal-jet Md.Cabdi Yuusuf Aar uu wado barnaamij uu doonaayo in uu Xukuumadda kaga difaaco barnaamijkii Baadi-goob, waxaana sida la sheegay uu barnaamijkaasi diiradda saari doonaa laba qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin in barnaamijka dhexdiisa lagu soo wareysto dad ka soo jeeda beelaha Habar-jeclo iyo Habar-Awal oo sheeganaaya in Cabdiraxmaan Cirro aanu hab beeleed u weydiisan in ay codkooda u siiyaan iyo weli ba sida oo kale eedo guddoomiyaha WADDANI looggu soo jeedinaayo kuwaasi oo iyagu na khuseeya in guddoomiye Cirro dusha laga saaro eedo na loogga dhigo in uu yahay shakhsiga kala qeybiyey shacabka Somaliland doorashadii ka dib.

 

Barnaamijkan oo lacagta ku kacaysaa ay dhan tahay $70,000 dollar, ayaa waxa ka qeyb-qaadan doona wariyeyaal tiro badan oo iskugu jira qaar ka shaqeeya warbaahinta gaarka loo lee yahay iyo ta dawladda, waxa kale oo ku jiri doona saxafiyiin laga soo kireystay gudaha magaalada Muqdisho oo iyagu na Somaliland u imanaaya siddii ay eedo iyo dacaayado ugu sameyn lahaayeen guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.
Hadda ba shirkadda Sagal-jet oo ka mid ah shirkadihii ku macaashay sida oo kale na dhaqaale abuurka iyo naas-nuujinta looggu sameeyey ka dib markii ay doorashadii ka hor ka badheedhay in ay si toos ah oo qaawan ay u soo taageertay Xisbiga KULMIYE sida oo kale na ay dhibbaatooyin siyaasaddeed u soo gaadhsiisay Xisbiga WADDANI, ayaa barnaamijkan ay hadda wadaan ee siyaasaddeed na uu noqonayaa mid muujinaaya sida shirkaddaasi ay weli u dhex dabbaalaneyso dagaaladdii siyaasaddeed ee soo dhammaadey wakhtiyaddii ololaha ee Doorashada.

Illaa hadda lama garan karo meesha ay ka dhalatay cadaawadda dagaal ee shirkadda Sagal-jet ay kula jirto guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, balse waxa kaliya ee ay xaqiiqadu tahay in Maamulaha Sagal-jet iyo Madaxweynaha Somaliland ay yihiin laba shakhsi oo isku qoys ah isla mar ahaantaana ay shirkaddaasi hiil iyo hoo ba la garab taagan tahay Madaxweyne Biixi, balse waxa aan meesha ka madhnaan karin in dadka ka soo jeeda beesha Cirro na ay iyagu na bilaabi karaan dagaal siyaasaddeed oo sidaas oo kale umadda u kala qeybiya.
Mid ka mid ah dadka aanu xidhiidhka la sameynay isla mar ahaantaana taageerayaasha u ah Xisbiga WADDANI oo aanu arrintaas wax ka weydiinay, ayaa sheegay in shirkadda Sagal-jet ay aaminsan yihiin in ay qeyb ka ahayd boobkii iyo musuqii Doorasho ee dalka ka dhacay, waxaana uu Madaxda Xisbigiisa uu ka codsadey in ay qoraal ku soo saaraan shirkadihii ka ololeeyey Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay taageerayaashooda ugu baaqaan in aanay waxba ka iibsanin shirkadahaasi

“Walaal arrintaa aad ii sheegtay waa mid runtii yaabkeeda leh, waxaanan hore ba u aaminsanaa in shirkaddaasi ay qeyb ka ahayd boobkii ka dhacay dalka, marna ba ma hilmaami karno siddii ay shirkaddaasi u dhaqmi jirtay ee ay sida badheedhka ah habeen iyo maalin ba habka reernimada ah ay u laa luushi jirtay taageerayaasha Xisbiga WADDANI si ay Xisbiga uga soo baxaan. Waxaan Madaxdeyda Xisbiga ugu baaqayaa in ay soo saaraan qoraal ay ku socodsiinayaan taageerayaasha Xisbiga oo ay ku dhan yihiin shirkadahii ka ololeeyey Xisbiga WADDANI si taageerayaashu aanay waxba uga iibsanin shirkadahaasi.”. Ayuu yidhi Maxamed Axmed Ibraahim

Leave a Reply

*